Wednesday, August 31, 2005

Nin Hore Heshiisyo Been Abuur Ah Oo Dhinaca Shidaalka Ah Ula Galay Xukuumadda Somaliland Oo Lagu Xidhay Norwey


Hargeisa, Somaliland — 31 August, 2005

Oslo, Norway, August 30, 2005 (Haatuf) – Nin u dhashay dalka Norway, magaciisana la yidhaahdo Mange Meier oo hore heshiis dhinaca soo saarista Shidaalka iyo khayraadka Kalluunka ula galay xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweyne Rayaale,ayaa la sheegay in lagu xidhay dalka Norway. Sidaana waxa qoray Wargeyska Dagensnæringsliv oo ka soo baxa dalka Norway, cadadkiisii soo baxay dorraad 28/8/2005.

Sida uu warka wargeyskaasi daabacay lagu sheegay ninkani wuxuu heshiin la galay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo ahaa mid been-abuur ah, isagoo hore u soo heshiis noocaas oo kale ah ula soo galay kuna soo dhacay dalal badan oo dunida ka mid ah. Sidoo kale, waxa warkaas lagu sheegay in ninkani Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Mbagathi Cali Maxamed Geedi uu u magacaabay Qunsul-sharafeed Soomaalida u jooga dalka Norway.

Wargeyskan oo bogga hore ku daabacay Sawirka Madaxweyne Rayaale iyo Ninkan, isla mawduucan ka qoray 16 bog, ayaa sidoo lagu sheegay in ninkani uu ku xidhan yahay jeelka caasimadda Norway ee Oslo, baadhistiisuna socoto.

Wargeysku waxa kale oo uu xusay in ninkan oo uu hore Wargeyska Somaliland Times oo la mataano ah Haatuf uga qoray, isagoo ku tilmaamay inuu yahay nin beenaale ah oo tuug ah, balse sida wargeyskaasi yidhi waxa difaacay Madaxweyne Rayaale oo sheegay inuu yahay nin dalka Somaliland caawinaya, waxaanu lacag horumar ah Madaxweynuhu u sii siiyay $200,000 oo doollar.

Sidoo kale, waxa uu wargeyskaasi intaas ku daray in ninkani hore khiyaamooyin noocan oo kale ah uga soo gaystay oo kaga ceeshi jiray wadamo ka tirsan Laatiin Ameerika iyo Afrikaba iyo weliba Baanka Islaamka.

Inkastoo aanay weli caddayn sababta dhabta ah ee ninkan loo xidhay, ayaa waxay fajaciso iyo af-kala-qaad ku noqotay jaaliyadda reer Somaliland ee deggan dalka Norway, isla markaana waxay qaar ka mid ah oo wargeyska Haatuf la soo xidhiidhay ku tilmaameen arrinta mid aanay haba yaraatee filayn oo yaab ku noqotay.

No comments: