Saturday, September 10, 2005

Gudoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Si Weyn Looogu Soo Shaweeyay Magaalada Ceerigaabo


Somaliland.Org — Erigabo, Somaliland — 09 September, 2005
Ceerigaabo (Somaliland.Org) Kumanaan dadweyne ah oo sita calaamadda xisbiga KULMIYE, Boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay ku taageerayaan xisbiga KULMIYE iyo Sawirada Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Murashaxiisii M/weyne ku –xigeenka Muj.C/raxmaan Aw-Cali Faarax ahaana M/weyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland ayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo), oo ay weheliyaan xubno ka tirsan gudiga fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Mujaahid C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo ahaa Murashaxii M/weyne ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE, wakhtigii doorashadii Madaxtooyada, Cali Biikolo iyo xubno kale.

Weftigan oo habeenkii xalay u hoyday Magaalada Yufle isla markaana saaka soo amba baxay, waxa Magaalada Ceerigaabo ku soo halbiyey raxan fardo ah iyo kolanyo gawaadhi ah oo tiradooodu gaadhayso ilaa iyo boqol iyo konton, waxaana lagu soo wareejiyey wadooyinka Magaaladda iyagoo saran labada oday laba gaadhi oo dul banaan, isla markaana ay hareero socdaan dadweyne aad u tiro badan. Mudane Axmed Siilaanyo oo dadweynaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE kala hadlay xarunta xisbiga KULMIYE ayaa uga mahadnaqay sida weyn ee loo soo dhaweeyay wuxuuna yidhi:

”Aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin dadweynaha reer Ceerigaabo iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE sida weyn ee aad noo soo dhaweyseen, waana lka filaynay anagu KULMIYE ahaan in sidaa naloogu soo dhaweeynayo Ceerigaabo.”

Weftinan Axmed Siilaanyo ayaa la filayaa inay fagaare kala hadlaan berito (sabtida) dadweynaha Magaaladda Ceerigaabo,waxaana uu socdaalkoodu qayb ka yahay sidii ay taageero ugu heli lahaayeen Murashaxiinta xisbigu KULMIYE uga sharaxan gobolka Sanaag.

Liibaan Maawel Shire, Somaliland.Org
Ceerigaabo, Somaliland

No comments: