Tuesday, August 02, 2005

Qoraal Ku Socda Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr C/laahi Max’ed

Xarunta Warbaahinta Sanaag
Sanaag Media Canter

Waxa Nasiib Daro ah in Sharaftii Iyo Maamuuskii Mansabka aad umada u
hayso Fahmi la’dahay, Waxaad Garan La’adahay Inaad Tahay Masuul Qaran oo Umadu u siman tahay, Waxaad u Muuqataa Sidii Hogaamiye Kooxeed Xoog Ku haysta Dad masaakiina oo aan lahayn Awood wax Iska Caabineed, Hab Dhaqankaagu Wuxuu Magac dil ku yahay Xukuumada Aad Ka tirsan tahy Ee Madaxweyne Daahir Rayaalle Kaahin oo aad isu tustay nin kaga gudban Mawjado soo fatahaya Balse aanay xaqiiqadu Sidaa ahayn.


Hadii aan intaa Kaga Baxo hordhaca Qoraalkayga, Tan iyo Markii aan Bilaabay Aasaska Xarunta Warbaahinta Sanaag Kuuna Soo qoray Codsigii ugu horeeyay ee aan Ku dalbaday Diiwan gelinta ahaana Waxa aan xaq u Leeyahay Waad Ogeyd sidii foosha xumeyd ee aad Ka Yeeshay arintaa, Waxaan ka Xishooday in aan Warbaahinta ku faafiyo qoraalkaagii Jawaabta ahaa Iyadoo Taasi ii Fududayd .

Balse aan Kugu Ixtiraamay Maqaamkaaga, Gadaal Waxaan Ka Ogaadey inaad Raadisey Beesha Aan ka soo Jeedo Taaso ka Mid ahayd Waxyabihii Raajiyey inaad Ii Jawaabtid, Balse Markii aad soo heshay Haybtayda ay kuu Fududaatay Inaad Jawaabtid, Waxaan Moodayay Inaynu sidaa Isku Macsalaamaynay Markii La ansixiyey Xeerka Saxaafada Oo Banaanka Kaaga saaray inaad Wax fara Gelina ku Yeelatid Arimaha Diiwaan Gelinta Warbaahinta Balse adigoo Isticmaalaya Awood Xaaraana Inaad Weli Faraha Kula Jirto Arimaha Warbaahinta Siiba Xalaalyntooda oo ay Leedahay Xeer Ilaalinta Guud, Miyaanu Gar daranahay Hadii aanu Dafiro in Dalkan Wax Dawlad ahi Ka Jirto Mar Hadii Adigoo Wasiir ah aanay ku Dabaalayn Shuruucdii Wadanka U Taalay? Waxaanu Kaa Fadhiyi Kari lanahay Dalkii Ilaahay Nagu abuurtay,Waxaan u dul qaatay Cadaadiskaaga Sir iyo Caadba adigoo ka Faaidaysanay Mansabkaaga, Waxa Cid Waliba Ogtahay G/sanaag Siduu uga soo Go’anyahay Dalka Intiisa Kalle Kama Jiro Tv, Radio, Iyo Jaraaid si joogta ah u yimaadaa, Waxaanu Si Mutadawcnimo ah Isugu Xil Saarnay In Dadku War Helaan Waxa Dalka Ka jira, Waxaad Nagu soo Qaaday Dagaal Adigoo ku Shaqaynaya Warar Been Abuura oo ay kuu soo Tebiyeen Beenalayaal Ka xun Horuumarka Xarunta Warbaahinta Sanaag Hiigsanayso Iyadoo Ruqsad Ka Haysata Maamulka Dawlada Ee Gobolka iyo Degmadaba, Maanu Samayn Wax Idaacad Sida ay kuu soo shegeen Basaasintaada kuu Gaarka ahi Balse Waxaanu Samaynay Farsamo Kalle oo aanu ku soo Tebino Wararka Iyo Dhacdooyinka Kalle, Waxa Nasiib Daro kalle ah In Markii Laguu sheegay in Radio Hargeysa laga Dhegaysanayo C/gaabo aad Jarteen inaad wax wara ku soo shubtaan Bogiinii Internetka Taas oo aanu Markhaatiyo u Hayno, Anigu Waan Fahmi Waayay Ujeedadaada Mudane Wasiir, Sida Caqligaaga ku jirtana Saxaafada G/sanaag Ma ahaanayso mid U af duuban Shaqsiyaad Fuliya Hadba wixii aad adigu U soo Yeedhisid, Balana Waxaan Ku qaaday Qiime Kasta Ha ku Kacdee inaan Sameeyo Idaacad ay Yeelato Bulshada G/sanaag oo Kuugu Timaada Xafiiskaaga Gudihiisa.

Kuma Niyad Jabi doono Hanjebaad iyo Hagardaamooyinkalle toona Ilaa Codka Xorta ahi Meel Kastaba Gaadhayo, Waxaan Dagaal af iyo Adina U Geli Doonaa in aan Bulshada Caalmka tusno Sida Aad Ugu Xad Gudbaysid Qodobka 19aad Ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadamaha kaas Oo Odhanaya{{ Qof kastaa Wuxuu Xaq u Leeyahay inuu Helo Xornimo Xaga Rayiga iyo Hadalka, Wuxuu Kalle oo Xaq u Leeyahay in aan lagu Faro Gelin rayigiisa iyo Inuu Raadsado,Helo, Dhiibo Warar iyo Fikrado isagoo Isticmaalaya Qalab kasta oo Warbaahin ah, Iyagoo aan loo eegin ama Lagu xayirin Wax soohdin ah}}

Waxaan Hadalkayga ku soo Geba Gebaynayaa Xiiniinyo Ma ah kuwa kuwa kugu Jira ee Waa Kuwa Lagula Dhinac joogo, Sharciyadii Dalku shaqayn Weydaye Wasiir C/gaabo Waa Wadooyin Xuntahaye Gaadhi Adag oo Taraaga Xamila Soo Kaxayso Markaad Rabtid in Aad Albaabada u Xidho Xarunta Warbaahinta Sanaag.



Allah Baa Mahd Leh

Maamulaha Xarunta Warbaahinta Sanaag

Max’ed Cabdalle Cilmi

sanagmedia@hotmail.com

No comments: