Tuesday, November 01, 2005

WAR DEG DEG AH: MAXKAMADDA SARE OO KU DHAWAAQDAY NATIJADA RASMIGA AH EE DOORASHADII BAARLAMAANKA


Guddoomiyaha ku xigeenka Maxkamadda sare Md. Maxamuud Xirsi Faarax, oo natiijadaas kaga dhawaaqay hoolka Maxkamadda Sare oo ay goob joog ku ahaayeen xubnaha Koomishanka Qaranka iyo Wakiilo ka socday Saddexda xisbi Qaran, ayaa ugu horayn sheegay inay dalka ka dhacday doorasho uu ku tilmaamay mid taariikhi ah. Intaas ka bacdi waxa uu guddoomiye ku xigeenku gudo galay ku dhawaaqista Natiijada doroashada.

“Markay Maxkamadu deristay ee ay hubisay qoraaladii la xidhiidhay natiijada doorashada golaha Wakilada xisaab ahaan iyo sharci ahaanba ee ay aragtay cabashooyinkii la xidhiidhay natiijada doorashada Golaha Wakiilada go’aana ka gaadhay. Markay aragtay Dastuurka Somaliland qodobkiisa 40aad iyo 101aad, ee ay aragtay qodobada 59aad iyo 61aad ee xeerka doroashada waxa ay soo saartay qaraarkan.

Maxkamadda Distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ansixisay natiijada doorashooyinka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ee Koomishanka Doorashooyinku u soo gudbiyay 17, Oktoobar, 2005.” Sidaas waxa yidhi guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamuud Xirsi faarax.

Intaas ka bacdi waxa uu guddoomiyuhu yeedhiyay Magacyada 82-ka xildhibaanada ku guulaystay ka mid noqoshada doorashada Baarlamaanka, oo ah magacyadii ay hore u soo saareen Koomishanka Qaranku. Sida ka muuqata Magacyada Murashixiinta aan ku guulaysan doorashada ee hadhay waxa ka maqan Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ka mid ahaa Murashixintii ka sharaxnaa xisbiga UDUB ee ku siibtay Salaanka loolanka.

Wakiiladii u joogay Maxkamadda xisbiyada KULMIYE iyo UCID Cabdikariim Xinif iyo Yuusuf Maxamuud Guuleed, ayaa Hargeysa News, u sheegay inay ku qanacsanyihiin natiijada doorashada ee si rasmi ah ay Maanta Maxkamadu ugu dhawaaqday waxase ay sheegeen in Maxkamadda laga sugayo sababta liiska Murashixinta hadhay looga reebay Md. Qaybe. Wakiilka u joogay xisbiga UDUB Mr. Axmed Xaashi Cabdi, oo Hargeysa News, isna la kulantay ayaa sheegay in xisbigiisu ku qanacsanyahay natiijada rasmiga ah ee Maxkamadu ku dhawaaqday.

Mar la weydiiyay bal sababta Maxkamadu Murashixinta hadhay uga reebtay Md. Qaybe, waxa uu sheegay inuu Qaybe ugu jiray liiskii Murashixinta tartamaysay, “Laakiin waxaan u malaynayaa inuu farsamo ahaan liiska uga maqanyahay” ayuu yidhi Axmed Xaashi Cabdi.
Saacadaha soo socda ayaad Idaacadda codka Hargeysa ka dhagaysan doontaan warka ku dhawaaqista Natiijada rasmi ah oo dhammaystiran. Source.Somalilandtoday.net
Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo.

No comments: