Friday, September 30, 2005

Dadka Muqdisho oo doorashooyinka Somaliland ku tilmaamay mid ku dayasha mudan.


Waagacusub News Online, Hargeysa

Shacabka ku nool Muqdisho iyo goboladda ku teedsan ayaa doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ku tilmaamay tilaabooyin ku dayasha mudan.

Inta badan reer Muqdisho ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay isku duubnidda iyo wadaniyadnimadda ay u qabsadeen doorashooyin madaxbanaan oo rabshadda aysan ka dhicin ,waxayna uga digeen inay iska ilaaliyaan nacabkooda oo uga imaan karo goboladda la deriska ah sida kuwa Puntland.

Dood codbixin ah oo uu dhawaan qaaday Radio Waagacusub ayay dadka Reer Muqdisho aad ugu taageereen doorashooyinka Somaliland ,waxayna badankood sheegeen inay taageersan yahiin aqoonsi beesha Caalamka siiyo maadama ay noqdeen dad u diyaar ah wax qabsi iyo wadajirnimo.

Sanadahii ugu dambeeyay Shacabka Muqdisho iyo kan hargeysa ayaa u ekaa mid dhinaca fikirka isagga soo dhawaanayo,isuna hayo xushmad iyo qadirin taas oo sabab looga dhigo iyagoo cadawgoodda koowaad u arka hogaamiyaha dowladda is khilaafsan ee garabka Jowhar Cabdilahi Yusuf Axmed.

Ahmed Mussa Nuh.
Muqdisho Somaliya.
Ahmednuh2004@hotmail.com

No comments: