Saturday, September 17, 2005

Boorama: Calanka Xisbiga KULMIYE Oo Dab La Qabadsiiyay


Haatuf — Borama, Somaliland — 17 September, 2005
Boorama, September 16, 2005 (Haatuf) – Calanka xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE ayaa shalay lagu gubay meel isgoys ah oo ku taal badhtamaha Boorama.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, falkan oo dhacay cabbaare 11 subaxnimo ayaan badi dhinaca dadkii marayey meeshaasi aan wax dareen ah gelin, balse waxa aad uga cadhooday maamulka dawladda siiba taliska ciidanka amniga oo markiiba ku dhaqaaqay inay baadi goobaan ciddii falkan geysatay, waxayna markiiba u xidheen nin ay ku tuhmeen inuu isagu gubay astaantan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Wakiilka xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal oo aan wax ka weydiiyey ayaa yidhi: "waa fal foolxun oo aan meela ka soo gelin qarannimada, waxaanuna arintaa ku wargelinay Bileyska, annagoo u geynay wixii ka soo hadhay calankaasi la gubay, waxa kale oo aan geynay saldhigga markhaatiyadii. Waxa kale oo xukuumadda ka sugeynaa sidii looga hortegi lahaa arrimahan fawdada ah ee keeni kara xamaasado kale iyo nabadgelyodarro."

Madaxa baadhista Bileyska ee gobolka Awdal Muuse Xasan Riiraash oo isna aan wax ka weydiiyey ayaa yidhi: "Falkani waa mid an loo baahnayn, isla markaana keeni kara xasarad sidaa darteedna annagu waxaanu weli baadhaynaa sida ay wax u dhaceen iyo ciddii ka dambaysayba, waanan haynaa nin lagu tuhunsan yahay falkan, waana ka gun gaadhaynaa xaqiiqada.”

Falkan lagu gubay calanka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ka dhaca Boorama, balse waxa iyana maalmihii lasoo dhaafay weeraro gacan ka hadal ah loo geystay qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka ee Xisbiga KULMIYE, taageerayaal iyo xubno musharixiin ah. waxaana dadkaa qaarkood loola carayay Cusbitaalka Boorama.

No comments: