Tuesday, September 20, 2005

Wasiirka warfaafinta oo kala Kulmay Culays Siyaasadeed Gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale Dhoolayare, ayaa weli ku maqan gobolka Sanaag, si uu uga soo fuliyo hawlo xodxodasho oo siyaasaeed kuna lug leh olalaha siyaasada ee doorashada gollaha wakiilada.

Xaaladada siyaasadeed ee dalka ka taagan oo uu si qotodheer ugu dhuundaloolay Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, dhawr jeerna qaybo ka mid ah shacabka gobolku taageero isla barbartaageen ayaa waxaa soo foodsaaray xaalado ka duwan kuwii xilliyadii hore oo keenay su,aalo badan oo jawaab degdeg loo waayey.

Oday ka mid ah odayaasha degaanka Ceel-afweyn oo aanu wax ka waydiinay xaaladahaas ay kala hadleen Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ah Wasiirkii ugu wakhtiga dheeraa ee degaanadaas ka soo jeeday iyo waxyaabaha ay ka filanayeen in ay kala kulmaan xukummada ama balanqaadadii loo fidiyey xilligii dooorashada madaxweynaha waxa looga fuliyey. ayaa waxa uu ku jawabay. “ Runtii way jireen balanqaado xilligas uu noola yimi Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo weftigii xukuumada ee uu horkacayey, keligayana ma ahayn ee degaano badan ayaa loo balanqaaday, xilligaas xaaladuna waa ka duwanayd maanta midan gobolku ku sugan yahay, waxaana jira in degaanadii kale qaarkood wixii loogu balanqaaday loo fuliyey wax ka mid ah, sida Oodweyne oo kale iyo degaanada kale, annaga wax naloo qabtay ma jirto wasiirkuna codkaygii iyo ddaalkayagii ama balamihii aanu wada samaynay waxba noogama sido, markaa kolay talo waa taalaa aniga oo aan Wiilka aan adeerka u ahay ku dheeraanayn” Chief Caaqil Adan Yuusuf Axmed.

Degaanada Ceelfayn oo ay ka socdaan shirar balaadhan oo dib loogu arinsanayo oo maanta soo gebageboobay ayaa waxaa ka muuqda in ay jiraan iyaga oo xushmad u haya wasiirka, kalsooni la, aan aanay ku kalsoonayan balanqaad danbe iyo cod khasaarooba oo aan waxba laga qaban.
Saalax xaaji maxamed oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “ Siyaasadu waa dan iyo maalinba cida ummada aan is tidhaahdo waxbay u qabanaysaa oo la siiyo fursad, waanu tijaabinay UDUB, waxaana inaadeerkay Cabdilaahi ku leeyahay waa muhiim in aynaan ku jirin had iyo goor colaad shakhsiyadeed ee aynu eegno waxa aynu inagu faa,iidayno degmo ahaan, gobol ahaan iyo bulsho ahaan, waana in uu jawaab ka bixiyaa wasiirku xukuumadaas uu mudada dheer ku jiray ee UDUB waxa uu ka soo kordhiyey, ha noo danbayso dhaliisha Kulmiye iyo Siilaanyo, dhamaana shirarkii uu nala wadaagay cid gaara ayuu isha noo saarayeym mana aha mid ku haboon siyaasada hufan, anigu waxaan ahay xisbi kale oo aan ahayn UDUB Kulmiye ayaan ahay, kumana raacsani ololaha indhaha la, ee beesha maalin walba codkeeda lagu khasaareenayo, ee Cabdilaahi hanooga jawaaba waxa uu gobolka u sido in uu Siilaanyo soo eryado looma fadhiye”.

waxaanu dhinaca kale isku daynay in aanu arrimahan wax ka waydiino Wasiirka iyo weftigiisa waana nooga cudurdaarteen in ay ka hadlaan, waxaanu isku dayeynaa in aanu wasiirka la kulano oo idiin soo gudbino sida ay hawlaha doorashada iyo ololaha uu wadaa u socdaa iyo caqabadaha ka horyimi oo ka duwan kuwii sanadadii hore. waxaanu kaloo waydiin lahayn waxa dareenka degaanadaas waxa bedelay wakhtiyadan ugu danbeeyey ee uu socdaalka ku joogo. Iyada oo ay jiraan hawlahaas ololaha ee qolo waliba dacalkeeda kagala jirto degaanka Ceel-afweyn ayaad mooda in sidii uu doonayey Wasiirku hawshu ugu qabsoomin, lakiin weli aanu hawshaas sidii uu ugu guulaysan lahaa ku foogan yahay.

Somalilandfuture online Ceel-faweyne Somaliland

No comments: