Wednesday, August 31, 2005

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Faysal Waa Lagu Yiqiin Markhaatiga Beenta Ah


Haatuf — Hargeisa, Somaliland — 31 August, 2005

Faysal Cali Waraabe aya maalintii shalay shir jaraa’id oo Hargeysa ka dhacay ka hadlay dacwadda ay xukuumadda Somaliland ku soo oogtay Wargeyska Haatuf, iyada oo Wargeyska ku eedaynaysa war uu ku faafiyay cadadkiisii soo baxay 19-kii bishan, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Madaxweynaha Ooriyo-walaalkii oo soo iibinta TV-ga cusub loo dul-saaray $380,000”, taas oo wasiirka Warfaafintu sheegay inay tahay been iyo ceeb la marmarinayo Madaxweynaha iyo Marwadiisa.

Inkastoo jawaabtaa dhinaca Xukuumadda ka soo baxday ee ku saabsanayd warkii ay Haatuf qortay lagu baahiyay Saxaafadda dalka oo ay Haatuf-na qortay, haddana isla maalin kadib wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay inay dacwad ku oogeen Wargeyska Haatuf oo ay waliba yidhaahdeen inay wargeyska uga fadhiyaan soo caddeynta warkaa uu daabacay, iyada oo Gudoomiyaha Haatuf-na sheegay in eedda lagu soo oogay iskaga difaaci doonaan Maxkamadda horteeda.

Haddaba iyadoo ay arrintu halkaa taagan tahay, ayaa Faysal Cali Waraabe iska tiimbaday hawl aan isaga u oolin ama shuqul ku lahayn, waxaanu iska furay markhaati aan cidna ka dalban, kaas oo yidhi “Warka Haatuf wuxuu ahaa mid aan nuxur lahayn oo khaldan isla markaana xisbiga UCID laftiisuna uu wargeyska Haatuf Xeer-ilaalinta ka soo dacweeyay.

Haddaba markaad eegto markhaatigan Faysal ee shalay iyo dacwaddan ka dhaxeysa labada dhinac ee Xukuumadda iyo Haatuf ee aanu isagu doorba ku lahayn, waxa isweydiin leh waxa Faysal ku kelifay inuu ka markhaati furo dacwaddaa oo uu dhinac u xagliyo.

Waxa kale oo isweydiin leh Faysal ma waxaanu garanayn dhaqanka dacwadaha iyo goorta iyo goobta laga furo markhaatiga kiisaska Maxkamadaha ku jira ee aan weli la xukumin.Faysal waxa kale oo ka khaldan oo uu is-moodsiiyay inuu yahay Xaakimkii Maxkamadda ee u garniqi lahaa Haatuf iyo Xukuumadda. Waxa kale oo fajac ah Faysal oo isku hawla in talada hoggaamineed ee dalku mar uun gacanta u soo gasho, ayaa haddana ay iskaga khaldan tahay hannaanka u dejisan shuruucda iyo garsoorka dalkan.

Maraggan uu shalay shirka Jaraa’id ka furay ka sokow, waxa kale oo uu Faysal sheegay in Xisbiga UCID laftiisu uu Haatuf ka dacweeyay Xeer-ilaalinta isaga oo iloobay meesha ku haboonayd inuu Haatuf ka soo dacweeyo oo ay ahayd Maxkamadda, balse Xeer-ilaalintu ay tahay xafiiska dawladda u qaabilsan soo oogista dacwadaha, isla markaana uu Xeer-ilaaliyuhu yahay garyaqaanka Maamulka Dawladda oo xukuumaddu bixiso mushaharkiisa.

Waxa laga yaabaa in Faysal Cali Waraabe ay Maxkamadaha ugu dambaysay waqtigii uu furay Markhaatigii caanka ahaa ee uu ku furay kooxdii UFFO sannadkii 1981 uu taliskii Siyaad Barre ku qabqabtay magaaladan Hargeysa, kadibna ay Maxkamadii Badbaadada ee nidaamkii Faqashtu ay horraantii 1982-kii ku xukuntay xadhigga iyo dilka.

Haddaba, Faysal oo laga yaabo in xilligaa hore aanu meeshaba soo dhigan in dawladdii Siyaad Barre dhacayso oo si fool xun ugu burburayso gacanta ururkii SNM, malaga yaabaa maantana inuu ku hungoobo dawladda Rayaale ee uu markhaatiga beenta ah u furay.

No comments: