Wednesday, September 07, 2005

Soddoh Siyaasad Gashay Wax Malaga Sheegi Karaa?

Caalamkan aan ku noolahay dharaarba cayn weeyo, caaddo hore kuugu taaliyo cisho hore xeerkeed, gees cusub laga eeg. Ceeb wixii shalay ahaa manta caynad kale yeelay. Caqligoo la kaashadiyo, cilmi qoto dheerbaa arrin lagu cibbaaro saraa. Caaddo inagu cusubaa caynka laga yeelayo caawa lagaaga fadhiyaa.

Dhaqankeenii hore in ninka reer kiisa iyo Soddoh wax laga sheegaa waxay ahayd mid reeban. Soddohuna fagaarayaasha siyaasada iyo malxalada way ka reebanaayeen. Haddii isbadal dhacay oo la yidhi dumarku xuquuqbay leeyahiin, geed kastoo ninku ka boodo iyo golo kasta ha istaageen, haddii la yidhi guurtida sare iyo golayaasha wakiilada albaabadooda ha loo furo, haday wasiiro noqdeen.

Inta warka qaadiyo warbaahintu inay wax ka sheegto gef miyay noqonaysaa?.
Wararka iyo dhambaalada waxa inagu soo gaadhay dhibtii Faysal Ali Waraabe ka gaadhay su’aashuu ka keenay, dhagax dhigii marwada kowaad ee cisbitaalka Gabilay iyo sideetan kun oo ay ugu deeqday. Waxaynu ognahay in Haatuf maxkamad lagu taagay qoyska iyo marwada madaxwaynahay wax ka sheegooda.

Qoraalkana waxa igu dhaliyay aniga oo maqlay dhawr jeer suldaanka Samaroon ee beesha ay ka soo jeedo marwadu oo leh “soddoh in wax laga sheegaa ma banana”. Hadaba su’aasha taagani waxay noqonaysaa 7 xubnood oo dumara ayaa u sharaxan Gollaha wakiilada ee Somaliland tolow side bay xubnaha ay isla tartamayaan ay wax uga sheegi doonaan?. Haddii se ay ku guulaystaan oo ay golaha soo galaan cidi wax ma ka sheegi kartaa?. Mise soddoh weeyaan oo lama soo hadalqaadi karaa la odhanayaa? Gole lagu hirdamayo ninkii soo galay inuu dadka wax la qabaa miyayna ka haboonayn? Gabagabaddii jawaabta su’aashan iyo waxa laga yeelayo ma ka sii afeef dhigteen ururka warbaahinta Somaliland.",se ay ku guulaystaan oo ay golaha soo galaan cidi wax ma ka sheegi kartaa?. Mise soddoh weeyaan oo lama soo hadalqaadi karaa la odhanayaa? Gole lagu hirdamayo ninkii soo galay inuu dadka wax la qabaa miyayna ka haboonayn?

Gabagabaddii jawaabta su’aashan iyo waxa laga yeelayo ma ka sii afeef dhigteen ururka warbaahinta Somaliland

No comments: