Tuesday, October 18, 2005

Sharaf Iyo Dhaameel Is Barbar Yaal

Cabdi X. Ciise — Abu Dhabi, UAE — 18 October, 2005

Mudanayaasha cusub ee ku soo baxay codka shacabka ee noo bedelaya kuwii Golaha ku fadhiyey magaca beeleed, waxaan idinku hambalyeynayaa inaad ka mid noqotaan Madaxda Dalka ee shacabku u egmadey in ay dhisaan, kuna dhaqmaan Dastuurka Dalka, kaas oo ah muraayadda Qaranka laga arki karo dibbed iyo gudaba. Waa la idin sugayey oo la idin saadaalinayey ee soo dhowaada. Waanu samirnay oo EEBE weydiisaney in uu nin doorka iyo inta daacadda ah noo keeno Golaha Baarlamaanka. Hadaa tihiin xubnaha la filayey, goobtan fadhiisinka idiin noqon doonta ee Aqalka Wakiilada, waxa hore uga dace fathead ion sheaf dhal. Wax dadweynuhu Aqalka Wakiilada ku tilmaansadaa Golaha Dhaameelka sababtoo ah, waxa si aan qarsoodi ahayn loogu dhex qaybin jirey lacag dadweynuhu ugu magacdaray DHAAMEEL.Arrintaas waxa suura geliyey iskaashi ka dhexeeyey dawladda ion Shir-gudoonka wakiilada. Hadaba,maanta waxa xaruntii golaha isu kiin dhinac yaal laba sahay oo midba qolo idinku soo dhoweynayso.

(i)dhaameel -Dawladdaa idiin sii diyaarisay waana lacag ay dawladdu si jaban ugu iibsato codka xubnaha baarlamaanka qaarkood markastoo ay doonayso inay mashruuc ka fushato golaha dhexdiisa.(ii). Sharaf - Shacabkaa idiin sii diyaariyey waana idinkoo soo nooleya Karaamadii iyo Sumcadii Aqalka Wakiilada una soo celiya Xuquuqda Dastuurku siiyey.
ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu idinka dhigo kuwo aan lagu hungoobin, kuwo noo soo dhiciya xuquuqda aanu dalka ion Golaha baarlamaanka ku leenahay.Waxaan idiinku duceynayaa in ILAAHAY idinla qabto xilka culus ee la idiin wakiishay. ILAAHAY ha idinka dhigo kuwo aan lagu laaluushin xilkooda. ILAAHAY ha idinka dhigo kuwo golahan ka xoreeya farogelinta Dawladda, oo fahma madax-banaanida maamulka golahan.Amiin….

Xubnaha cusub ee la soo doortay waxa ka mid ah rag badan oo aan aqoon u leeyahay. Xubnahaas ion kuwa kale oo badan oo aan rajeynayo in damiirkoodu dabrayoba, waxaan ku qabaa kalsooni ah in aan lagula soo dhacayn dhaameelkii. Waxaan ku calool fayoobahay aqoonyahanada ion mujaahidiinta golahan ku soo biiray. Waxaan hubaa in isbedel weyn oo khayr ion barako leh ay la kowsan doonaan xubnaha cusubi. Waxaanse cabsi weyn ka qabaa qaar ka mid ah xubnaha golaha ku soo galay magaca xisbiga dawladda ee UDUB. Sababtu waxa weeye,waxay yaqaaniin dhadhamada dhaameelka oo waa rag hore loo shirabbay. Iyaga ion Allahoode waxay lahaayeen hadii uu dheecaanka dhaameelku ku gaadho waa laguu yaabaa. waa la weheliyaa oo ninka uu ku siibtaa waa iska sakhiraadaa haddii xitaa laga baayaco dalka. Baqdin labaadna waan qabaa oo xubnaha xisbiga udub qaarkood waxa lagu soo saaray badhi-taar. Waa raggii wasiirada ion dawladdu bililiqada ku soo saareen. Kuwaasi waxay u afduubanyihiin dawladda oo waxay halis u yihiin in wax kasta laga fushan karo.Waxayse Insha-Allah ku hafan doonaan isbedelka ay la yimaadaan xubnaha cusub oo u badan kuwo ka naxaya dalka.

Golaha wakiiladdu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, isla markaana waa qaybta kowaad ee xeer dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha ion ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka. Tilmaantan mid ka duwan ayaa xarunta wakiilada taaley. Muddo badan ayaanan rumaysan in Golaha Wakiilada lagu kala iibsado codka illaa aan ka xaqiijiyey rag waaweyn oo masu'uliyad haya. Cadaynta arrinkaas waxaan tusaale idinka siinayaa markii Madaweynuhu golaha u soo gudbiyey liiskii wasiirada uu soo magacaabay ee goluhu si aqlebiyad ah isu hortaageen lix wasiir, ayaa hadana muddo ka dib, isla liiskii golihii lagu soo celiyey, waxaana goluhu aqlebiyad ku oggolaaday isla liiskii uu hore u diidey. Miyaan dhaameel shaqayn? waxaan qarsoodi ahayn golaha dhexdiisa mararka la isku kululaado, in xubnaha dawladda ku dhowi ay ugu hanjebaan mucaaridka in diidmadoodu aanay waxba kordhinayn oo dhaameelkii diyaarsanyahay..Waa la socotaan oo dhaameelku wuxuu noqday wax aan lala kala gabban xitaa golaha dhexdiisa. Golahana waxa loo bixiyey dhaameel. Ma aha waxaan abuurayo iminka ama ku talax-tegayo ee waa rasmigii.

Golahani sharaftiisa iyo awoodiisa dastuuriga ah waxa uu kula soo noqon karaa marka ay iskaashadaan dhamaan xildhibaanadu. Hadday wada shaqayn yeeshaan labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo Ucid iyo weliba xubnaha udub ee aan ka socon wasiirada ee gobolkooda kaga soo baxay cod kalsooni ah, waa la raadcayn karaa karaamadii aqalka baarlamaanka. Kala qaybsanaanta mucaaridku waxay sababtay Dawladda oo ay u suurowdey in ay gacanta ku dhigto awoodihii dalka oo dhan sida Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Ha moogaanina in xubno golahan ka tirsan ay dhacday in ashkhaas caadi ahi oo suuq joog ahi gacan ka hadal xarunta dhexdeeda kula kaceen. Weliba dembiilihii falkaa geystey wuxuu ku helay sharaf loogu magacaabay xil sare. Macnuhu waxa weeye, dawladdu markii ay isku hubsatay awoodii oo dhan ayay siday doonto u dhaqantay. Waxa la idiinka fadhiyaa inaad ka xakamaysaan wixii aanay xaq u lahayn.

Mudanayaal, waxa idin yaalla hawlo badan oo dayacmay. Waxa iyana idin sugaysa dhaar ILAAHAY. Ereyo kooban, laakiin miisaan leh, oo aad ku dhaaran doonto waxa ka mid ah inaad Dalka iyo Dadkiisaba daacad u noqon doonto. Rag hore loo dhaariyey balse dhaar jiidhay, welina aaminsan dhaameelkii ayaa qaarkood ku soo noqdeen golaha. Kuwaas bal in EEBE wax kaga duwo, waanada u badiya inagana ilaaliya.

Waxa la idiinka fadhiyaa inaad dalka iyo dadka wax u qabataan.Waxa loo baahanyahay inaaad si degdeg ah oo kalsooni iyo wada-shaqayn leh wax uga qabataan arrimahan:
1. Soo nooleynta haybadii iyo Karaamadii Golaha Baarlamaanka. Sida lagu soo celin karo kalsoonida shacabka waxa ka mid noqonaysa in aan la ogolaan, golahan oo nin iska xidho markuu doono. Gudoomiyaha Baarlamaanku waa inaanu noqon nin aan laba ogeyn mabda'iisa. Qaybe, markii uu liiskii iska waayey wuxuu sheegay in aanu musharaxba ka ahayn UDUB. Dadkuna waxay leeyihiin wuxuu u sii jeeda dhinaca Puntland oo markii uu guddoomiyaha ahaaba waa la is ogaa.

2. Sida dastuurka ku cad, Qaranka Somaliland waa muqadas, waana laguma xad gudbaan. Muddo sanado ah waxa Gobollo ka mid ah Somaliland xoog ku haysta, ciidamada Puntland. Waxaan u baahanahay geesiyaal duco lagu kaalmeeyo oo noo soo dhiciya dhulkayaga. Dagaal iyo nabad kii laga qaadi waayoba ha noqotee, waa la idiinka fadhiyaa raadcada gobollada maqan.

3.Xaqiijinta cadaaladda- oo saldhig u ah xasiloonoda guud, is aaminka iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland. Dawladda hadda joogtaa waxay kala dhoweysatey beelaha,qoysaska iyo shakhsiyaadka.Ninkastoo daacad ahaaba, xaq darruu eeday.

4.Qabyotirka Dastuurka- dawladdan oo ku guuldaraysatay dhammaystirka Dastuurku waxay sababtay in muwaadinku aanu haysan cid u dammaanad qaada xuquuqdiisa iyo xoriyadiisa. Ardayda Gebiley laga xidhxidhay ee isla habeenkiiba lagu qaaday maxkamadda degdega ahee dawladdu jeebka ku sidato, ee aan dastuurka ku qorayn, ma ku laali doontaan meel aan dib dambe looga soo rogi karin.Waxaanu ashkato idiinka nahay dawlad aan ku dhaqmin dastuurka.

5. Hantida Qaranka oo aanu ka garan la'nahay tii gaarka ahayd. Dalkani meelaha uu ka dibdhacsanyahay waxa ka mid ah Musuq-Masuq xad dhaaf ah oo dawladdu si aan toos ahayn u sharciyeysay oo lagaga dhaqmo hay'adaha dawladda. Meelaha wax lagu cashuuro, cidi ma daba gasho, iyaguna ma soo celiyaan xisaab-xidh. Waxa loo kala qaybiyaa qurusyo inniba meel tagto. Haddii aany sidaa ahayn ma waxa dhici lahayd in Jiwano lambar keliya leh dhowr jeer wax lagu cashuuro. Waxa jira xidhiidh qarsoodi ah waa qaatee-qaado. Dadku meesha uu intiisii ka qaadan lahaa waa la idiinku duceynayaa haddii aad noo soo heshaan.

6. Garsoor madaxbanaaan. Guddoomiyaha Maxkamada sare, Maxkamadaha Gobollada, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka intaba waxa magacowda Madaxweynaha isagoo aan u baahan cid u shaabadaysa." Rag cadaalad waayey sidii cawsha kala yaac.

"7. Xukuumadda oo la baro in ay ku dhaqanto Dastuurka. Madaxwenaha, ku-xigeenka iyo wasiirada oo waajibaadkooda u guta sida dastuurku farayo. Meel kaleba ha ka eegine, waxaad soo qaadataa waxyaabihii wasiiradu ka sameeyeen Doorashadii. Raxan wasiiro ah oo jawaano ka buuxsadey lacagtii ummadda oo isu raacay in aan hebel la soo saarin, oo ay ka dhalatay beeshii oo iska hortimi oo meelaha qarkood hubka la isu gurtay, haddii aad xakameyn weydaan, ha naga dhawrina kalsooni. Muxuu dastuurku ka qabaa Wasiirka laba jeer codeeya? Ma waxa qabanaya sharciga muwaadinka sidiisoo kale sameeyey lagu xidhay, mise Wasiirku sharciga waa ka sareeyaa!

8. Heshiisyada lala gelayo dawladaha iyo shirkadaha ajaanibka ah- Saxaafadda Somaliland qaar ka mid ah sida Wargeyska Haatuf, marar badan oo ay si sir ah usoo heleen xaqiiqada ku saabsan heshiisyo Dawladdu la gashay shirkado iyo ashkhaas shisheeye ah, oo ay dadka u soo bandhigeen iyagoo gudanaya waajibkooda, wax dawladdu ku waajahdey cabudhin iyo caga-jugleyn. Safarada Cawil iyo heshiisyada saliidaha ee lagu saxeexayo Madaxtooyada, wax ma ka ogaan kartaan!

Mudanayaal, taarikhda ayay hore u gashay in Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyada Somaliland lagu qaybiyo lacag lagu magacaabo Dhameel. Wax hore loo maqlay ama aduunka ka jirey ma aha. Waa jirtaa in Golla katoo Baarlamaan dhinaca fikrada lagu kala duwanaan karo, sidaa darteed, la kala xodxoto xubnaha, laakiin lacag baa la isku baayacaa oo sawirka kamarada horteeda la isugu tiriyaa waa ii kow.Waxaan xusuusteeda ku iloobi karaa iyadoo meeshii lacagta lagu bixin jirey ay soo fadhiistaan rag iyo hablo xul ah oo sharaf doon ah, oo aan shaqo tag ahayn, oo la soo noqda Karaamadii iyo haybadii Golaha Wakiilada.

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa, "Haani gun bay ka tollantaa." Ama waydun ka dhabbayn oo Golahan Qaranka ayaydun sharciga ka bilaabi doontaan, markaasaa karaamo iyo sharaf shacabku idinku abaal marin doonaa, ama, dhaameel doon , dhib soo kordhiya, oo habaar galabsada, ayaa noqon doontaan. ILAAHOW aanaan idin habaarin. Amiin.

Cabdi X. CiiseAbuDhabi

Macalin54@hotmail.com

No comments: