Thursday, September 22, 2005

Waaraaqo been abuur ah oo lagu qabtay madaarka Egal International.


Waxaa Madaarka Caasimadda Hargeysa maanta duhurkiilagu qabtay waraaqaha codbixinta Doorashada Golaha Wakiillada oo been abuur ah, laguna soo daabacay dalka Imaaraadka Carabta.Hadal haynta waraqaahan ayaa maalmihii u dambeeyey laga hadal hayey Caasimada Hargeysa, waxaan arrintaasi dorraad digniin ka soo saaray Komishinka Doorashooyinka Qaranka.

Waraaqahaas iyo raggii soo daabacay waxa lagu hayaa xarunta Baadhista Dembiyada Booliska CID-da ee Hargeysa, saxaafaddana waa loo diidey. Saraakiisha Booliska ayaa iyaguna ka gaabsaday inay wax war ah bixiyaan.

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow CID-da, waraaqahaasi waxay ku jiraan 9 Kartoon; waxaanay leeyihiin tirada taxan (serial number) ee Gobolka Awdal.
Wararku waxay sheegayaan in waraaqahaasi lagu qabtay laba nin oo Reer Awdal ah.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa dhowaan ka digey isku day la doonayo in la been-abuuro warqadaha doorashada, waxayna komishinku sheegeen in aan waraaqaha rasmiga ah la been abuuri karin, balse ciddii isku deyda ee lagu helo ay mutaysan doonto ciqaab halis ah, oo adag, ayuu yidhi gudoomiyaha Komishinku mar uu arrintaasi ka hadlaayey.

No comments: