Friday, September 30, 2005

Damaca Jabuuti Iyo Damanaanta Somaliland!!!

Akhristow waxa baryahanba soo noqnoqanayay wararka musharixiin dhowr ah oo ka tanaasulay musharaxnimadoodii golaha wakiilada dalka ka dib markii ay arkeen, waa siday hadalka u dhigeene “inaanay dadkoodii wadanka joogin; aanay codsadeen in kuraas tiradoodu shan tahay oo aan lagu tartamin (nominated parliamentarian seats) la siiyo beeshooda…siddii caadadu ahaan jirtay”. Hadaba arintaas dad aad u faro badan ayaa shucuurtooda ka soo jeediyay waano iyo tusaalayna u soo jeediyay ragaas iyo beesha ay ka soo jeedaanba. Waxana aragtidayda aad ii soo jiitay hadal uu cinwaankiisu ahaa , “Dhayal buu ku ooyaa dhalaan habartu haysaa”- Muuse Dugsiiye Xoosh (oday dhaqameed degaanka Saylac) oo uu daabacay Haatuf asbuucii ina dhaafay.

Bal hadaba akhristow inagoo dhinacyo badan eegayna aan dib ugu noqono beesha Ciise iyo degaanka Saylac xiligii 1960kii iyo damaca qaawan ee xukuumada Jabuuti.

Taariikhda Degaanka Saylac iyo Beesha Ciisaha:

Beesha Ciise waa mid ka ah beelaha waawayn ee ku abtirsada Soomaalida kuna dhaqan geeska afrika. 1960kii markii Somaliland ka qaadatay xoriyadeeda gumaysigii ingiriiska beeshani wax dhul ah oo u gaar ah kumay yeelan degaankii xoroobay; hadaba odayadii degaanka Saylac (Maxad case-Gadabuursi) markay arkeen in beeshaasi tahay mid ku hadhay dhamaanteedba gacmihii gumaysigii faransiiska iyo Itoobiya oo aanay wax fursad ah haba yaraatee ku lahayn dhulka xoroobay ee wallaalahooga Soomaaliyeed waxay go’aan ku gaadheen inay ku marti sooraan beeshaas labadii kursi ee degaanka Saylac (Saylac District), oo ay waliba ku soo baxaan iyaga oo aan lala tartamin (Any-voice). Waxa kale oo taa dheerayd in Beesha Ciise iyo ta Ogaadeen (maadaama ay labaduba ku hadheen gacantii gumaysiga) ahaayeen labada beelood ee keli ah ee iskuuladii Soomaaliland loo ogolaa inay bilaash ku dhigtaan (free schooling) iyagoo waliba xuduudka laga soo guri jiray halka wallaalahooga reer Somaliland ay bixinayeen lacagta iskuulka (school fee).

Damaca Jabuuti
Sida la wada xasuusan yahay xiligii dagaalkii sokeeye ee sagaashamaadkii kooxo laga soo abaabulay Jabuuti ayaa calamo shisheeye ka taagay meelo ka tirsan degaanka Saylac iyagoo ku andacoonaya inay dhulkaas Jabuuti leedahay; waanan ogayn sidii geesinimada lahayd ee dadka degaanka iyo ciidamada qaranka Somalilandba arintaas uga hortageen ee ay u beeneeyeen damacii foosha xumaa ee Jabuuti.

Waxan kale oo aan ka dheregsanahay in dowlada Ismaaciil Cumar Geele aanay aqoon sanayn Jamhuuriyada Somaliland, had iyo jeerna 10ka faroodba kula jirto arimaha Soomaalida (Carta, Impagati iwm) oo ay had iyo jeer ku andacooto in gobolka Awdal ee Somaliland uu Ciise leeyahay; ayna had iyo jeer ku guulaysato iyadoo isticmaalaysa awoodeeda martigelineed, siyaasadeed iyo teeda dhaqaaleba in xubno aan degaan lahayn buuga loogu qoro; iyada oo mar walba ilowsan sidii abtinimada iyo kalgacalka lahayd ee beeshan markii horeba degaanka loogu soo dhaweeyay.

Waxa kale oo Jabuuti ilowsan tahay in Somaliland uu muwaadinku xor u yahay inuu wax doorto lana doorto, beeshuna hadana waliba xor u tahay inay si xalaal ah u tartanto oo wixii cod u gooyo qaadato; Halka ay Jabuuti ka tahay inaad beel gaar ah u dhalato meeshaad doonto ku dhalo oo, “waa loo dhashaaye laguma dhasho!!!” oo macneheedu tahay waa inaad Ciise tahay (regardless of your birthplace); waana ta u suurto gelisay in wiilkii 25 jir ku yimi Jabuuti inuu maanta madax ka noqdo iyadoo muwaadinkii joogo.

Prof. Cismaan Aadan Abraar waa kuma?
Waraysi uu siiyay idaacada BBCda 28/9/2005 Prof. Cismaan A. Abraar wuxu ku sheegay in xubno iska casilay doorashada golaha wakiilada oo beeshiisa ah kana yimi xaga Labiyacado (Jabuuti) lagu xidhxidhay tuulada Jidhi ee gobolka Awdal arintaas oo maamulka gobolkuna beeniyay; kuna tilmaamay in nimankaas laga codsaday inay ku sugnaadaan isla tuuladaas inta doorashadu ka dhamaanayso si loo ilaaliyo nabadgelyada.

Hadaba Prof. Abraar oo ah mutacalin reer Somaliland, xubin firfircoona ka ahaa dadka u ololeeya Soomaaliwayn; kana qayb galay shirkii Carta in mudo ahna ku howlanaa shirkii Impagati. Aanan ka dheregsanahay muhiimada gaarka ah ee uu u leeyahay xukuumada Jabuuti iyo sidii degdega ahayd ee diyaarada khaaska ah loogu soo diray markii uu ku dhaawacmay Hargeysa; iyadoo aanay naftiisu khatar ku jirin; laguna dawayn karayay wadankiisa hooyo.
Hadaba arinta la yaabka lihi waxay tahay waa maxay kaalinta Prof. Abraar kaga jiro mijo xaabinta Somaliland iyo damaca Jabuuti ee dhulka Somaliland?. Tan waxa ka jawaabi doona wakhtiga!.

Waxa kale oo la is waydiin karaa maadaama xubnahani iska casileen xuquuqdoodii dastuuriga ahayd ee ahayd in la soo doorto; xiligii ololuhuna dhamaaday, maxay degaanka hada ka dooneen? Jabuutise maxay kala yimaadeen?. Ma waxay ku talo galeen inay khalkhal geliyaan doorashada oo qas abuuraan? Taas iyana wakhtiga ayaa ka jawaabi doona!. Waxase aad u haboon in dadwaynaha reer Somaliland ka digtoonaadaan wixii nabadgelyada wax u dhimaya.
Waxanse hadalka ku soo gaabinayaa-Waa in fiiro dheer loo yeesho maleegyada khiyaamo ee Jabuuti iyo adeegsigeeda muwaadiniinta Somaliland. Dadkuna xor ha noqdo in la doorto ay waxna doortaan.

Allaa Mahad leh.
Waxan ugu hambalyaynayaa xukuumada Somaliland Heshiiska ganacsi ee ay Itoobiya la galeen. Waxanan shaki ku jirin in shaqooyin badani ka soo bixi doonaan

Maxamed Xariirad
xariirad@yahoo.com

No comments: