Friday, October 14, 2005

Mid La Iloobi Karo Maaha Taariikhda Soo Jireenka Ah Ee Beesha Maxamed Case.

Beesha Max'ed Case waa beel aad u da' wayn oo soo jireen ah siyaasadana ka soo ciyaartay door xaasaasiya oo lama ilaawaan ah siyaasadii soomaaliyadii hore & Somaliland ba, beesha Max'ed Case waa beesha kaliya ee deegaanka u leh dhul xeebeedka gobolka awdal.

Hadaba waxaa baryahan danbe soo if baxaya dareen siyaasadeed oo ay meelka dhacyo ku dheehanyihiin iyadoo aynu wali ka dhex bixin duufaankii siyaasadeed ee foosha xumaa aynu galnay bilawgii doorashadii wakiilada, taas oo kala gaysay dadka walaalaha ah ee ku wada nool gobolkan awdal. Balse waxaa yaab leh waxyaabaha ay isla dhexmarayaan bulshada reer awdal iyaga oo ka kacsan lixda xubnood ee ay ku guulaysatay beesha Max'ed Case, taasina waxay keentay in ay yidhaahdaan beesha Max'ed Case ayaa masraxa siyaasada ka maqnayd 40 sano,waxaa iswaydiin mudan 60 kii maxaa ka horeeyey maxaase ka danbeeyey siyaasada ku waajahnayd beesha Max'ed Case. Waxaa kaaga filan beesha Max'ed Case in ayna ka maqnayn masraxa Muuse Rabiile Good oo 60 kii ku guuleystay cod aan la qiyaasi Karin inkasta oo lagaga reebay da' yari.

Waxa jira taariikho meel walba ku xusan oo lagaga hadlayo beesha Max'ed Case ee deegaanka ku ahayd magalada taariikhiga ah ee Saylac, ma jecli inaan dib u jaleeco taariikhda lagu faani jiray ee beesha Max'ed Case ku lahayd Deg/Saylac.

Dawladii hore Ee Milatariga ee ahayd ee uu madaxwaynaha ka ahaa Max'ed Siyaad Bare waxaa wax ka noqday Muuse Rabiile Good Xisbiga kaliya ee dalka ka talin jiray ( Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed), isagoo wasaaradihii ugu badnaa ee gadabuursi qabtay ahaana ninkii keenay gobolka manta aynu ku faano ee Awdal inuu ka go'o gobolka waqooyi galbeed.

Somaliland markii ugu horaysay ee la dhisay waxaa wax loo qaybsaday hab qabiili, gadabuursi waxaa la siiyay sadex wasiir, hadaba beesha Max'ed Case oo lagu fadeexadaynayo inay masraxa siyaasadeed ka maqnaayeen 40 sano waxay Somaliland kazoo qabteen wasaarado kala duwan, Maxamed Cabdi Dhinbiil (Galbeedi) allaha u naxariistee waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee mar qudha qabtay laba jago, 1992-93 wuxuu noqday wasiirka qorshaynta qaranka, 1994-95 wuxuu noqday wasiirka maaliyada, 1996-97 wuxuu noqday wasiirka boosta iyo isgaadhsiinta. Waxa kale oo xilal wax ku ool ah ka qabtay Jaamac Rabiile Good, Cabdi Maxamuud Gaagaale, C/laahi Carab (Qawdhan),Axmed Xasan Caafi iyo Axmed X.Daahir Cilmi oo ilaa imika haya jagada wasiirka qorshaynta qaranka ee JSL.

Hadaba waxaa is waydiin mudan halka ay 40 sano kaga maqnayd masraxa siyaasada beeshani, mise waxay siyaasadu isugu biyo in beel qudha ay qaramaysato sheegatana madaxwaynahay JSL ee ay soo doorteen dhamaan beelaha kasoo kala jeeda gobolada JSL.Taasi hadaba ma noqon karto mid lagu masixi karo taariikhda beesha ee da'da wayn leh iyo siyaasada hida raaca ah.

Hadaba anigoo tix raacaya jariirada haatuf cadadkeedii soo baxay taariikhdu markay ahayd 07/09/05 Jimce waxaa ku xusnayd in beesha degan Deg/Lughaya, Saylac Iyo Baki ay ka tashanayaa xukuumada rayaale in ay dhulkooda u goynayso beelo degan bariga Hargeisa, laakiin ma jiraan wax aan ka tabanayno madaxwayne Rayaale iyo xukuumadiisaba, inkasta oo ay jiraan goobo uu gooyay komishanka qaranku oo uu musharax cabdi ku waayay cod aad u badan, sidoo kale madaxwayne rayaale dhulkama qaadi kari Gobolka Awdal oo kuma dari karo Gobolka W/Galbeed, W/Galbeedna dhulkama qaadi karo oo kuma dari karo G/Awdal. Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka ka dhacay Somaliland way badnaayeen hadii aan soo qaadano tii Golaha Deegaanka Gobolka Awdal waxaa la dooranayay 52 xubnood waxaa loo qaybsada saami ah 25 beesha Max'ed Case iyo 27 ay wada lahaayeen beelaha Ciise, Habarcafaan, Makaahiil iyo Isaaq. Tan golaha wakiiladana sidoo kale beesha Max'ed Case waxay G/Awdal ka heshay 6 xildhibaan beelaha Ciise,Habarcafaan iyo Makaahiilna waxay heleen 7 xildhibaan.

Hadaba maxaa keenay iminka sawaxankan badan ee aan Doorashadii Golaha Deegaanka hore loo arag mise dadku waxay u haystaan Degmooyinka Saylac, Baki iyo Lughaya inaanay ka tirsanayn Gobolkan Awdal?....... Waxa kale oo xilal wax ku ool ah ka qabtay Jaamac Rabiile Good, Cabdi Maxamuud Gaagaale, C/laahi Carab (Qawdhan),Axmed Xasan Caafi iyo Axmed X.Daahir Cilmi oo ilaa imika haya jagada wasiirka qorshaynta qaranka ee JSL.

Hadaba waxaa is waydiin mudan halka ay 40 sano kaga maqnayd masraxa siyaasada beeshani, mise waxay siyaasadu isugu biyo in beel qudha ay qaramaysato sheegatana madaxwaynahay JSL ee ay soo doorteen dhamaan beelaha kasoo kala jeeda gobolada JSL. Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka ka dhacay Somaliland way badnaayeen hadii aan soo qaadano tii Golaha Deegaanka Gobolka Awdal waxaa la dooranayay 52 xubnood waxaa loo qaybsada saami ah 25 beesha Max'ed Case iyo 27 ay wada lahaayeen beelaha Ciise, Habarcafaan, Makaahiil iyo Isaaq. Tan golaha wakiiladana sidoo kale beesha Max’ed Case waxay G/Awdal ka heshay 6 xildhibaan beelaha Ciise,Habarcafaan iyo Makaahiilna waxay heleen 7 xildhibaan.

Hadaba maxaa keenay iminka sawaxankan badan ee aan Doorashadii Golaha Deegaanka hore loo arag mise dadku waxay u haystaan Degmooyinka Saylac, Baki iyo Lughaya inaanay ka tirsanayn Gobolkan Awdal?..........

Mohamed Jibril (Eranow)

Jibril05@hotmail.com

No comments: