Monday, October 17, 2005

HAMBALYO KA SOCOTA JAALIYADDA SOMALILAND EE WALES,U.K.



Waxaa sharaf iyo maamuus mudan shacbi weynaha Somaliland ee sida taariikhiga ah ku soo dhammaystiray geedi socodka dimuquraadiyadda, ooy ku khatimeen doorashadii golaha wakiilada. Haddaba anigoo ka wakiil ah dhammaan dadweynaha Somaliland ee degan gobalkan Wales ee ka tirsan Boqortooyada Midowday (U.K), waxaan hambalyo u dirayaa dadweynaha Somaliland ee foodkooda si nabad iyo maamuus leh u dhiibtay, gaar ahaan waxaan bogaadin u dirayaa hawlwadeenada Komishanka, Seddexda Xisbi, boliska qaranka iyo tartamayaasha guulaystay iyo kuwa dhacayba.

Waxaan Illaahay uga baryayaa in ragga doorashada ku guulaystay noqdaan qaar sida loogu hanweynyahay, muujiya daacadnimo iyo hagrasho la'aan, ay ku gutaan waajibka dalka iyo dadka ka saaran.Waxa loo dhiibay xil weyn ee Illaahay ha waafajiyo tubta toosan.

Inta dhacdayna waxaan leeyahay, waxa idiin sharaf ah inaydun tartanka si xalaal ah u soo gasheen, si geesinimo ahna go'aankiisa ku qaadateen, waxii cabasha ahna u marteen dariiqa sharciga ah. Waa mid hubaal ahayd in tartamayaasha inta badani dhacayso, kii taas nasiib u yeeshayna, waa inuu sidan ku samraa. Nolahu waa wareegto, berrina waa maalin kale.
Hambalyada qayb weyn ayaa leedihiin, oo waxaad tihiin kuwa suurtagal ka dhigay dhici-taanka doorashada.Waad mahadsantihiin.

DHAMMAANTEEN SHACBIGA SOOMALILAND WAA GUUL IYO FARXAD AYNU WADAAGNO.


Axmed Carwo
Guddoomiyaha Jaaliyadda.
Cardiff


ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: