Sunday, October 30, 2005

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Faysal Xaaji Jaamac Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Natiijada Kama Dambaysta Ah Ee Doorashadda Golaha Wakiilada.

Hargeysa (somalilad.org) Faysal xaaji Jaamac gudoomiyaha maxkamada sare ayaa sheegay inay natiijada kama dambaysta ee doorashada golaha wakiilada ugu dhawaaqi doonaan sidii komishanka qaranku ugu soo gudbiyay maxkamadda sare,iyagoon waxba ka bedelin.
Waxaa uu sidaa ku sheeagay maanta mar uu u waramayay gudoomiyaha maxkamada sare Faysal Xaaji Jaamac weriyayaal ka tirsan warbaahinta madaxa banan.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay meesha ka saareen dacwada 14-murashax oo iyagu u soo gudbiyay dacwado ay kaga cabanayaan in wax lays daba marmariyay, kuwaasoo uu ku tilmaamay qaar aan sharciga waafacsanayn {shaqsiyaadkii waanu eegnay cabashooyinkoodii wax sharciya oo ay ku salaysan yihiina ma jirto, waa sanduuq hala ii tiriyo, markii aanu gudigayagii maxkamada sare dhinac walba ka eegnay wax sharciya oo ay na taabsiiyeen ma jirto oo sheeko xariir bay noo soo qoreen} ayuu yidhi gudoomiyuhu, waxaana uu intaa raaciyay oo yidhi:

"xeerkii doorashooyinka ayaanu raacnay, inay wakhtiga naga lumiyaana ma,aha maadaama ay wakiiladoodii saxeexeen, mana aha inay dalka sumcad xumo ku sameeyaan, sidii ay wakiiladoodu ka mareen ayaanu anaguna raacnay" ayuu yidhi Faysal Xaaji Jaamac.
Gudoomiye Faysal Xaaji Jaamac mar la weydiiyay tirada murashaxiinta dacwadaha u soo gudbiyay iyo inay wax ka bedeli doonaan natiijadaa komishanku u soo gudbiyay wuxuu ku jawaabay:

"Murashaxiinta dacwadaha noo soo gudbiyay waa 14- murashax, mana filayo inay natiijada wax iska bedelayaan oo sideedii baanu u sii dayn doonaa"

Mar la wax laga weydiiyay xukunka xeerka degdega ah ee soo noqnoqday waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inaanu xukunkaa xeerka degdega ah aqoonanayn,isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: "Arrintaa dhawr jeer oo hore baan ka hadlay, xeerkaa xukunka degdega ah waxa uu ku salaysan yahay ma aqoonsani, mana waafaqsani" ayuu yidhi gudoomiye faysal xaaji jaamac

Libaan M Shire
Hargeysa, Somaliland

No comments: