Saturday, October 22, 2005

Xubno Ka mid ah Xildhibaanada UDUB oo Cadeeyey in Aanay u Codaynayn Shir-guddoonka UDUB Soo Xushay.


Xildhibaano sadex ah oo ka mid ah gollaha Cusub ee UDUB u soo baxay ayaa sheegay in aanay marnaba ka qaybqaadanayn ololaha ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu ee lagu soo xulayo shir-guddoon ka soo jeeda UDUb, haddii aan laga wada tashan. Xildhibaanadaasi waxa ay si qoto dheer uga hadleen dhaliililhii soo jiray iyo sidii iyaga oo qaarkood ka mid ah gollihii hore sifo sharci daro ah ay u xidheen gollaha Madaxweynaha iyo shir-guddoonkii xilligaas ee ka amar qaadan jiray maslaxada Madaxweynaha hadba sida ay ugu jirto.

“ Waa haboon tahay in hawshaas shriguddoonka laga tashado, waana muhiim in laysla eeego ciddii u qalanta ee xisbi ahaan aanu cod kaga helayno gollaha oo dhan, laakiin ma qabo, umadana ma qabato, annagana nama qabato in naloo yeedhiyo, tasi maaha mid aanu yeelayno, waxaanu maanta nahay masuuliyiin ummada si xaqqa u soo dooratay oo sita kalsooni buuxda, waxaana nala soo balamay dadkii nasoo doortay.” Sidaas waxaa yiri xildhibaan ka mid ah sadxeda xildhibaan.

Mar aan waydiiyey waxa ay si badheedho ah ugu qaban wayeen shir jaraa,id waxa ay yiraahdeen waxaanu doonaynaa in aanu horta gudaha ururka arrinta shir guddoonka dareensiinao in talo aanu u fadhino. Haddiise ay suurtogeli wyado waanu qabanaynaa.
Arrintaas waxa ay soo saartay walaac badan oo ka muuqda dhinaca maamulka ee UDUB iyaga oo xildhibaano dhawr ahna la sheegayo oo kale in ay walaac qabaan xagga shirguddoonka ay UDUB wado ah.

Somalilandfuture Online

No comments: