Tuesday, November 01, 2005

Wasiirka Maaliyadda Oo Joojiyey Shidaalkii Ka Soo Degeyey Dekedda Saylac


Hargeysa (Somaliland.org) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa 26 Bishani wuxuu soo saaray wareegto uu ku mamnuucaayo shidaalka laga soo dejiyo Dekedda Saylac iyo Gobolada Beriga Somaliland, Wasiirka Maaliyadda Somaliland wuxuu wareegtadaasi ku amray dhammaan kastamyada iyo goobaha Cashuuraha inaanay cashuurin shidaalka soo mara dhinaca saylac, Sida ay ii xaqiijiyeen Ganacsatada Shidaalka ee ka keena Dalka Jibouti ayaa sheegay in Shidaalkoodu muddo 10 cisho ah uu ku xanibna Kastamyada Waqooyiga Dalka aanay garanynina waxay yeelaan.

Sida laga warqabo Shidaalka ayaa wuxuu sare uga kacay labadii bilood ee ugu danbeeyey magaalooyinka waaweyn ee Somaliland taasi oo loo aanaynayey shirkadda TOTAL oo xanibtay shidaalkii qorshaysna ee la siin jiray Haamaha shiidaalka, lama garan karo waxa hadda sababay in la mamnuuco shidaalka ay ganacsatada u dhalatay Somaliland kala soo degi jireen dekedaha Waqooyiga Somaliland.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
SOMALILAND.ORG REPORTER HARGEISA

No comments: