Sunday, October 16, 2005

Dhul gariirkii oo u bilaabmay Wasiiradii Udub.


Alaylahe kar baa dhacay haddii la soo afjaray oo lagu dhawaaqay natiijadii kama danbaysta ahayd .

Maanta Somaliland waa bilicsan baa u baryey, Ilaahayna ha la garab galo,Aamiin.

Marka ugu horaysa waxaan hambalyo iyo bogaadin badan hawada u soo marinayaa dadweynaha Somaliland ee sida hufan ee nabadu ku dheehantahay codkoodii u dhiibtay. Iyaga oo caga jugleyn joogta ah & xidhixidhisina u dheerayd.

Xisbi dowle UDUB; geed sare & mid hoosaba wxuu u fuulay sidii ay u heli lahaayeen aqlabiyad ay ku sii wataan fadhataysigii ay tayo la’aantu u dheerayd. Hase-ahaatee shicibkii ayaa UDUB ka guulaystay maanta. Alxamdu-lilaah.

Maalmihii ina soo dhaafay labada Gudoomiye, Md: Faisal & Md: Silaanyo waxaa u socday shir albaabadu u xidhanyihiin, iyagoo ka tashanaya sidii ay u qaybsan lahaayeen jagooyinka sar-sare ee Golaha Wakiilada, dowladan faraha ka baxday & wasiirada carada ka batayna ay ugu soo ridi lahayeen wadadda toosan, sharcigana ugu soo dabaali lahaayeen. Waxaan taana sii dheer, Xoghaya Guug ee Ucid. Md: Sanjab oo isbuucii u danbeeyey isna dhoola tus fara badan samaynaayey, soona shaac bixiyey waxaayaba ugu jira agendaha Xisbigooda qaybo ka mid ah oo aan ka tix-raacay Md: Ahmed Muse Gedi (sanjab) oo ah sidan “A-In dawladu 16 wasiir oo tayo leh ay soo samayso. B-In Wasaarada Maaliyadu soo hor-dhigto Golaha cusub miisaaniyadii, 2003, 2004 & 2005. C- Musuqmaasuqa oo la adkeeyo. Iyadoo hayd kasta oo dawlada ka mid ahi ay u soo gudbin doonto, Xisaabiyaha Guud wixii hanti ah ee soo gasha, iyagoo kusoo lifaaqaya sida u kala isticmaaleen. D-Xukunka deg-dega ah oo la laliyo. E-Maxaabiista bilaa sharciga ku xidhan oo ooda laga rogo. F-Mushahaarada Madexweynaha & ku-xegeenkiisa oo dib loogu noqdo. Haddaba kuwaasi waa qaar ka mid ah arimaha ugu jiray Agendaha UCID. Tii Kulmiyena waa danbaysaa.. Iyadana qoraalo danbe ayeynu kaga faaloon doonaa.

Haddaba saadaasha la filayaa maxay tahay?

Sadaashu waxay noqonaysaa in la soo xulo Gudi madaxbanaan oo soo uruuriya, sharciyadii dastuurka ku qornaa ee dowlada Rayaale ku tumatay, iyadoo loo kala sooci doono; A- Khiyaamo qaran. B- Hanti dowlo leexsade- C- Iska hor keen beelo iwm, laga bilaabo caleema saarkii Rayaale ilaa dhacdooyinkii ugu danbeeyey eey ka gaysteen doorashadii Golaha Wakiilada.

Soomaalidaa ku maahmaahda “arini labo nin kama wada qosliso”. Wasiirada Rayaale laba sanadood iyo badh ayey qoslayeen, qaarna sannado badan bay kor u dhaafeen, iyagoo intaaba ku tumanayey sharciga, laalayna wax kastoo la xidhiidha. Haddaba waxaanay marnaba ku darsan tirada in layska danbeeyo, oo laysku soo dabaali doono sharcigay hareer marayeen. Maantana kii ayey magan galyo u yihiin wixii ay u dhigteena waa ka heli doonaan.


Ahmed Hassan Ahmed “Quick”

No comments: