Wednesday, August 03, 2005

Marxuum Caaqil Ibraahim Maxamuud Warsame "WAXDARAN-LIQE" oo fal dil ah loogu gaystay Tuulada Balli Kaliil

Waxa toddobaadkii tegey lagu diley tuulaada Balli Kaliil oo ka xigta Hargaysa dhinaca koonfur galbeed una jirta 30 KM, 2 Nin oo uu ka mid yahay Caaqilkii Beesha Kaliil Isaxaaq oo la odhan jirey Caaqil Ibraahim Maxamuud Warsame "Waxdaran-Liqe". Dilkan bahalnimada ee lagula kacay caaqilka waxa geystey nin dhallinyaro ah oo isla beesha ah oo uu ka hor istaagay inuu laayo dad war-ma-qabto ah oo tuulada Balli Kaliil gaadhi ku soo galay. Marxuumka iyo odayaal uu ku jiro ayaa, si ay u badbaadiyaan dadkaas, is hortaagay in ninkaasi laayo dad aan waxba galabsan oo uu u tirinayey in reerkoodu 2 nin ka laayey beesha deegaanka. Ninka kale ee lala dilay Caaqilka oo aan magaciisu na soo gaadhine wuxuu isna ahaa masuul ka mid ah madaxda isla beeshaas kaliil. Waxa kale oo isla goobtaas ku dhaawacmay dad dhawr ah oo cisbitaallada loola cararay.



Marxuum Caaqil Ibraahim Maxamuud Warsame wuxuu ahaa nin wax garad ah oo ay adhaxda kaga jabtay beeshiisa iyo beelaha kale ee deegaanka oo uu nabad iyo walaalnimo kula dhex jirey intii uu Caaqilka noqday iyo intii ka horreyseyba. Wuxuu ahaa nin nabadda jecel oo markuu maqlay xurgufta ka aloosantay deegaankaas ka soo kicitimay reerkiisii iyo caruurtiisii si uu u kala badbaadiyo ummadda walaalaha ah ee Jinnigu isku diray.



Caaqil Ibraahim Maxamuud Warsame wuxu dhintay isagoo gudanaya waajibkii Eebbe saaray iyo kii beeshiisu u egmatay labadaba. Ilaahay naxariisiitii janno ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo masuulkaas innaga wada baxay. Caaqilku wuxuu kaloo ahaa nin abwaan ah oo gabayo iyo murti badanba leh.



Bahda War-idaad News haddaan nahay, waxaan halkan tacsi uga diraynaa dhammaan ummada reer Soomaliland gaar ahaan beeshii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Caaqil Ibrahim Maxamuud Warsame " Waxdaran-Liqe oo ay ka mid yihiin Abdi Kadiye oo cariga Kanada ku nool magaalada Ottawa iyo odayga kale ee la go'ayba, annagoo Marxuumiinta Eebbe uga baryayna janadii Fardawsa inuu ka waraabiyo.

AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN

No comments: