Thursday, August 25, 2005

Ogaadeenkii Shalay Dadka Wax Ka Gumaaday Ayaa Maantana Gubaya Gaadiidkooda

Ogaadeenkii Shalay Dadka Wax Ka Gumaaday Ayaa Maantana Gubaya Gaadiidkooda

1. Dhibaatooyinka Ka Taagan Dalka

Dalka Somaliland waxaa soo foodsaartay saddex (3)
dhibaato oo culus kuwaas oo kala ah: Maamulka Riyaale
oo khatar ku haya nabadgelyada, dawladnimada iyo
qaranimada Somaliland, Maamulka Majeerteeniya oo
dhinac ka haysta dalka welina daandaansi wada iyo
Jabhadda Argagixisada ONLF oo ku jirta olole ay ku
gubto Gaadiidka Somaliland dadkana ku layso.
Saddexdaas arrimood waxaa loola jeedaa in khalkhal
lagu geliyo nabadgelyada dalka laguna wiiqo
madaxbanaanida Somaliland.

2. Dadka Isaaqa iyo Beesha Ogaadeenka

Taariikh ganacsi iyo xidhiidh sokeeye oo fac weyn ayaa
ka dhaxaynjiray Dadka Isaaqa iyo Beesha Absamaha siiba
Ogaadeenka iyada oo la is dhaafsanjiray xoolaha miyiga
oo Ogaadeenku keeno iyo bucshiradda nolosha magaalada
siiba cuntada, dharka, iyo weelka oo Isaaqu u gudbiyo.
Waxaa kale oo jirtay in 30 kii sano ee xornimada
(1960-1990) qaxootiga maatada Ogaadeenka ee ka soo
cararay cadaadiska iyo gumeysiga Itoobiya ay ku soo
qulqulayeen magaaloooyinka Isaaqa siiba Hargeysa
halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhawaynjiray loona
hurijiray wax kasta oo noloshoodu u baahato sida
degaan, dhar, cunto, weel, xaabo iwm.

Dhaawaca xidhiidhkaas ganacsi waxa uu bilaabmay markii
Siyaad Barre la wareegay xukunka dalkii la odhanjiray
Jamhuuriyadda Somaliland bishii Oktoobar 21, 1969.
Dhaawacaasu waxa uu ka yimid dhinaca Ogaadeenka ka dib
markii beeshaasu ku gabood-fashay xidhiidhkii sokeeye
ee soo jireenka ahaa iyo abaalkii weynaa ee soo
dhaweynta iyada oo qabiil ahaan ula safatay Taliskii
Siyaad Barre lana dagaallamay Halgankii Hubaysnaa ee
SNM oo ka dagaallamayey duudsi dawladnimo iyo dulmi
weyn. Beesha Ogaadeenku waxay dadka, degaanada iyo
hantida Isaaqa u geysatay dhibaatooyin laxaad leh
xilligii dagaallada sokeeye iyaga oo dhaqan iyo
taariikh dambe midna aan xeerin balse si cad ay u
madaxmartay figradda Daaroodiisamka taas oo
illowsiisay xidhiidhkii iyo dhaqankii sokeeye ee soo
jireenka ahaa iyo soo dhaweyntii wanaagsanayd. Waxaa
loo baahnaa in haddii aanay la safanayn ummaddii
dhibbanayd ay arrinta dhexdhexaad ka noqdaan maadaam
ay marti ku ahaayeen dalka.

Siyaad Barre oo qorshihiisu ahaa inuu dhiso boqortooyo
Mareexaan oo lagu difaaco cudud Daarood ayaa markiiba
u baaqay si sharcidarro ahna dalka ku soo geshay
Ogaadeenkii Somali Galbeed waxaanu awood weyn iyo tiro
badan ka siiyay dhinaca ciidamada iyo rayidkaba.
Wadanigii u dhashay Jamhuuiryaddii la odhan jiray
Somalia waxaa laga dhigay qaxooti, qaxootigii
Ogaadeenna waxaa laga dhigay wadani iyada oo lagu
taxay darajadii iyo jagooyinkii laga boobay dadkii
waddanka lahaa waxaana laga dhigay xubno gole dhexe,
wasiirro, danjirayaal, janano, guddoomiyayaal gobollo
iyo degmooyin iwm intii u dhaxaysay 1969-1990. Tusaale
waxa loo soo qaadankaraa: Col. Moxamed Cumar Jees
(Reer Dhagaxbuur) oo xubin ka ahaa wixii lagu
magacaabijiray Golihii Sare ee Kacaanka, General
Moxamed Cumar Cosman (Reer Dhagaxbuur) oo ahaa
Taliyihii Ciidanka Badda, General Bile Rafle Guuleed
(Reer Wardheer) oo guddoomiye ka kala noqday Mudug,
Togdheer, iyo Gobolkii W/Galbeed (Hargeysa),
Cabdiraxmaan Afar Jeeble (Reer Qabridaharre) oo isna
guddoomiye ka noqday Gobolkii W/Galbeed ka dibna
noqday danjirihii Somalia dalka Imaaraadka, General
Cabdiwahaab Moxamed Xuseen (Reer Qabridaharre) oo ahaa
Taliyihii Ciidanka Guulwadayaasha, General Siyaad
Daa`uud (Reer Dhagaxbuur) oo ahaa Taliyihii Qaybta 26
aad iyo General Adan Gabyow (Reer Gaarisa, Kenya) oo
noqday Wasiirkii Gashaandhigga Somalia. Tirada
sarreeyayaasha (Jananada) iyo saraakiisha sare ee
Ogaadeenkii qaxootiga ahaa oo keliya ee ka tirsanaa
ciidankii la odhanjiray "Xoogga Dalka Somaliyeed” ama
jagooyinka ka hayey sannadihii 1980s waxay ka badnayd
tirada iyo jagooyinka marka la isku geeyo
sarreeyayaashii iyo saraakiishii sare Isaaqa iyo
Hawiyaha oo mid kasta u dhigmo Daarood taas oo
ujeedadeedu ahayd in lagu difaaco “Xukun Daarood”
lagana ilaaliyo awoodda beelaha waaweyn ee kale oo loo
arkayay inay khatar ku yihiin xukunkaas.

Madaxda iyo saraakiisha Ogaadeenka, oo ay ka mid
ahaayeen uguna darraayeen kuwa kor ku xusan, waxa
intooda badan loo bedelijiray Goboladii Waqooyi, siiba
kuwa Isaaqu dego intii u dhaxaysay 1970-1990 waxayna
qaybweyn ka qaateen u cabbudhinta iyo u sandullaynta
Isaaqa Taliskii Siyaad Barre. Waxay kale oo ay
qayb-laxaad leh ka qaateen siyaasaddii Taliskaas ee
dejintii boqolaalka kun ee qaxootigii Absamaha Somali
Galbeed oo Ogaadeenku u badnaa, kuwaas oo la dejiyay
duleedka Hargeysa iyo Berbera intii u dhaxaysay
1978-1985 halkii la dejin lahaa xuduudda taas oo
ujeedada ka dambaysay ahayd in si tartiib-tartiib ah
Isaaqa looga qaado dhulkooda lana dejiyo Absamaha iyo
kuwo kale si loogu dal-ballaadhiyo Daaroodka
mustaqbalka.

Markii SNM duullaanka weyn ee xoraynta ku soo qaaday
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco bishii May 1988 waxay
odayadii dhaqanka, madaxdii iyo Saraakiishii
Ogaadeenkii qaxootiga ahaa deg deg u hubeeyeen
qaxootiyadii xeryaha ku jiray ee Absamaha una badnaa
Ogaadeenka isla markaana Mogadiisho ka soo
daadgureeyeen Jabhaddii Ogaadeenka ee ka
dagaallamijirtay Somali Galbeed kana horgeeyeen SNM.
Waxay kale oo qaybweyn ka qaateen gummaadkii loo
geystay dadka Isaaqa sannadihii 1988, 1989, 1990,
burburintii Hargeysa iyo Burco, barakicintii dadka
intii ka badbaaday dilka, boobkii hantida iyo faro
xumayn badan iyaga oo lagu dagaalgelinjiray in la
siinayo dhulka Isaaqa. Saraakiishii iyo jabhaddii
Dhafoor-qiiqa qabiilka Maajeerteen (SSDF) waxay
iyaguna si weyn uga qaybqaateen dhibaatooyinka kor ku
xusan ee loo geystay Dadka Isaaqa,

Marka la eego baaxadda dembiyada la galay iyo
dhukmentiyadii iyo qoraaladii sirta ahaa ee laga
qabsaday Taliskii Siyaad Barre, waxaa cad in dagaalkii
lagu qaaday Waqooyi aan loola jeedin Ururkii SNM oo
qudha runtiise uu ahaa dagaal Daarood ku qaaday Isaaq
iyaga oo adeegsanaya awood dawladeed oo ay ku
dagaalgesheen ciidamadii dawladda, jabhado kala duwan
(Somali Galbeed, Abow, SSDF) qaxootiyo, raafkii
Koonfur iyo beelo gaar ah. Daaroodka waxa arrintaas
ku kellifay laba sababood oo kala ahaa: Iyaga oo Isaaq
u arkay inuu khatar ku ahaa xukunkii Daarood iyo iyaga
oo damaaci ka galay dhulka Isaaqa. Sidaas daraadeed,
waxaa dagaalka ujeedadiisu ahayd in Isaaqa laga dhigo
qayb la laayo iyo qayb la qaxiyo si loo tirtiro
awoodooda, dhulkoodana loola wareego. Waxyaabaha
arritan xaqiijinaya waxaa ka mid ahaa warqaddii SIRTA
CULUS ahayd ee taariikhdu markii ay ahayd January 28,
1987 uu dembiile dagaal Moxamed saciid Moorgan u kala
diray soddogii madaxweyne Siyaad Barre, General Aden
Hirsi Gabyow, Wasiirkii Gashaandhigga, iyo General
Axmed Suleman Cabdalla, Wasiirkii Arrimaha Gudaha,
warqaddaas oo Moorgan ku soo jeedinayo talo ah in
dadka Isaaqa si tartiib-tartiib ah looga
dhaxal-wareejiyo dhulkooda laguna beero waxa uu ku
tilmaamay “Dadka ehelka u ah Kacaanka” oo ahaa Daarood
maadaama warqaddu ku koobnayd madax Daarood oo qudha.

Ogaadeenkii sida weyn uga qaybqaatay gummaadka
Isaaqa,boobka hantida iyo burburinta magaalooyinka
ayaa maantana gaadiidkooda gubaya iyaga oo ku
marmarsoonaya dhawr qof oo Hargeysa dembiyo ugu
xidhan. Arrintu waa dagaal guud iyo nacayb soo laba
kacleeyay oo lagu hayo dadka Isaaqa oo ay wadaan
dadkii hore ugu mamay dhiigooda iyo hantidooda mudada
dheer.

3. Wax-ka-qabashada Dhibaatooyinka Dalka Ka Taagan

Seddexda dhibaato ee dalka ka jira kuna xusan bilowga
maqaalkan waa in si wadajir ah loo wada waajaha waayo
waxay halis ku hayaan nolosha qof kasta iyo beel kasta
ee Somaliland, waxay kale oo khatar ku yihiin
nabadgelyada, dawladnimada iyo madaxbanaanida dalka.
Haddii xukuumadda maanta dalka ka jirta ee madaxweyne
Riyaale ay ahaan lahayd mid danta dadka iyo dalka
metasha, dawladnimada lama wiiqeen, dhul lama
qabsadeen, gadiidna lama gubeen. Bal iska dhaaf waxay
xukuumaddu ka qabato ee waxay hoosaasinaysa sidii
dadku wax uga qaban lahaa dhibaatyooinka.

Waxaa lagu maahmaahaa, “Oodo dhacameed sida ay u kala
sarrayso ayaa loo kala guraa.” Si seddexda dhibaato
ee dalka ka taagan wax looga qabto, waxaa ummadda
Somaliland maanta la gudboon in doorashada soo socota
ee Baarlamaanaka Somaliland ay doorato baarlamaan
damiir iyo wadaninimo leh, dareensan dhibaatooyinka
halista ah ee dalka ka jira, u damqanaya dadka iyo
dalka, aaminsan difaacidda madaxbanaanida J.
Somaliland. Haddii la doorto baarlamaan leh nuxurkaas
wadaninimo waxaa markaas suurtogelaysa in deg deg wax
looga qabto Maamulka Riyaale oo fashilmay xag
wax-qabad iyo xag daacadnimaba taasuna waxay
fududaynaysa markaas sidii wax looga qaban lahaa
labada dhibaato ee kale oo kala ah: Xad-gudubka iyo
daandaansiga Maamulka Puntland iyo Jabahdda
Argagixisada ah ee ONLF.

Haddii aan deg deg loo joojin gaadiidka la gubayo lana
bixin magdhowga 50kii baabuur ee la gubay, waa in
inta lagu jiro hawlaha doorashada baarlamaanka la
raacaa baaqii uu dhawaan Suldaanka Guud ee Beelaha
Somaliland, Suldaan Moxamed Suldaan Cabdilqaadir, u
jeediyay madaxda dhaqanka iyo dadweynaha 21kii August,
2005 ee ku saabsanaa sidii deg deg wax looga qaban
lahaa jawaab cadna looga bixin lahaa gaadiidka la
gubo. Konton baabuur (50) oo la gubay dadna lagu
laayo maaha wax marnaba loo dulqaadankaro, oo weliba
uu gubo qabiil hore looga tirsanayay dembiyo culus.
Waxaa kale oo muhiim ah in dib looga fiirsado
heshiiska u oggolaanaya Xukuumadda Itoobiya inay
isticmaasho Dekedda Berbera haddii ay wax ka
qabanweydo Gaadiidka Somaliland ee sida joogtada ah
loogu gubo dhulka ay maamuusho ama taakulayn hub iyo
saanad siin weydo dadka Isaaqa ee dhulkaas dega si ay
iskaga difaacaan Jabhadda ONLF. Guul iyo Gobonimo.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Taariikh: August 25, 2005
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

No comments: