Saturday, September 03, 2005

FAYSAL CALI WARAABE OO HAL GOOL IYO EBER KAGA NAXSADAY RAYAALE IYO RAGGIISII


Hargeisa - Shalay Barqadii mar ay goor sheegtu ahayd 9:02, ayaa waxa Kaamboolka Jaamacadda Hargeysa soo galay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay gelbinayeen Baabuur tiro badan oo ay saarnayeen raxan Wasiiro ah iyo Madax kale oo ka tirsan Goleyaasha Qaranka, si uu uga qayb gallo Xaflad loo sameeyay 50 Arday oo ah dufcadii labaad ee ka qalliin jebiyay Jaamacadda Hargeysa.Madaxweyne Rayaale oo ku lebisnaa Suudh Madow, ayaa ka soo degay Baabuurkiisii, waxaanu ku dhaqaaqay ardayda qallin jebinaysay oo Saf u taagnaa si ay u salaamaan iyada oo ay Hareero Taagnaayeen Ciidmada loo yaqaan Baamboyda.Madaxweyne Rayaale dhanka Midig ayuu u holaday inuu Salanta ka bilaabo, ‘Asalaamu Calaykum’….ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale ‘Wa Calaykuma Salaam’ ayaana loogu jawaabay.

Markuu Madaxweynuhu is yidhi Salaantii Bilow, ayuu isha qac ku siiyay Sheekh ka mid ah Culimada Hargeysa oo Macalina ka ah Jaamacadda, Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ku labisna Labiska Ardayda qallin jebinaysa, waxaanu yidhi Alla oo Sheekhiina wuu ku jiraaye! Sheekh Ismaaciil Dheeg oo dhoollacadaynaya ayaa isna ugu jawaabay, Oo Sacaatu Ra’iis, sow kama mid ahi Macalimiinta Jamacadda.Madaxweyne Rayaale waxa markii uu Salaantii dhammeeyay uu toos u galay Hoolka lagu qabanayay Xafladda oo ay fadhiyeen dad aad u tiro badan oo u diyaar ahaa ka qayb galka Xafladda Qallin jebinta Ardayda Jaamcadda Hargeysa, kuwaas oo ku soo dhaweeyay sacab iyo Mashxarad.Intaa ka dib ayaa Madaxweyne Rayaale waxa uu fadhiistay meel gaar ah oo loo sii diyaariyay, isaga oo ay dhinaca Bidix ka fadhiisatay Marwadiisa, Marwo Huda Barkhad Aadan.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa isagu hore u sii fadhiyay hoolka Jaamacadda Hargeysa, waxase isagu mar dambe soo galay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo dadweynihii Madasha fadhiyay ay ku soo dhaweeyeen Sacab iyo Mashxarad xoogan.Waxa xiiso lahayd markii uu Axmed Siilaanyo, fadhiistay dhinaca uu fadhiyay Faysal Cali Waraabe oo si qumaati ah uga soo horjeeday halka u fadhiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.Inkasta oo la dareemayay in Mucaaradka iyo Muxaafidka qolaba qolada kale isha kala socotay haddana waa la isu aamusnaa oo sheedda ayaa la iskala socday.

Labada Guddoomiye ee KULMIYE iyo UCID, ma ay jirin cid ka mid ah Saaxiibadooda ay ku wada jiraan Xayn daabka Mucaaradka oo weheliyay ama garab fadhiyay, balse Madaxweyne Rayaale waxa Hareeraha ka taagnaa xubno Wasiiro ah oo ka mid ah raga lagu tilmaamo inay ka mid yihiin Muqarabiintiisa, sida Wasiirada Daakhiliga Md. Ismacil Aadan Cismaan, Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub iyo kuwo kale oo tiro badan.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda iyo weliba Ardayduba, waxa ay dareensanaayeen oo ka cabsi qabeen in Muxaafidka iyo Mucaaridka Xafladda ku kulmay ay isku fara muruxsadaan, maadaama aanay muddooyinkan dambe isugu iman Xaflad kulmisa oo weliba hadal la siiyo, waxaanay u qadimeen codsiyo tiro badan oo ay kaga dalbadeen inaan la isku muruxsan.Inta badan waxa ay u muuqatay in Hoggaamiyayaasha Siyaasadeed ee Somaliland ay qaateen codsiyadaas ay Maamulka Jaamacadda iyo Ardaydu u soo gudbiyeen.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo, oo isagu ugu hor hadlay Siyaasiyiinta, ayaa in badan Afkiisa ka dhawray inuu ka hadlo arrin siyaasadeed, waxaanu u muuqday nin Uurkiisu doonayay inuu Tuurto luuqad siyaasadeed, haddana waxaad dareemaysay in Afkiisu ka maagayo.Sidaas daraadeed Md. Axmed Siilaanyo, si dad badan iyo si toosna ah toona kagama hadlin shalay arrin ku saabsan Marxaladda dalku marayo iyo mid siyaasadeed toona.Hase yeeshe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa isagu is xejin kari waayay waxaanu is tusay inaanu dayicin Fursadan oo uu u arkay inaanay muddooyinkan soo marin Fursad siyaasadeed oo sidan loogu dhanyahay, lagana yaabo inaanay muddo dheer oo dambe soo marin soo marin, waxaanu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale la beegsaday Gantaalo Siyaasadeed oo Culculus.

Md. Faysal Cali Waraabe, oo ay ka muuqatay inuu Maskaxda ku hayo sidii uu Saaxiibkii Md. Siilaanyo afka uga dhawray Siyaasad, ayaa isaga oo Siilaanyo la hadlaya waxa uu yidhi, “Axmed Siilaanyo wuxuu yidhi Maanta Farxad ayaa lagu jiraa. Waa Runtaa oo Axmedoow Farxad ayaa lagu jiraa, laakiin ma jirto Maalin aynu Maanta isaga dhawnahay inaynu runta isu sheegno.”Guddoomiyaha UCID, waxa uu markii hore u muuqday nin doonaya inuu hantiyo dareenka dadka waxaanu u sheegay in iyagu [Mucaaridka] ay mar walba xukuumadda kula taliyaan samaynta arrin wanaagsan, isaga oo Tusaale u soo qaatay soo jeedin Md. Siilaanyo kal hore soo jeediyay mar uu ka qayb galayay Dufcadii koowaad ee ka qallin jebisay Jaamacadda Hargeysa, isaga oo Siilaanyo sheegay in Mambarka ugu sareeya ee Jaamacadda ay oo maalintaa fadhiyeen Madaxda Siyaasadeed ee dalku, dunida ay fadhiistaan Ardyda qallin jebinaysaa.Soo jeedintaa Axmed Siilaanyo ee kal hore oo uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay arrin wanaagsan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Jaamacadu qaateen.

Sidaas darteedna ay mar walba xukuumadda u soo jeediyaan tallaabooyiin wanaagsan balse xukuumadu si kale u aragto.Eng. Faysal, waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale oo Maamulkiisu jiray Saddex Sanno iyo Saddex Bilood Maanta laga rabo inuu soo bandhigo Wax qabadkiisii iyo waxyaabaha aan u qabsoomi, balse aan Madaxweynaha looga fadhiyin inuu Ardayda Shahaadooyinka guddiinsiiyo oo keliya ka dibna iska baxo.Markii Md. Faysal intaas yidhi, ayay dadkii bilaabeen Sacab iyo Mashxarad, iyaga oo dhegahooda u soo wada jeediyay.

Goobta waxa yaalay Muraayad lagala socday dadka Madasha fadhiyay, sidaas darteed qoladii wax duubaysay waxa ay Kamaradihii ku jeediyeen Madaxweyne Rayaale si dareenkiisa loo ogaado.Md. Rayaale iyo Saaxiibadii oo u muuqday inanaay la socon in dadku kala socdan Murayadda, ayaa waxa ka muuqday dhoola cadayn iyo Firkanax siyaasadeed iyaga oo la dareemayay inuu Faysal Cali Waraabe ka naxsaday, halka uu Md. Axmed Siilaanyana isaga oo il ku eegayay Faysal una qushuucsan hadalkadii uu yidhi isha kalena ku eegayay Rayaale iyo kooxda Wasiiradiisa ah ee hareero fadhiyay isla markaana sacabka tumayay.

Faysal Waxa uu Rayaale ku wargeliyay in looga fadhiyo inuu ka jawaabo Su’aalo kala duwan oo uu daran doori u weydiiyay isaga oo yidhi:Waxaanu doonaynaa inuu Madaxweynuhu ka jawabo arrinta lacagta Total halkay tago?Waxa looga baahanyahay Telefiishankan cusub ee Dawladda inuu ka jawaabo?Waxa looga baahanyahay inuu ka jawaabo Dawladeena weyn ee Cashuurta qaadataa waxay u samayn weyday Biriishkii Hargeysa?Waxa looga baahanyahay inuu ka jawaabo Sababta Madaaradeenu u xidhmayaan ee ay u kaceen Saddex Diyaaradood?Waxa looga baahanyahay inuu ka jawaabo Maxaa Baayac Mushtarkeenii iyo Dalxiisayaashii Jabuuti ka imanayay waxa Yemen geeyay?Waxa looga baahanyahay inuu ka jawaabo Sababta Hay’adihii Caalamiga ahaa ee Hargeysa ku shiri jiray ugu shirayaan Garoowe?Markii uu intaas yidhi ayuu Faysal dadkii nabad gelyeeyay waxaanu ka baxay Albaabka, isaga oo u kicimtay fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa oo uu xisbigiisu shalay ka bilaabay Ololaha doorashada, laakiin markii uu is yidhi bax ayaa intii uu dadka sii dhex socday waxa uu la kulmay Sacab, Mashxarad iyo Salaamo kala gedisan oo u muuqday in lagu hambalyaynayay hadlada Gantaalada ah uu la tiigsaday Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Masuuliyiintii Muxaafidka ahaa ee Madaxweynaha Hareero fadhiyay o khudbadaha kaga dambeeyay Masuuliyiinta Mucaaradka, ayaa waxa ay bilaabeen dhaqdhaqaaq iyo afka isa –saar-saar oo uu u muuqday inay kaga shawrayeen Sidii ay isugu gayngayn lahaayeen Ereyo jawaab u noqda weedhaha kulul ee uu ku ganay Hoggaamiyaha xisbiga UCID.Wasiirka Waxbarshada Md. Xasan Xaaji Maxamuud, ayaa jeebkisa sare kala soo baxay qallin iyo Warqad, waxaanu bilaabay qoraal.Inta uu Md. Xasan Gadhweyne kacay ayuu u tagay Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducale, iyada oo loo qaatay iinuu weydiinayay Macluumaad jawaab u noqday Dhaillaha Faysal u jeediyay xukuumadda..Wasiir Xasan Gadhweyne oo ku labisnaa Safaari cad iyo Koofiyadda u gaarka ah Muslimiinta, ayaa haddana dib u soo noqday waxa uu Warqadii tusay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweyne Rayaale isaga oo u akhriyay.

Si ay noqotayba Xukuumadu uma jawabin Md. Faysal Cali Waraabe, Madaxweyne Rayaalena oo ugu dambayntii isagu u saro kacay Khudbadii gunaanadka Munaasibadaas qallin jebinta ee shalay ayaa waxa uu ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo Ereyadii dhaliilasha ahaa iyo Su’aalihii ku jihaysnaa xukuumadda ee sacabka loogu tumay markii uu Faysal Cali Waraabe ku rideeyay, waxaanu khudbadiisa ku koobay Munaasibadda qallin jebinta Ardayda Jaamcadda Hargeysa, balse kama hadal wax kale oo siyaasad khuseeya.

Laakinse Wasiirka Waxbrashada oo isagu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha khudbadda ayaa si dad badan oo duur xul ah uga jawaabay dhaliilihgiii Faysal Cali Waraabe u soo jeediyay xukuumadda, Xasan Gadhweyne waxa uu yidhi.“Maanta Waa Maalin ku kooban Qallin jebinta laakin qofka aan indho la’ayni wuu arkayaa wax qabadka xukuumadda, Oday Axmed[Siilaanyo] ayaana si wanaagsan u hadlay balse Faysal wuu talax tagay.”Si kastaba ha ahaate, Munaasiibadaas shalay Ereyada Faysal Cali Waraabe ku weeraray Madaxweyne Rayaale iyo xukuumdiisa waxaad moodaysay inuu kaga naxsaday Madaxweyne Rayaale iyo xaynta xukuumadda Wasiiradiisa oo iyaga lagu yaqaanay inay si weyn u gubto dhaliilaha waaweyn ee ay u soo jeediyaan xisbiyada Mucaaradku, balse waxa Xafladii lagu kala dareeray iyada oo la isku sagootiyay kaftan iyo hadal hayn badan oo dhex maray Muxaafidka iyo Mucaaridka.

Warbixintan waxa qoray
Maxamed-Rambo, jamhuuriya

No comments: