Tuesday, August 09, 2005

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Berrito U Ambabaxaya Burco

Hargeysa (SL. Org) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa berrito u ambabaxaya magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Axmed Siilaanyo oo ay socdaalkiisa ku wehelin doonaan xubno ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga, waxa la filayaa in ilaa saddex maalmood ay qaadan doonto booqashadiisa.

Masuuliyiin ka tirsan hoggaanka xisbiga KULMIYE oo aan wax ka weydiiyey ujeedada socdaalka guddoomiyaha ayaa sheegay in booqashadiisu aanay la xidhiidhin ololaha doorashada Golaha Wakiillada, balse uu u tegayo si uu u ogaado wacyiga dadka reer Burco, u diyaargarowga doorashada iyo fikradaha ay ka qabaan doorashada Golaha Wakiillada ee foodda inagu soo haysa.

Waxayna masuuliyiintaasi sheegeen in guddoomiyuhu uu kulamo la yeelan doono mudada uu joogo Burco odayaasha, waxgaradka iyo weliba madaxda xisbiga ee gobolkaas.

Dhinaca kale, waxa beryahanba soo baxayey warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale booqasho ku tegayo magaalada Burco iyo degmada Oodweyne.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

No comments: