Tuesday, August 02, 2005

Rayaale lagu Diidi maayo Reernimo oo waa Madaxweynihii Dalka, Balse wuu Fashilmay

Hargaysa(Jam)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku dhaliilay xukuumadda Daahir Rayaale karti daro iyo inay ku fashilantay xilka ummaddeed ee loo igmaday.


Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu dhaliisha xukuumadda ka jeediyey xaflad shalay uu xisbiga KULMIYE Hotelka Arraweelo ee magaalada Hargaysa ugu sameeyey beel ka mid ah degaanka Hargaysa oo sheegtay inay ka diga rogatay xisbiga UDUB oo ay taageeradeedii ku biirisay xisbiga KULMIYE.


Siilaanyo oo ka hadlayey arrimaha uu ku dhaleeceeyey Xukuumadda Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha ka yahay, waxa uu yidhi;


“Dawlad waxa lagu qiyaasaa ama lagu qiimeeyaa waxay dadka u qabatay maanta muddaa laga joogaa oo waynu tijaabinay dhinac kasta waa laga tijaabiyey. Maalintii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal geeryooday Alle ha u naxariistee, Gobolada Bariga, Laascaanood oo kale waxa Cigaal kaga tegay iyada oo qayb ka mid ahi Somaliland tahay, waynu ognahay oo amar isagu (Riyaale) toos u bixiyay ayaa lagaga soo baxay, wax gacanteena kaga jiraana maanta ma jiro, haddii aynaan been isku sheegayn. Dhaqaalihii, Dekadihii, Caafimaadkii, arrimihii bulshada intuba waa dayacanyihiin. Markaa ma aha in reernimo lagu diidayno Rayaale oo waa Madaxweynihii dalka, laakiin waxaanu leenahay UDUB iyo Daahir Riyaale Kaahin way ku guul-daraysteen hawshii loo igmaday, dhaqaalaha yar ee dalka ka soo baxana KULMIYE ayaa lagula dagaalamaa”.


Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu si kulul u naqdiyey lacag Shillin Somaliland ah oo xukuumadda daahir Rayaale ay dhowaan soo daabacday. Lacagtaas oo uu ku tilmaamay in ujeedada loo soo daabacday ahayd sidii loogu kharashgarayn lahaa in lagu musuqmaasuqo doorashada Golaha Wakiilada ee foodda innagu soo haysa, xisbiga UDUB-na si khaldan ugu iibsan lahaa codka dadwaynaha. Isaga oo arrintaa ka hadlaya Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi; “Waxa la soo daabacday lacag, su’aashu waxay tahay maxaa loo soo daabacday, waxa loo soo daabacday in lagu isticmaalo Doorashada Baarlamaanka, maalintii dowladaha hoose la dooranayay lacag baa la soo daabacday, markii Madaxweynaha la dooranayayna lacag baa la soo daabacday, markaa annagu sidaa caddaalad uma aragno, haddii lacagtaa dalka iyo dadka lagu dhisayana ciil uma aanu qabneen oo annagu waxaanu u hadlaynaa una soo halganay waa dalka iyo dadka Somaliland, beel qudhana danteeda ma wadno”.

No comments: