Friday, September 30, 2005

WAXAA GUULAYSTAY SHACBIGA SOMALILAND


Shalayto 29ka September 2005, waxay ku biirtay maalmaha qiimaha gaarka ah ku leh taariikhda Somaliland. Waa maalin si sinnaan ah dadweynahu ugu tafaxaytay inay masiirkooda ka taliyaan. Waxa dadweynahu doonay inay nabad iyo degaanaansho ku codeeyaan, waxay diideen inay u dheg taagaan docdocaynta iyo gujada awood sheegatka ah ee meelaha qaar kaga imanaaya. Waxa ay muujiyeen inay yihiin iyagu kuwa nabadda ilaaliya, kuwa aan ka leexan hadafkooda sare ee dib u dhiska ummadda ah, waxayna si cad u qaawiyeen in awood sheegasho guracani nabadooda khalkhal gelin karin.

Haddaba anigoo bogaadin iyo mahadnaq qalbiga ah u jeedinaaya shacbi weynaha Somaliland, waxaan iyana qadarin u hayaa ragga xilku ka saarnaa qaban-qaabada doorashada, si gaar ah 246 tartamayaal ee seddexda xisbi, oon waxna isu dhaafin, waxna is yeelin.Waa dimuquraadiyad tis qaaday.Waxa keliye ee fashilmay waa wasiirada sida qaawan hawshii qaranka ku lumiyey qaybinta dadweynaha oo loo maro dariiq kasta oon sharci ahayn. Tani daris how noqoto. Ha ogaadaan inaan rabitaanka dadweynaha la baajin karin, hadduu Eebbe idmo.

Waxa hadda lagu jiraa qaybtii ugu xasaasadda badnayd, waxaa se sadaashu ina tusaysaa inay iyana sidii qaybta hore u dhacday inoo hagaagi doonto. Maanta oo tiradii la soo af jari doono, waxa hubaal ah in xil taariikhi ah ay hayaan ragga iyo dumarka hawshan ku gudo jiraa, sidoo kale ayaa ciidanka nabadgelyada, kormeerayaasha iyo komishanku yihiin qaar lagu aaminay inay si cadaalad ah oo dhexdhexaad ah u gutaan waajibkan wadaniga ah.Waxa loo dhiibay masuuliyad weyn, oo raadkeedu ugu yaraan shan sano soconaayo. Waxa la dooranayaa raggii dhisi lahaa dawlad ku dhaqanta sharciga iyo doonista dadweynaha. Yeyna inaga qaloocan, ee ragga madasha inoo imanayaa ha noqdaan rag ku yimaadda rabitaanka shacbiga Somaliland.

Waxa xil gooni ahi saaran yahay tartamayaasha. Waxaad ilaa hadda ku dhaqanteen samir iyo hab u badan wanaag iyo degnaansho, inkastoo dhinaca xisbiga dawladda UDUB ka heshay taageero iyo eexasho sharciga ka baxsan, haddana guud ahaan waxaad hormood ka tihiin nabadda iyo deganaanshada ay doorashu ku dhacday. Haysku deyina inaydun magaciina dhooqaysaan, oo aydun si guracan ku doontaan inaydun leexisaan doonista dadweynaha. Waxa idinla habboon inaydun tirada debedda ka joogtaan, Illaahay aamintaan oo waxa keliya eed sugtaan noqoto ku dhawaaqista cidda guulaysatay. Kolkaasna aydun tahniyad is dhaafsataan. Kan meesha tagaana noqdo mid walaaladii tacsiyadeeya, wey inaydun isa saamaxdaan, ood ogaataan in nidaamka dimuquraadiyadu yahay mid ku dhisan tartan ay inta badani mar walba dhacdo. Waxa idinka dhexeeyey tartan, wax colaad ah oo shakhsi ah kii isku xidhaa waa nin ka fog nidaamkan, wax aan calool xanuun iyo madaxwareer ahayna ka faa'idimaayo.

Sidoo kale waxa loo baahan yahay in shacbi weynahu u soo noqdo sidii ay u dhammays tiri lahaayeen doorashada iyagoo culays saaraaya in xil-wadeenadu ku dhakhsadaan oo si cadaalad ah u soo gunaanadaan tirinta. Waxa dhammaan inala gudboon inaynu guushan sii wadno, oo aynu isla barbar taagno in baarlamaankani noqdo mid aynu la shaqyno, lana xisaabtano.Waa in xildhibaanada la doortaa ku xidhnaadaan degaankooda, mar walbana ka turjumaan dareenka degaanka . Waa inay noqdaan qaar matala degaanka inta u codesay iyo kuwa aan u codaynba. Waa habkaas kan nidaamkan ay qaadanay ku shaqaayaa.

Maanta oo aynu dabaaldeg ku jirno, waxa aynu Ilaahay ka baryeynaa in hawshani nabad iyo cadaalad inoogu soo dhammaato, si aynu u hogaamino bulsho weynta oo loo sahamiyo meel biyo iyo baad leh. Waxa aan ku soo xidhayaa saadaashii abwaan Hadraawi.


Waxuu yidhi:

Sabaanka hagaagey
barwaaqada hoortay
daruur iyo heego
waxaa hogol gaaxsan
hadhaysay dushayda
harooyinka buuxa
hoobaanta bislaatay
horaaciga daadka
caleenta hiraysa
indhaa halacdooda
hibaaqiyo laaca
naftayda hankeeda
waxay hibanayso
haddii wedku daayo
inay heli doonto
anaa huba taase.

Insha Allah.



Ahmed Arwo


ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: