Monday, October 17, 2005

Hambalyaa Looga Fadhiyaa Inta Salaanka Ka Siibatay

Horaantii sanadkan sadexda xisbi qaran waxay u soo xuleen 246 xubnood inay ka qayb galaan doorashada golaha wakiilada. Tan iyo maalintii magacyada musharaxiintaasi lagu dhawaaqay, musharaxiintan iyo taageerayaashodu waxa ay galeen olole balaadhan oo ay kaga baxday kharash iyo wakhti aad u fara badan. Musharax kasta iyo taageerayaashiisu waxay isku hawleen sidii ay tartanka ugu guulaysan lahayeen. Xarfadoodii iyo awoodoodiina waxba iskamay hagran.

Musharax kastaa markuu arinkan galayay waxa uu ogaa in fursadauu haystaa ay tahay boqolkiiba 33% marka la isku soo celceliyo. Taas oo macnaheegu yahay in aanu ku guulaysan kursiga uu isu soo sharaxayo ayaa ka wayn inuu ku guulaysto kursigaas. In kasta oo qofkasta uu qumanihiisu qoorta ugu jiro oo uu u arko in isaga taageerayaashiisu ay yihiin kuwa ugu tirade badan. Hadana, khamaarka ay ciyaareen waxa uu ahaa mid 1/3 ay wax ku helayaan, 2/3 aanay waxba ku helayn. Waxa suurto gal ah in musharaxiinta qaarkood aanayba maalintay arinkan galayeen aanayba ka fikirin hawsha ay galaaan baaxadeedu inta ay leegtahay iyo haddii, ay ku guuldaraystaan sida ay guuldaradaa u qaadan doonan, arinkuna si sibiq ah ku galay. Waxa jira rag badan oo jar looga talaabsada, culayska arinkana aan ka sii fikirin. Waxa jira rag khiyaamo lagu sameeyay oo taageero ay filanayeen lagag baxay ama culays dhinac kale kaga yimid lagula daadagay. Nin waliba sheekadiisu waa u gaar wax uu ka cabanayaana way jiraan balse raganimada qofka iyo hogaanshiye nimadiisu waxay ka muuqataa dulqaadkisa. Ninkii rag ahi waakii kufa ee kaca, idinkoo danta umada iyo dalka eegaya bal sharafta ka raacoo qayrkiin u hambayeeya.

Maahmaah Somaliyeed baa tidhaa gari laba nin kama wada qosliso, meel lagu baratamayna koobka lama wada qaado balse raganimadu waxay tahay in qofka seegaa uu candhuuftiisa dib u liqo, oo uu ka koobka qaatay u hambalyeeyo.

Abdirahman Jama

Holland

No comments: