Tuesday, September 20, 2005

Caynaba oo sanaaduuqdii doorashadu soo gaadheen


Degmada Caynaba ee gobolka Sool, oo ay gaadheen sanaadiiqdii dooroshooyinka Barlamanku
SDWO (Hargeisa) Wararka ka imanaya degmada Caynaba ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas maanta soo gaarey degmada Caynaba ee gobolka Sool, sanaadiiqdii doorashada baarlamanka Somaliland.

Sanaadiiqda doorashada ee la soo gaarsiiyey degmada Caynaba ayaa qayb ka ah dadaallo uu Xukumada somaliland ugu jirto inay halka doorasho ka dhacdo,waxaa laga yaab inay doorasho ka dhacdo meelo ka mid ah gobolka Sool sidaana lagu gaadhsiiyo doono sanadiiqda doorashada baarlamanka ee bisha soo socota la qabanayo.Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter Hargeisa

No comments: