Sunday, September 11, 2005

Madaxweyne Dahir Rayaale oo xalay guure ugu kicitimay Degmada Oodweyne


Madaxweyne Rayaale oo sidii caadadu u ahayd xalay guure ugu baxay Degamada Oodweyne. Xalayto abbaaro 4:00 Subaxnimo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa u unbabaxay dhinaca Degmada Oodweyne . Weftiga Madaxweynaha Raacay waxaa ka mid ahaa wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Ismaciil Aden Cusmaan iyo Wasiirka Hawlaha Guud mudane Saciid Sulub.

Ujeedada safarkan Madaxweynaha waxaa lagu macneeyey inuu saaka xadhiga ka soo jarayo Mashaariic ay dawlada Somaliland ka hirgelisay degmadaasi, oo ay ka mid yihiin Deyrka iskuulka Harag Waafi, Saldhig Booliis, Dugsi sare oo la qalabeeyey, iyo Wadada isku Xidha Oodweyne iyo Hargeysa, waxaana la filayaa in uu isla saakaba madaxweynuhu ku soo laabto magaalada Hargeysa isaga oo Burco dhinaca ka maraya.

No comments: