Thursday, August 25, 2005

Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira

Dawladnimada casriga ah ee lagu dhisay habka madax-banaanida xisaabadka (Good geverment transparency) way dhib yarta in la raad raaco is dhaafdhaafka xisaabadka. Waayo dawladu marka horeba waa inay leedahay miisaaniyad uu soo ogolaaday golaha wakiiladu aanay ku cadahay halka iyo sida lagu helayo. Xisaab xidhka miisaniyadaana waa in mar labaad la hor keenaa isla golahii wakiilada ee ansaxiyay marka uu sanadku dhamaado. Xisaab xidhka waa inay soo ansaxisay hayad madax banaan oo xisaabadka qaabilsan (Hanti dhawrka). Qodobadaas oo dhami inkasta oo ay ku cadyahiin Dastuurka Qaranka qodobkiisa 80 aad, hadana waxaynu ogsoonahay in qodobkaasi yahay mid ay dawladu iska indho tiray isla markaana hay’adihii dawliga ahaa ee fulinta arinkaas ku qasbi lahaa dawladu(golaha wakiilada iyo maxkamada) ay yihiin kuwo shaqo gab ah.

Hadaba iyada oo arimahaasi aan kor ku xusay ay taagan yahiin ayaa waxa layaab noqotay in isla dawladii jabinta dastuurkeega u tafo xaydnayd ay maxkamad la tiigsato wargays ay ku eedaysay inuu farta ku fiiqay kuna sheegay inay wax cuneen. Miyayna arintu u eekayn Hasha geela cunta ee hadana cabaada. Iyada oo uu yaabkaasi taagan yahay ayaa hadana waxa layaabkii sii kordhisay in labadii wasiir ee wasaaradahooga lagu eedaynayay musuqmaasuqu ay shirar jaraa’id qabteen. Subaxii dambena ciwaanadan oo far waawayn lagu qoray ayaan jaraa’idka ku aragnay “Wasiirka Kalluumaysiga oo beeniyay in Marwo Huda lacag ka qaadatay Shirkad Kalluumaysi” iyo “Wasiirka Warfaafinta oo Beeniyay in Lacag lagu lunsaday TV-ga Qaranka”.
\r\nIn qof waxsheegay afka lagaga yidhaa waa beentaa way dhib yartahay, balse waxa dhib badan in cadayn dadka kale qancisa la soo hor dhigo. Hadaba inaga oon ahayn kuwa wax sheegay iyo kuwa eeda iska riixaya ee yidhi waa beentii, si aan labadooda mid u rumaysano waxaan u baahanahay cadayn. Arimaha la xidhiidha xisaabadkana sida loo cadeeyaa way dhib yartahay marka la soo ban dhigo: waraaqo heshiis, xisaab xidh ay ku saxeexantahay hanti dhawr madax banaan iyo warbixino bangiyo caalamiya. Waxa la yaableh in wasiirka warfaafintu aanu warbaahinta la hor iman shatiyadii iyo magacyadii shirkadihii laga soo iibiyay TV uu muranku ka taaganyahay. Waxa kale oo layaab leh in wasiirka kaluumaysiga ee sheegay inaanu wadanka ka kaluumaysan markab ayna wasaarada kaluumaysigu aanay rusqad siinin aanu dadka u soo ban dhigin inta markab ee ka kaluumaysata bada Somaliland, qiimaha markabkiiba laga qaado iyo inta ay leegtahay lacagta ka soo gasha wasaarada maaliyada isaga oo soo bandhigaya shatiyo cashuur lagag qabtay ama xisaabad ay shirkadahaasi koontada dawlada ku soo shubeen.

Hadalka madhan ee labada wasiir ku beeniyeen qoraalka jaraa’idka ku soo baxay waxaan odhan karaa falaadhi gilgilasho kaagama go’do.Gabagabadii qoraalkan waxaan odhankaraa imika oo madmadawgii dawlada lagu xamanayay ay isla dawladu ay maxkamad hor gaysay waa in shacab waynaha Somaliland ay fursadan ka faa’idaystaan oo ay dawlada ku waydiistaan in ay xisaab xidh buuxa ka keentaa dhamaanba wasaaradaha iyo hayadaha dawliga ah. Waa inaan dacwadan loo arag mid u dhaxaysa Haatuf iyo dawlada ee waa in shacabku ay raadsadaan waxa ay xaqa u leeyahiin. Haddii kale sidii libaaxii sadexda dibi doonayay inuu marba mid cuno ee yidhi waar dibigaa cad habeenkii baa cadawgu inagu soo arkayaaye aan inaga qabto ayaa maalinba midkiin la cabudhin doonaa."


In qof waxsheegay afka lagaga yidhaa waa beentaa way dhib yartahay, balse waxa dhib badan in cadayn dadka kale qancisa la soo hor dhigo. Hadaba inaga oon ahayn kuwa wax sheegay iyo kuwa eeda iska riixaya ee yidhi waa beentii, si aan labadooda mid u rumaysano waxaan u baahanahay cadayn. Arimaha la xidhiidha xisaabadkana sida loo cadeeyaa way dhib yartahay marka la soo ban dhigo: waraaqo heshiis, xisaab xidh ay ku saxeexantahay hanti dhawr madax banaan iyo warbixino bangiyo caalamiya. Waxa la yaableh in wasiirka warfaafintu aanu warbaahinta la hor iman shatiyadii iyo magacyadii shirkadihii laga soo iibiyay TV uu muranku ka taaganyahay. Waxa kale oo layaab leh in wasiirka kaluumaysiga ee sheegay inaanu wadanka ka kaluumaysan markab ayna wasaarada kaluumaysigu aanay rusqad siinin aanu dadka u soo ban dhigin inta markab ee ka kaluumaysata bada Somaliland, qiimaha markabkiiba laga qaado iyo inta ay leegtahay lacagta ka soo gasha wasaarada maaliyada isaga oo soo bandhigaya shatiyo cashuur lagag qabtay ama xisaabad ay shirkadahaasi koontada dawlada ku soo shubeen. Hadalka madhan ee labada wasiir ku beeniyeen qoraalka jaraa’idka ku soo baxay waxaan odhan karaa falaadhi gilgilasho kaagama go’do.

Gabagabadii qoraalkan waxaan odhankaraa imika oo madmadawgii dawlada lagu xamanayay ay isla dawladu ay maxkamad hor gaysay waa in shacab waynaha Somaliland ay fursadan ka faa’idaystaan oo ay dawlada ku waydiistaan in ay xisaab xidh buuxa ka keentaa dhamaanba wasaaradaha iyo hayadaha dawliga ah. Waa inaan dacwadan loo arag mid u dhaxaysa Haatuf iyo dawlada ee waa in shacabku ay raadsadaan waxa ay xaqa u leeyahiin. Haddii kale sidii libaaxii sadexda dibi doonayay inuu marba mid cuno ee yidhi waar dibigaa cad habeenkii baa cadawgu inagu soo arkayaaye aan inaga qabto ayaa maalinba midkiin la cabudhin doonaa.

Abdirahman Jama

maandeeq2@yahoo.com

Holland

No comments: