Friday, October 21, 2005

Sadex Arimood Haddii aan ka Helo Qudbi-goodaan Siyaaran Baarlamanka Cusub.

Sadex Arimood Haddii aan ka Helo Qudbigoodaan Siyaaran Baarlamanka Cusub Guushii balaadhnayd ee ay Soomaliland ka soo hoysay doorashada baarlamanka dabadeed, aduunka saadaal iyo hami cusubi kama dhamaadee waxa la is waydiinayaa. Maxaan ka filan kartaa golaha cusub ee la doortay?

Maahmaah waxgarad hore iyo waayeel aan ka soo gaadhnay baa tidhaa “Ninka waxa soo socda aan garan waxa jooga ma garto”. Waxa soo socda Inaad wax ka sheegi kartid, macnaheegu maaha in aad wali uu wax u sheeg hoosiyo waxyi ku soodago noqoto ama faaliyo shaydaamaha wax la wadaagoo warka ka qaata noqoto, xidigiye maaha inaadnoqotid falaga eegoo nayruusku halkuu dagay wax ka soo dhex saara ama waayeel cimrigiisu boqol dhaafo dhacdooyin badan u taagnaa noqoto. Wacyiga taagan markaa iyo habka maskaxdaadu ay miisaanka u saarto marxalada hortaada taala ayaad saadal ka samayn kartaa.

Hadaba intoonan gudo galin inaynu saadal ka samayno mudanayaashan loo durbaan tumay iyo waxaan ka filan karo bal aan isla eegno, muxuu yahay wacyiga maanta ka taagan Somaliland. Dalkeenu maanta waxa uu ku jirtaa marxalad kala guur ah oo aynu uga kala guurayno habmaamulkii ku dhisnaa shirbeeleedka iyo mudanayaasha ay soo doorteen beellahu iyo hab maamul ku salaysay doorasho madaxbanaan oo ku socota codbixin shaqsiyadeed (hal qof hal cod) oo lagu kala doortay sadex xisbi. Marxalada kala guurka ah waxaad ka filan karaysaa in si dhab ah loogaga guuro deegaan qabiil oo loogu guuro deegaan xisbiyeed. balse hadii sahankii aan dirsanay ee hayaankan horseedka ka noqon lahaa uu noqdo mid dhamma’san oo kobtii cagaarnayd ee ay reerka u soo arkeen aan garanayn, miyaad guul badan ka filan kartaa geedigan loo xadhko xidhay. Reer baa la yidhi sahan la’aan lama raro ee bal sahankii aan dirsanay inuu wax fiican inoo soo arkay oo uu garanayona meeshuu inoo wado bal aan dhagaysano baaqooga ugu horeeya, haddii aad ka maqashid qaylo dhaan aad hore u taqaanay iyo ereyo hore kuu soo maray, iska garro xaga laguu wadaa inayna ka fogayn halka aad maanta dagantahay. Haddii se baaqa nimankaa aad ifafaalo cusub oo aanad garanayn iyo warara cusub ay kuula yimaadan waa laga yaabaa inay meel cusub reerka u hogaanshaan shar iyo khayr waxaan kala kulanaba.

Su’aasha ugu mihiimsan ee lays weydiiyo waa: waar tolow xubnaha Baarlamaanka ee xisbikasta kasoo galay baarlamanku, ma u hoggaansami doonaan xisbinimada? Haddii mudanayaashaa golaha soo galay ay noqon waayan kuwo xisbi nimo ugu dhaqma golaha dhexdiisaa, oo waddo siyaasadeed oo cayiman qaata, golahaasi noqon maayo mid waxqabad balaadhan yeesha, siddii kuwii dawladaha hoose loo doortay. Xasuuso mudanayaashii xisbiyada ku galay dawladaha hoose markii ay ogaadeen in shan sanadood loo saxeexay way ka weecdeen xisbiyadii oo waxay is tolaysteen kuwii ay marka hore iska soo horjeedeen. Taas oo keentay min Saylac Ilaa Caynabo in dagmooyinkaas golayaashii ay soo doorteen ka dhamaan waayan Maayar ridid iyo is fadeexadeen. Hadaba haddii ay xisbiyadu ay samayn kari waayaan sharci ay ku xukumaan siyaasada xubnahooga u galay baarlamanka, waxa laga fisho golahaasi ma waynaan doono arinkuna is jiidjiidad ka fursan maayo.

Inkasta oo ay waxqabadka golahaa cusubi uu si toosa ugu xidhnaan doono sida ay xisbi nimada u qadariyaan oo ay wadanka uga raraan dagmaddii qabiilka, hadana, anigu sadexdan qodob haddii aan ka helo shan sanadood dabadeed waan siyaaran doonaa:In ay dastuurka qabyada ah dhamaystiraan oo xeer hoosaadkii qeexi lahaa qodobo badan oo dastuurka ah ay ku dhaqaaqaan, intoonay bilaabin inay wax ka badalaan xeerarka jira. Tusaale xeerak maalgalinta iyo abuurista shirkaduhu oo suurto gal ka dhigi lahaa shaqo abuurid waa qabyo. Boqolkiiba sagaashan ciidanka nabadgalyadu waxay ku hawlanyahin xalinta dhibaatooyin ka imanaya dhulka lahaanshahiisa, xeerkii dhulka kala xadaynlahaa ee dhibtaa lagaga bixi lahaa ma jiro.
Inay daba gal ku sameeyaan waxqabadka dhabta ah ee dawlada iyo wasiiradeeda iyaga oo aan xayirayn, balse ku soo rogaya la xisaabtan waxa u qabsoomay iyo waxa baaqday, dakhligii soo galay iyo sida loo isticmaalay. Tusaale ahaan dawladu sadexdii sanadood ee u danbeeyay xisaab xidh miisaniyadeed may soo hor keenin golaha. Heshiisyada ay la gasho shirkadahana baarlamanku muu fasaxin.Cadaalada wadanka oo ay badbaadiyaan iyaga oo dib u eegaya dhamaanba xeerarka iyo sharciyada ay ku shaqayso maxkamadaha wadanku iyo madax banaanidooda. Tusaale ahaan waxa wali xeerka ciqaabta ee wadan keena ku jira xeerka xukunka dagdaga h iyo awooda gudiyada nabadgalyada oo ah hab ciqaabeed oo uu dajiyay dawladii faashiiska ahayd ee BeniitoMusaliini xiligii dagaalkii labaad ee aduunka. Waa wax lala yaabo in wali xeer caynkaas ah oo dastuurkena ka soo hor jeedaa uu shaqaynayo. Somalidu waxay tidhaa “Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa”. Ma ragan iyo labadan dumara ee golaha loo doortay, hawsha u bilaabe siday u kala mihiimsantahay, eegena baahida wadanka taala mise, eege dantooda gaarka ah oo durba kursiga sare u soo hilaac oo ku jiqsii iyo xilka qaadidi u hawl gale. Haddii ay golaha dhexdiisa xisbi nimo ku ilaalin kari waayan, xeer dajin iyo dhamays tirid waxa qabyada ah ay u dhaqaali wayaan wuxuu arinku noqonayaa Walee reer aan ogahay ma guuro oo kuwana siddii kuwii dawladaha hoose meel doogan inooma raraan.

Inay daba gal ku sameeyaan waxqabadka dhabta ah ee dawlada iyo wasiiradeeda iyaga oo aan xayirayn, balse ku soo rogaya la xisaabtan waxa u qabsoomay iyo waxa baaqday, dakhligii soo galay iyo sida loo isticmaalay. Tusaale ahaan dawladu sadexdii sanadood ee u danbeeyay xisaab xidh miisaniyadeed may soo hor keenin golaha. Heshiisyada ay la gasho shirkadahana baarlamanku muu fasaxin.

Cadaalada wadanka oo ay badbaadiyaan iyaga oo dib u eegaya dhamaanba xeerarka iyo sharciyada ay ku shaqayso maxkamadaha wadanku iyo madax banaanidooda. Tusaale ahaan waxa wali xeerka ciqaabta ee wadan keena ku jira xeerka xukunka dagdaga h iyo awooda gudiyada nabadgalyada oo ah hab ciqaabeed oo uu dajiyay dawladii faashiiska ahayd ee BeniitoMusaliini xiligii dagaalkii labaad ee aduunka. Waa wax lala yaabo in wali xeer caynkaas ah oo dastuurkena ka soo hor jeedaa uu shaqaynayo.Somalidu waxay tidhaa “Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa”. Ma ragan iyo labadan dumara ee golaha loo doortay, hawsha u bilaabe siday u kala mihiimsantahay, eegena baahida wadanka taala mise, eege dantooda gaarka ah oo durba kursiga sare u soo hilaac oo ku jiqsii iyo xilka qaadidi u hawl gale. Haddii ay golaha dhexdiisa xisbi nimo ku ilaalin kari waayan, xeer dajin iyo dhamays tirid waxa qabyada ah ay u dhaqaali wayaan wuxuu arinku noqonayaa Walee reer aan ogahay ma guuro oo kuwana siddii kuwii dawladaha hoose meel doogan inooma raraan.

Abdirahman Jama Holland

No comments: