Tuesday, August 09, 2005

Muxumad Aw Cabdi oo UDUB ka soo go'ay

Xildhibaan Muxumad Aw Cabdi oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada ee Xilligoodu dhammaanayo ayaa maanta ka soo go’ay Xisbiga UDUB oo ku soo biiray Xisbiga Kulmiye.

Muxumad Aw Cabdi oo ay haybta wadaagaan C/Casiis Maxamed Samaale oo ka mid ah guddiga Fulinta Xisbiga kulmiye, oo hoggaaminaaya taageerayaashiisii ayaa maanta ku dhawaaqay inay ka soo go’een Xisbiga UDUB kuna soo biireen Xisbiga Kulmiye.

Xaflad arrintaas loo sameeyey oo hada ka socota Hotelka Araweelo ee Magaalada Hargeysa oo lagu martiqaaday dhammaan Mas’uuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo uu hoggaaminaayo Gudoomiye Siilaanyo ayey odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Allay-baday kaga dhawaaqeen ku soo biirista Xisbiga Kulmiye.

Muxumad Aw Cabdi oo ahaa tiir ka mid ah tiirarka ay UDUB ku taagan tahay, waxa uu xagga siyaasadda UDUB kala miisaan ahaa Abiib Diiriye Nuur oo isaguna todobaad ka hor iska casilay shaqadii uu ka hayey xukuumada UDUB.

Xisbiga Kulmiye arrinta ku soo biirista Muxumad Aw Cabdi iyo taageerayaasha la socda waxa uu u arkaa guul u soo hoyatay, dhianaca kalena waxay taageero u tahay C/Casiis Maxamed Samaale oo ka sharaxan Xisbiga Kulmiye Gobolka Hargeysa.

Somalilandfuture online
Hargeysa

No comments: