Friday, September 16, 2005

waxaan qabnaa Somaliya si ay wax uga hagaagaan in furaheegu uu yahay aqoonsiga Somaliland


Hargeysa(Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Somaliland kula kulmay Safiirka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Ambassador Bob Dewar oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ay shalay booqasho ku yimaadeen Somaliland.


Madaxweyne Rayaale oo casho sharaf u sameeyay Danjiraha iyo waftiga la socday, waxa ay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay ka mid yihiin ujeedada weftiga iyo sida ay hadda tahay Xaaladda dalka Soomaaliya. Sida uu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray xalay Afhayeenka Madaxtooyaa Somaliland Mr. Cabdi Idiris Ducaale, waxa waxa uu Danjiruhu Madaxweynaha uga waramay ujeedada booqashadiisa, oo uu sheegay inay ka mid yihiin inay xog-ogaal u noqdaan u diyaar garawga doorashada. “Waxaanay Madaxweynaha si faahfaahsan uga wada hadleen u diyaar garawga doorashada oo uu Madaxweynuhu sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay in doorasho xalaal ah oo xor ah ay si nabadgelyo ah dalkan uga dhacdo haddii alle yidhaahdo, waxa kale oo madaxweynaha ay ka wada hadleen arrimaha kala gedisan ee aynu u baahanahay in Xukuumadiisu ay inaga taageerto iyo baahiyaha deg-degga ah ee jira, sida khasaarooyinkii roobabku ay inoo gaysteen wax ka qabashadooda.” Sidaas waxa yidhi Warsaxaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay.


Sida Warsaxaafadeedku sheegay waxa uu Danjire Bob Dewar, Madaxweyne Daahir Rayaale wax ka weydiiyay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaanu Madaxweyne Rayaale ku yidhi, “wax sii xumaaday mooyee wax is beddel ahi kama muuqdaan, waxaanu ka xunnahay caddaalad darrada bulshada caalamku ay wali uga gaabinayso aqoonsiga Somaliland, waxaan qabnaa Soomaaliya si ay wax uga hagaagaan in furaheedu uu yahay aqoonsiga Somaliland oo ku dhiirin kari lahaa inay iyagu wax qabsadaan si ay dhibaatada uga baxaan, waxaanan awoodnaa haddii kaalintayada Mujtamaca caalamku xaqayaga noo ogolaado in aanu cid walba uga fara dhuudhuubanahay xallinta arrimaha Soomaaliya.”


Dhinaca Somaliland waxa kulankaas Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiradiisa Arrimaha Dibadda Marwo Edna Aden, Arrimaha Gudaha Md. Ismaaciil Aadan Cismaan, Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale(Cawil), halka dhinaca Danjiraha uu kala qayb galay casho sharaftaas Ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda Mr. Daniel Drake, u qaybsanaha Safaaradda dhinaca Difaaca iyo xoghayahwa koowaad ee Safaaradda Ingiriiska ee Nayrobi Mr. David Bell.

No comments: