Saturday, October 22, 2005

Waxa aan Akhriyey buugga LADH


Waxa ay ahayd habeen jimce ah oo Sabti soo gelayso markii aan soo iibsaday buugga LADH oo uu dhowaan qoray mu’alifka C/laahi Cawed Cige. Akhriska waxa aan bilaabay ilbidhiqsiyo kaddib markii buuggu gacantayda soo galay. Waxaanu ku bilaabay qoraagu: Kuma ay talo gelin in uu muddadaas dheer ka maqnaado, waxay is lahayd u hanjab, cabsi geli, yaanu habeen dambe qaad ku daahin, waxa madaxeeda ku jiray kaama maarmo illeen adigaa!!!!!.

Halka marka aan marinayo akhriskii buugga ayaannu isku dhacnay nin wadada marayey! Oh! Sorry! Waxan gar-waaqsaday in aan dhex dabbaalanayo magaalo joog xumo tii u weynayd, Sahara Cali Xasan waxay tidhi Anoo laamiga socdaan luloodaa heesayaa! Anna markaasaan idhi Anoo laamiga socdaan LADHKII daalacanayaa.

Aniga oo sugi kari la’ akhriska buugga ayaan guryo imi, kursi halkan yaalla ayaan la fuulay, bog-ba bog buu ii dhiibay cutubba cutub, naxdiniba naxdin, maxaa ku sii xigi, Maqbuul nin la yidhaahdo ayaan durba ka dhex bartay buuggii, isna Shuqbaal buu I baray,Shuqbaalna Aw Geeddi Baabow illaa iyo aannu Saalax iyo saaxiibkii Cali Gaab si weyn isugu milannay. Allahayow muxuu noqon ninkii awrkii lacag siistay, habeenkii ma seexan, maalintii Sabti ma bixin, casarkii waxan weli ku fooraray akhriskii buugga LADH. Saacaddii aan iibsaday saacaddeedii ayaan is idhi rog bogga, mise waa jeldi, waan ku celiyey mise waa dhammaad, cadho iyo ciil weynaa, waxan qaadan waayey in buuggii iga dhammaaday: oo tolow waayo?

Inkasta oo Jaamac Muuse Jaamac oo buugga faallo ka bixiyey yidhi: waa sheeko qof kasta oo 30kii sanadood ee u dambeeyey garaad lahaa iska dhex arki karo, anna aan si dhab ah ugu waafaqay, haddana aniga waxaaba ii sii dheeraa Saddex sababood oo aan markii dambe dhinacna uga qaadi waayey in ay sababtay ka dhergis la’aanta akhriska buugga LADH.

Kow: Waa Qaab_dhismeedka Wacan ee buugga: Buugga xiisihiisa ugu la’ yaabka badani waa sida uu u qoran yahay, waa qaab riwaayadeed oo kale, waa qaabkii sheekooyinkii caan baxay ay u qornaan jireen sida Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa ee uu qoray Baab-Raqiis, ama riwaayaddii Masiibadu Adduunyada iyadaa u macalina ee Xassan Geney. Farshaxanimada buugga waxa ka mid ah in 10kii daqiiqaba daah cusubi kuu furmayo, ama haddii si kale aan u idhaahdo, tobankii daqiiqaba habeen kale oo baas kuu sii dumayo, runtii waa farshaxanimo aanan iyada oo kale hore u arag.


Laba: Qoraal macaan: Arrinta kale ee xiise gelisay buuggan in aanan daqiiqad ka libiqsan waxay tahay luqadda buuggu ku qoran yahay oo ah mid aad iyo aad u heer sarraysa, ama haddii kaas eray ka kooban aan isticmaalo waa luqad qani ah, waa mid kugu khasbaysa in aad sii macaan-sato, waa tiraab uu mu’alifku xulay, oo dooray, oo naqeeyey, oo uu isu saar-saaray si ka qurux badan si kasta oo af-Soomaali la isu saari karo (afka hooyo wacanaa).

Saddex Qiso macaan: Qisada buuggu waa qisadii labaad ee sheeko novel ah oo ku qoran Af-Soomaali ee laabtayda xusuus ku reebta, tii koowaad waxa ay ahayd Ayaan Daran, LADH ayaa soo labaysay, Maana Faay iyo Adeegto ayay qisadani ku dherersatay oo taako iyo badh sare u dhaaftay. Qisadu waxay ku saabsan tahay Khadiija, Khadiiji waa ayo? Khadiiji waa mucjiso, Khadiiji waa boqol qof, Khadiiji waa boqol qiso, Khadiiji mar waxa ay la misaal tahay jamhuuriyad ka mid ah Jamhuuriyadihii bur-buray ee Ruushka ee maafiyadu gacanta ku dhigtay, marna waxa ay la masal tahay jasiirad yar oo cidla ah oo sida Soqadara ku taalla Badda Cas, marna waxa ay la nasiib tahay gashaanti Soomaaliyeed oo geyiga Soomaaliya ku kacaantay sanadihii siddeetamaadkii, marna waa qurba-joog si dhab ah iyo si dhalanteed ahba u quustay webiga qabowga badan ee Thames ee dhexmara caasimadda London.

Ugu dambayn Qoraaga buugga C/Laahi Cawed Cige wuxu si dhab ah u taabtay qiso dhab ah oo bulsheed oo jirta oo aan hore waxba looga qorin waana waajib in qof kastaa ugu yaraan mar akhriyo buugga LADH.

Su’aasha aan haddaba is weydiin lahaa marka aan akhriyo maqaalkan waxa weeye halkee laga helayaa Buuggan LADH. Dabcan si aan waqti badani kaaga lumin waxa aan ku siin karaa faah-faahinta ku qoran jeldiga sare ee buugga:

Haddii aad u baahan tahay nuqul ka mid ah buuggan fadlan la xidhiidh soo saaraha buugga slbooks@redsea-online.com ama booqo website-ka http://www.redsea-online.com/ Haddii aad ka dalbato book shops ka ISBN ka buuggu waa: 88-88934-04-9

Xagga tilmaan dhaqameedda: dukaanno badan oo uu ku jiro kii iga iibiyey ayaa haya buuggan la’ yaabka leh ee xambarsan qisadan mucjisada ah ee ha u daymo la’aan in aad weydiiso dukaanka Soomaaliyeed ee kuugu dhow.


Cismaan Abokor
London
Cismaanabokor@yahoo.com

No comments: