Thursday, October 20, 2005

BAAQ KU SOCDA JAALIYADDA SOOMALILAND EE CARDIFF, U.K

Waxaa sharaf ii ah inaan idiinku baaqo qaabilaad iyo daris (Lecture) uu inoo jeediyo siyaasiga iyo aqoon yahanka weyne ee Mudane Mohamed Said Gees.
Waa fursad qaayo leh, oo aynu ka bogan doono xogwaran inooga yimaada, nin siyaasadda Somaliland nabadeyntii ilaa manta kaga jira kaalinta kowaad. Socdaalka Mudane Gees waa mid uu marti ugu yahay SSE, isagoo maalinta Isniinta 1.00 duhurnimo ilaa 4.00 uu daris ku saabsan Geedi-socodka Dimuquraadiyada Somaliland ka jeedin doono Xarunta Shirarka ee loo yaqaan Temple Peace, una dhow Welsh Office, Cardiff.Iyadoo

xafladan oo ay iman doonaan siyaasiin iyo aqoon yahano shisheeye ihi, ayaa haddana ay u furantay jaaliyadda oo si weyne loogu soo dhoweynaayo inay ka soo qayb gasho, waana mid inagu habboon inaynu aad uga muuqano.

QAABILAAD GAAR U AH JAALIYADDA SOMALILAND


HaddabaWaxuu Mudane Gees naga aqbalay inuu iyadoo Ramadaan ah uu salaan iyo booqasho inoogu yimaado Maqaaxidda Odayaasha ee ku qabsan Masaajidka Al-Nuur, amba loo yaqaan Masaajidka Soomaalidda
Salaadda Duhur ka dib maalinta axadda ee bishu tahay 23 Okoobar. Waxaa balan inoo ah soo dhoweyn wacan iyo waqtiga oo aynu ilaalino. Anigoo ku kalsoon sida diiran ee aad ku soo dhoweysaan wufuudda inooga timaada dalka hooyo,iga guddooma bogaadin bisha Ramadaan, iyo mahadnaq khaas ah.


Maalinta : Axadda, 23 Oktoobar 2004

Goobta: Makhaayadda Odayaasha
Red Sea Restaurant
Maria Street
Butetown, Cardiff

Saacadda: 1.40pm (Salaadda Duhur ka dib)



Ahmed Hassan Arwo

Gudoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland
Cardiff.
Tel: 0777 367 53 97

Email: ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: