Sunday, October 30, 2005

Shir Xarunta Dawlada Hooe Saaka Lagu Qabtay Maayar Cusub Iyo Xil Wareejin Maayarkii Hore


Somaliland Future — Burao, Somaliland — 30 October, 2005
Wax la bixiyay waxa iminka dayn dawlada hoose lagu leeyahay macaal shaqaale ilaa shicib waxa ay leeyihiin waxaa uu ku sheegay xoog-hayaha dawlada hoose oo ku soo koobay warbixintiisa in ay tahay wadar ahaan. 1,363,9365,68 ( Hal bilyan sadex boqol sadex iyo lixdan milyan sagaal boqol iyo lix sodon kun shan boqol iyo sideed iyo lixdan kun)
Waxaa saaka oo bisha Oktobar ku beegnayd 29 shir lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta dawlada hoose ee degmada Burco, shirkaas oo ku saabsanaa magacaabis maayar cusub iyo xil ka wareejin maayarkii hore ee degmada.

ugu horayn markii ay soo baxday in uu xilkii maayarnimo iska casilay wiigii dhamaaday dabayaaqadiisii maayarkii hore ee degmada Burco Cabdi Axmed Idle (Cabdi Burco) ayaa saaka oo tariikhdu ku beegnayd bishan Okt 29 waxaa shir balaadhan lagu qabtay xarunta dawlada hoose si maayar cusub loogu doorto, maayarkii horena xilka loogala wareego. Shirkaa waxaa ka soo qayb galay wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arimaha gudaha Aadan Waqaf iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere.

Shirkaa oo furmay sagaaladii subaxnimo waxaa hadal ka soo jeediyay maayarkii hore ee degmada, isagoo soo qadimay istaqaaladiisii uu xilka ku dhiibayay hase yeeshee ma sheegin sababta ku dhalisay in uu xilka iska dhiibo, isagoo ka soo qaaday arimo shakhsi ahaaneed, waxaa uu halkaa mahadcelin uga soo jeediyay madaxda iyo shaqaalaha dawlada hoose iyo golaha degaanka sidii ay ula soo shaqeeyeen, waxaana uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan maayarka cusub ee la doorto, kadibna golaha degaanka Burco waxaa iska dhex doorteen maayar cusub, maayarkaas oo ah Maxamoud Xasan Cabdi (Ina Dhegalaab) koonsalka ama golaha degaanka Burco oo tiradoodu tahay 21 xubnood ayaa 18 xubnood isku raacay doorashada mayaarka la magacaabay. Maayarka cusub mudane Maxamuud Xasan Cabdi (Ina Dhegolaab) isna waxaa uu ka mahadceliyay doorashada loo doortay maayarnimada. Isagoo sheegay in ay xil culus tahay.

Waxaa intaa ka dib iyaguna halkaa ka hadlay Wasiru u dawlaha arimaha gudaha iyo badhasabka gobolkka Togdheer cabdi Xuseen Dheere, oo labadu ku booriyay maayarka cusub iyo shaqaalaha dawlada hoosaba in ay la yimaadaan daacad iyo shaqo hufan. Waxaa iyaguna halkaa ka hadlay dhawr xubnood oo golaha degaanka ah oo ku amaanay maayarkii hore markay ka codsadeen in uu xilka wareejiyo uu maqlay oo xilkii iska wareejiyay, maayarka cusubna markiisa hadii laga codsado in uu xilka iska wareejiyo isaguna sidoo kale uu maqlo oo aanu siku sii adkayn xil wareejinta. Intaa ka dibna waxaa isna halkaa warbixin ka soo jeediyay ku saabsan qarashka lagu leeyahay dawlada hoose waqtigan xaadirka iyo mushaharka shaqaalaha oo aan la bixin tobankii bilood ee ugu danmbeey ka soo jeediyay xoghayaha dawlada hoose. Waxaa uu ugu horaysiiyay shaqaalaha iyo xubnaha degaanka oo aan guno qaadan tobankaa bilood.

Wadar ahaana lacagta shaqaalahaasi leeyahay ee aan mushahar ahaan loo siin waxay dhan tahay. 695,948,020 (lix boqol iyo shan iyo sagaashan milyan sagaal boqol sideed iyo afartan kun iyo labaatan shilin somali land) Daynta kale oo dawlada hoose gashay waxaa uu ku sheegay 667,997,5489(lix boqol todoba iyo lixdan milyan sagaal boqol todoba iyo sagaashan kun shan boqol iyo sideed iyo afartan shilin).

Waa inta uu maayarka iscasilay uu kaga tegay waxaa kale oo xoog hayuhu sheegay in maayarkan imika iscasilay uu meesha ugu yimi dayn uu kaga tegay maayarkii ka horeeyay oo dhamayd 632,000,000. (lix boqol iyo laba iyo sodon milyan) Wax la bixiyay waxaa imaka dayn dawlada hoose lagu leeyahay macaal shaqaale ilaa shicib waxa ay leeyihiin waxaa uu ku sheeagay 1,363,9365,68 ( Hal bilyan sadex boqol sadex iyolixdan milyan sagaal boqol iyo lix sodonkun shan boqol iyo sideed iyolixdan kun)ayuu xoog hayuhu ku soo koobay warbixintiisa.

Hadaba iyadoo aan imika dadwaynaha reer Burco ogaynba waxa ka socda dawlada hoose oo aad moodo in ay hadalkeedaba meel iska dhigeen, hadii maayar cusub la magacaabo iyo hadii kii hore iska joogaba markaad dadwaynaha eegto wax xiiso ah oo ay u kordhinaysaa ma jirto xilwareejintani, sababtoo ah dadwaynuhu waxa ay leeyihiin xarunta dawlada hoose maaha meel danta dadwaynaha lagu hayo. Qormooyinka soo socda ayay kaga faaloondoonaa dawlada hoose iyo Burco wax qabadkeeda hadii ilaahay yidhaahdo.

Haybe Cismaan Nuur
Burco, Somaliland

No comments: