Saturday, September 24, 2005

Wasiiradda- Cawil Cali Du’aale, Siciid Sulub, Cismaa Qasim Qodax Iyo Wasiirul Dawle Adan Waqaf Oo Waji Gabax Kala Kulmay Magaaladda Burco

Halganews — Burao, Somaliland — 23 September, 2005
Wasiirada ay ka midyihiin maaliyada, Mudane Cawil Cali Du’aale, Hawlaha guud mudane Siciid Sulub, wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Cismaan Qaasin Qodax, Wasiiru Dawlaha A.Guduha Mudane Aden Waqaf. oo Waji Gabax kala Kulmy Magaalada Burco.

Burco (Halganews) Waxaa dhamaan daafaha magaalada Burco si’aada looga dareemayaa ololaha doorashada golaha wakiilada Jamhuriyada Somaliland lagu wada in ay ka dhacdo 29/09/05. Waxaa magaalada si bilaa hab ah u dhaxyaacaya gawaadhida ay ku xidhan yihiin codbaahiyaasha aadka u maqalka dheer oo ay ka soo baxayaan heeso, Gabayo,iyo qur’aanka kariimka ah .Waxaa dhamaan magaalada ka muuqda kumaan xafiisyo ah oo ay furteen musharaxiinta u taagan tartanka ololaha doorashada, Waxaan iyagu marnaba istaagin habeen iyo maalin gawaadhida codbaahiyuhu uu ku xidhan yahay oo ilaa habeenki i intiisbadan ku wareega magaalada gudaheeda.

Kaanbaynka oo cirka isku shareeray kadib markaa magaalo madaxda Burco ay soo gaadheen raxan kamida wasiirada jamhuuriyada Somaliland oo u socday ololaha xisbiga UDUB.Waxaa maalmihii la soodhaafay ku sugan magaalada Burco wassirad ay ka mid ka ahaayeen . Wasiirka maaliyada, Cawil Cali Du’aale,Wasiirka Hawlaha guud mudane Siciid Sulub, wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Cismaan Qaasin Qodax, Wasiiru Dawlaha Arimaha Guduha Mudane Aden Waqaf.

Dhamaan xubnahan oo u jooga ololaha doorashad ayaa waxay si toosa ugu jiraan olole ay taageero ugu raadinayaan Xisbiga UDUB. Laakiin waxay ku so beegmeen xili dadka reer Burco ay ukala jabeen labada xisbi ee mucaaradka ah UCiD iyo KULMIYE oo ay ka soo horjeesteen xisbiga talada haya ee UDUB. Burco oo laga qaato Lacagtii hore ee soomaaliya ayaa waxaa suuqyadeeda laga dareemayaa in ay si aad ugu soo korodhay lacagta jamhuuriyada Somaliland oo ilaa hada aan dadku fahmin meesh ay ka soo baxday laakiin wakhti dhow ay cadaanayso ciidi qaybisay .

Mid kamida Musharixiinta macaaradka ah oo aan jeclaysan in magaciisa la sheego aya yidhi waxaa ii yimid nin Wasiira waxa uu igu yidhi inaader iska tanaasul ana waxaan ku siiinayaa wixii kharash kaa baxay .

Waxaan way diyey sabata uu igu leeyahay taanasul waxa uu sheegay in wasiiku u ugu jaawabay hadaanad taanasulin anana waxba heli mayno adna waxba heli maysid ee xisbiga KULMIYE la yidhaahdo ayaa inagala dhexbaxaya.Iyadoo iminka ay aad u kala baxeen tageerada dadwaynuhu ay u hayaan sadexda xisbi qaran ayaa waxa aad moodaa in uuu meesha kaba baxay XIsbiga Xuukuumiga ah ee UDUB oo marka xitaa aad la kulanto tageerayaashiisu ay ku odhnayaan waxaa UDUB usoo baxaya ilaa sadex Musharax haadaanayba ka yaraan.Danwaynaha reer Burco ayaa ukala jabay tageerada msuharixiinta mucaaradka ah taas oo weji gabax aad u wayn ku noqotay wasiirada xuukumada ka socday kun kaliftay in ay u baxaan hawdka iyo dhulka miyiga iyagoo lababa laba usocda kadib markii ay ku guul daraysteen gudaha magaalada Burco oo dadku waydiinayaan maxaad noo qabateen .
Mubarak Mahamed Omar.

Burao/Somaliland
Mobile:438234
Halganews.com

No comments: