Monday, October 17, 2005

MA DHABAA CISMAAN HINDI WAXAA UU QAYB KA AHAA KURAASTII XISBIGA KULMIYE LAGA IIBSADEY?


Warar aad loogu kalsoonyahay ayaa waxay sheegayaan in gudoomiyaha gobolka haregysa mr cismaan hindi inuu qayb ka ahaa kuraas ilaa 3 ah oo laga gooyey xisbiga uu ka tirsanyahay ee KULMIYE. Masuulkan ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa waxaa la sheegayaa inuu wiigagii u danbeeyey ee laysku hor fadhiyey kuraasta iyo saami qaybsiga asxaabtu u kala heshay kuraasta inuu si dadban ula saftay xisbiga talada haye ee UDUB.

waxaa shaki aanu ku jirin in xisbiga mucaaridka ah ee uu ka tirsanyahay Hindi maalamhii u danbeeyey laga gooyey ilaa sadex musharax kuraastood oo ka soo baxay xisbiga kulmiye.
Warkan oo ay noo xaqiijiyeen dad aad u badan oo xisbiga ka tirsani, ayaa waxaa ay arintan u aanaynayaa ninka maamahii u danbeeyey ku jirey xarunta komishinka, oo abnigiisana aad loo adkeeyey.

Taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye oo qaar kamida aanu arintan wax ka weydiiney iyo weliba musharaxiin ka tirsan xisbiga ayaa waxay sheegeen, nin Maalmahii u danbeeyey xukumadu ay khasnadahii furtay oo ay ku yaboohday lacag iyo weliba xilal kala duwan oo ay ugu yaboohday cid walba oo ay dani ka gashay ama suuragelin kara baahida xukumada ee xiligaasi ahyd mid ay baahida haysey wax kasta ay goonaysey oo lacag ama masab dowladeed.

Eedaymaha loo soo jeediyey mr cismaan Hindi ayaa waxay ka danbeeyeen markii xisbigan kulmiye oo ilaa 11 xubnood kaga guulaystey gobolka hargeysa, ay suuro geli weydo in xisbigu ilaashado kuraastiisa iyo weliba codadka musharaxiinta tartamaayey oo sidii la doono laga yeelay codadkoodii oo qaar ka mida suuqa lagu qubay waraaqahoodii.

Cismaan oo keliya maha raga arintan lagu eedaynayaa laakiin waxaa la sheegayaa rag kale oo Degmada gebiley la sheegay inay lacag qaateen oo markaasi ay ogolaadeen waxii xukumada iyo xisbigeeda UDUB ay walaaqanayeen.

Musharaxiin badan oo gobolka hargeysa ah gaar ahaan degmada Gebiley ayaa waxay aaminsanyahiin in boosaskoodii la iibsadey oo gacanta hoosta laga dheebey.
Cadceedu ka weyn wax sacabada lagu qariyo dadku waa wada ogyahay in xisbiga KULMIYE Gobolka haegeysa ka helay ilaa 11 kursi laakiin arintaasi guuldaradeeda iyo xawilaada kuraastan la xawiley waxaa ka masuul ah Cismaan Hindi oo maalmahii u danbeeyey aad loo dareemaayey inuu debec u muujiyey komishinka iyo xukumada oo iyagoo isku tidcan soo wada boob tegey. Hadaba xisbiga waxaa hagraday ragiisii oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka hargeysa MR HINDI.

SOOYAAL HARGEYSA

No comments: