Wednesday, September 07, 2005

Xiisadda Wasiirada Ku Loolamaya Gurigii EU-da Ee Hargeysa Oo Cirka Isku Shareertay


Hargeisa, Somaliland — 5 September, 2005

Xiisadda Wasiirada Ku Loolamaya Gurigii EU-da Ee HargeysaOo Cirka Isku Shareertay
Hargeysa, September, 04 20005- (Haatuf)- Muranka u dhexeeya wasiirada ku loolamaya guriga ay deganayd EU ee ku yaala magaalada Hargeysa ayaa sii kululaaday, Ka dib markii ay shalay ciidanka Bilaysku heleen warar sheegaya inay koox dhalinyaro ah oo taageersan mid ka mid ah wasiirada ku loolamaya gurigaasi ay weerar kusoo qaadayaan.
Waxaana mar keliya lagu war helay qaar ka mid ah gawaadhida dheeraysa ee ay wataan kooxda Bilayska ee u tababaran la dagaalanka argagixisada oo guriga yimid, taas oo caqbsi gelisay dadka degan xaafada ku dhow gurigaa.

Dad goob jog ah ayaa u sheegay weriyaye ka tirsan Haatuf oo goobta tegey inay Bilayska guriga ilaalinayay ka shakiyeen dhawr nin oo guriga yimi, balse ay markii Ciidanka Bilaysku halkaa yimaadeen muran dhex maray Nimankaa iyo Askarta guriga Ilaalinaysay.Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Gen; Maxamed Cigge oo aanu weydiinay waxa ka dhacay meesha iyo sababta ay Ciidanka ugu direen ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ahi dhicin. Laakiin ay Bilayska guriga ilaalinayay ka shakiyeen Niman ku qayilayay meel guriga u dhow oo hadhka guriga usoo wareegay, isla markaana markii ay Bilaysku halkaa tageen ay ugu tageen Nimankii oo ay wada fadhiyaan.

Wuxuuna Taliyaha Bilaysku yidhi, “waxa ka dhacay gurigaa ma jiraan, ciidan Bilays ah oo lagu kordhiyay labadii Askari ee ilaalinayayna ma jiraan, waxayna Askartu ka shakiday Niman maqaaxi u dhow fadhiyay oo cadceeda kasoo wareegay. Markii Bilayska goobta tegeena waxay u tageen iyagoo wada fadhiya. Markaa waxay ahayd shakigaa ee waxba ma dhicin.”Gurigaa oo ku yaala meel wax yar dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan dhismaha dhakhtarka magaalada Hargeysa, waxa murankiisu soo if baxay maalmihii lasoo dhaafay. Ka dib markii ay soo baxeen qoraalo uu Madaxweyne Rayaale mid walba gaarkiisa ugu ogolaaday inuu dego, sadex masuul oo kala ah wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale, wasiirka ganacsiga Nuux Sheekh iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo isaga la sheegay inuu madaxweynuhu hore ugu balan qaaday, balse ay waraaqahan wasiirada madaxtooyadu ka daba keentay.
Waraaqahaa oo wasiirka Hawlaha guud Siciid Sulub oo wasaaradiisu guryaha dawlada masuul ka tahay lagu ogaysiinayo in masuuliyiintaa kala duwan la siiyay.
Hase ahaatee markii sheekadaa is khilaafsani soo baxday waxa uu todobaadkii hore mar keliya lagu war helaywasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale oo alaab uu leeyahay u raray gurigaa, isagoo halkaa geeyay Askar ilaalisa, taas oo sida ay wararka sheekadaa u dhuun daloolaa tibaaxeen inay ka cadhaysiiyay wasiirka ganacsiga oo ku hanjabay inuu keeni doono ciidan kan ka badan.

Waxayna wararku sheegeen in Wasiirka hawlaha guud oo marka horeba ka gaabsaday inuu fuliyo amaradaa uu labada wasiir u geeyay madaxweynaha si loo xaliyo arinta, balse weli wax go,aan ah oo ku saabsan gurigaa oo dhinaca madaxtooyada kasoo baxay ma jiro. Waxaana la sheegay inay xiisada u dhaxaysa labada wasiir sii kululaanay, taas oo keentay cabsi soo waajahday dadka xaafada ku dhow guriga.

Gurigaaa oo ka mid ah saddex guri oo ay dawladu leedahay oo EU dib u habayn ku samaysay sanadkii 2000, waxaana guriga lagu muransan yahay ku jirtay (Midawga Yurub), EU, iyadoo ay ka baxday ka dib markii ay mudo dhawr sanadood ah ku jirtay, waxana kro ahaan looga qaadi jiray $ 1000(kun dollar), bishiiba. Laakiin labada guri ee kale ee ay dib habaynta ku sameeyeen mid waxa degan wasaarada Qoyska, halka guriga kalena uu degan yahay wasiirka hawlaha guud.

No comments: