Saturday, September 10, 2005

Wacyi-geliyihii udub ee gobolka togdheer oo ka baxay xisbiga Udub


Asalaamu calaykum waraxmatulaah

Ujeedo: ogeysiis ku wajahan ka bixid xusbi Udub

Waa Jaamac Cabdillaahi Guleed (Habane) oo qaranka reer somaliland u cadaynaya inuu ka baxay xisbigii udub ee uu ka tirsanaa mudada dheer kana soo hayey xilal badan oo muhiima, golaha dhexe ee xisbiga udubna ahaa xubnaha ugu mudan ee ishu qabato, ahaana dadka lagu tiriyo inay yihiin dadka
ugu mintidsan mabaadida xisbiga gaar ahaan gobolka togdheer), ahaana wacyi geliyihii gobolka togdher.

Aniga oo ah muwaadin reer somaliland ah magacaygana la yidhaahdo jaamac cabdilaahi guuleed kuna magac dheer (habane) oo la iiga yaqaan gobolka togdheer iyo meelo badan oo kaleba kana soo jeeda gobalka togdheer deegaan ahaan, degmada burco kana mid ah aqoonyahanka reer somaliland bilshada dhexdeedana ku leh qadarin iyo qiimoba. ahna dadka aad u qiimeeya qaranimada iyo jiritaanka soomaliland.

Hadaan ka waramo taariikhdayda siyaasada somaliland xiligi xisbiyada
bilowgeedii waxan ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga udub waqtigii marxuum maxamed ibrahim cigaal. xisbaga udub oo ahaa kii ugu horeeyey ee la aasaaso lixdii xisbi ee tartamaayey wakhtigii doorashadii degmooyinka noqdayna sedexdii axsaabta ka soo hadhay.
waxaan ilaa malmahaa iyo dhowaan ka mid ahaa xisbigaa una qaabilsaa wacyigelinta gobolka togdheer, anigoo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga udub weliba kuwa ugu mudan ahaana xubin gudida fulinta ah.

Xisbiga dhexdiisana la iiga yaqaaney madaale nambar wan (number one).

Anigoo ahaa nin ku adag mabaadida qaranka soomaliland kuna adag ka xisbiga udub mabaadidiisa ka dib markaan arkay xisbigii oo la majara habaabiyey xoolihii umada oo si xun loogu tagri falayo, xuradii muwaadinka oo meel lagaga dhacay, iska horkeen iyo jaha wareer umadii lagu dhexabuuray, taladii xisbiga oo shakhsiyaad aan u qalmini maroorsaden oo afdubeen, xubnihii xisbiga iyo taageerayaashoodii aan inay jiraan iyo in kaleba la ogeyn. qaranimadii somaliland oo si yar oo rakhiisa loogu baayacayo meelo aanay geyin, siro iyo xadhig maleegyo dad garihii umada iyo qaranka la gaadayaan. xoola boob aan xisbigu wada qabin ee dad gaarihi u banbaxeen hadii laga hadlana ay noqotay cirka dabkaa raac iyo kursibaa la doonayaa!!! waxaan go’aansaday inaan xalaal iftinba la qashaaye goor aanan is ciilkaanbiyin aan ka baxo una sheego saaxiibadaydii ila soo halgamey ee weli quud daranaynaya udub inay noqotay ‘doon dalooshantay oo dadku socdo goor dhowna dege doonta’. waxaan leeyahay saaxibayaaloow meesha waxba idinka iyo shacabtoona idiinma yaalaane si qaranka loobad-baadsho tashada oo ku biira axsaabta mucaaradka ah.

Ugu danbayn waxaan kula talinayaa dadweynaha reer somaliland inaay toosaan baraarugaan indhahooda furaan oo ay dhaafaan wax looga waramo ee ay wax ku qabsadaan waxa ku dhacaya maalin walba ee aan looga garaabayn, kana soo raynayn inay ka sii darto mooye,
waxaan leeyahay dantina garta oo maantay idinla gudboontahaye tashada marlabaad una codeeya ciday dani idiin ku jirto oo doorta axsabta mucaaradka ah gaar ahan xisbiga kulmiye oo muujey biseyl badan iyo dulqaadkii umadu u baahnayd, si loo qarqarsiyo oo loo dabro hadhaaga talo goosiga ah ee udub, ileyn intayadii umada danayneysey ka baxnaye.


Wabilaahi Tawfiiq.

Guul iyo gobonimo soomaaliland.

hadaad u baahato inaad ila soo xidhiidho iga la soo xidhiidha.

mobile:00971507706954
U.A.E
Dubai

Waxaa qoray istiqaaladan:
Mudane:Jaamac Cabdilaahi Guuleed (Habane)

No comments: