Thursday, September 29, 2005

Gudoomiya Komishinka oo ku dhawaaqay inay Doorashadii Goluhu nabad ku dhamaaday.


Gudoomiyaha Komishinka Md :Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa hadda ku dhawaaqay in natiijada ay ku soo saarayaan laba todobaad gudahood.

Gudoomiyaha Komishinka doorashooyinka Mudane Axmed xaaji cali Cadami ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay inay guud ahaanba doorashadii golaha wakiilada ee Somaliland ay ku soo dhammatay si nabadgelyo ah, guud ahaan dalkoo dhan, haatana ay bilaabantay tirintii codadka ,isla markaana ay komishin ahaan natiijada ku soo saarayaan muddo laba todobaad gudahood ah.

No comments: