Monday, August 22, 2005

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar Oo Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilay UDUB Kuna Biiray KULMIYE

ANN — Hargeisa, Somaliland — 22 August, 2005

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah culimada'udiinka caanka ah ee Somaliland, ahna Sheekhul beledka gobolka Awdal, isla markaana ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay hawshii, xubinimadii iyo taageeradii uu siin jiray xisbiga UDUB ee talada dalka haya.

Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu u gudbiyey Hoggaanka sare ee Xisbiga UDUB iyo xukuumadda sareba, kaa soo uu nuqul ka mid ah qoraalkaasi uuu gudbiyey Hoggaanka sare ee Xisbiga UDUB kuna ogeysiinayo xukuumadda, oo soo gaadhay Weriyaha Haatuf ee Boorama, isagoo ku qoran afka carabiga Qoraalkaasi nuxurkiisa ayaa waxa uu u qornaa sidan:
Bismilaaahi Raxmaani Raxiim.

Ku: Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB
Og: Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Golaha Guurtida

Ujeedo: Iscasilaad

Ka dib markii aan ogadaay isla markaan aan si aad ah u daalacday waxaan ogaaday in .. daamka xisbiga UDUB uu ku salay sanyahay qaddarin la'aan aanu qaddarinayn ragii hormoodka ahaa ee aasaasay xisbiga, isla markaana uu tixgelin waayey fikirkoodii uu iftiimin lahaa sidii xisbigaasi ugu guuleysan lahaa doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda, anigoo dareensan daciifnimo maamul oo xisbiga ku keeni karta guuldarro.

Waxaasoo dhan anigoo eegeya waxaan go'aansaday iscasilaadaydan u gudbiyo hoggaanka sare ee xisbiga iyo dawladda-ba , Waxaan iska casilay xubnnimadaydii laga bilaabo 14 August oo ku beegan 9-ka Rajab 142 Aayad quraanka kariimka ah ka mid ah ayaa Illaahay ku yidhi "Haddii aad ogaato qoom ku shaqaynaya khiyaamo, tuur ballankii idinka dhexeeyey, illahayna ma jecla khaayimiinta"

Salaamu Calaykum
Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, Sheekha Gobolka Awdal, ahna xubin ka tirsan golaha guurtida. Intaa ka dib ayuu weriyaha Haatuf ee Booram Sheekha weydiiyey bal inay jiraan arirmo kale o ku kelifay iscasilaaddan waxana sheekhu ku yidhi "Xisbiga UDUB muddo ayaan ku soo jiray waxanan ka mid ahaa odayadii abaabulay ee aasaasay, Somalilandna waxa badan baan kula taliyey. Mawqifkaygii Somalland waa sidiisi waxa keliya oo aan iska casilay waa Xisbiga UDUB, haddii aad aqal ku jirto oo aad aragto in aqalkaasi tiirarkiisii xar galay, dhigta dhexena ay nuglaato haddan nin weyn tahay in taanu aqalkaasi kugu dulaamin ayaa dhinaca looga baxaa, sida aqal kaa ayaan u arkaa Xisbiga UDUB.

Midda kale anigoon ku dheeranayn hadalka, beribaa nin dhalinyaro ahi uu yimi nin oday ah wuxuu yidhi adeer bal warran, odaygiiba yidhi iga daa, haddana ninkii dhalinyarada ahaa ayaa ku celiyey oo yidhi adeer warran odaygiibaa yidhi sawtaan ku idhi iga daa een weliba deelka sheedey. Nin weyn weyn iyo umulisana siday wax u ogyihin uma sheegaan waxaan ka baxay UDUB, anigoo ku biiray KULMIYE maadaama aan u arko rag dalka u shaqaynaya balse aan ka shaqaysanayn.

Waxaan UDUB kula dardaarayaa haddaad guuleystaan oo aad doorashada aqlabiyadda yeelataan dalka iyo dadkaba sidan u dhaama, haddii aad guuleysan weydaanna aan mina dalkiina wax la idinku xantaa inaad dalka ka baxsanaysaan hadddii la idinkaga adkaado doorashada baarlamaanka ee Waa bilaahi Taw Fiiq."

Haddaba iscasilaada sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ahaa odayadii iyo culimadii reer Somaliland ee u hawlgalay dib u heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dhismaha xukuumadda maanta dalka xukunta ee ka dhalatay shirkii Boorama ee 1993-kii ayaa ah mid lama filaan ah, waxaanay dad badan oo reer Boorama ahi aaminsanyihin in iscasilaadda Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali ay dhirbaaxo ku noqonayso mustaqbalka Xisbiga UDUB ee talada haya.

Xigasho Wargayska Haatuf

No comments: