Monday, November 28, 2005

Anigu Wax Xuduudo Ah Oo Aan Aamin Sanahay Ma Jirto" Barnamujka TvsLE Iyo Abwan Gaariye


Abwan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa waxaa uu boqoshooyin ku jooga dalalka waqooyiga yurub hadaba abwaanka ayaa waxaa uu ka qayb galey intii uu marayey dalalkaas kulano aqoon is weydaris ah oo ay kasoo qayb galeen bulsho weynta Somalidu.


Hadaba barnamujkan oo muuqaal ayaa waxaa magalada Stockholm su'aalo dhawar ah ku weydiiyey Abwaanka qaar ka mida dadweynihii kulanka kasoo qayb galey

Waxana Su'alaha Gaariye la weydiiyey Ka mid ahaa


"Madama aad gabayo u tirsey dadka aad ka dhalatey ee Reer Waqooyiga Wakhtigii ay dhibateysnayeen maxaad wakhtigan xadirka ah gabey ugu tirin waydey xalda qalafsan ee ka jirta Somaliya Min Hargeysa ilaa iyo Kismayo Waad mahad santahay Anigu hadaan isu kaa sheego waxan ahay Nin Reer Konfureed ah"?


Abwan Gaariye

"waad mahad santahay adeer marka hore anigu waxan abwan u ahay binu aadmiga oo dhan ee cid gooniya abwaan uma ihi takale tan aad leedahay waqooyi iyo konfur Anigu Sideydaba Wax Xuduudo Ah Oo Aan Aamin Sanahay Majirto Waana igu cidhiidhi waxaanan qabaa burburkii inagu dhacay ayuunbey qolo waliba meel Degtey"


Muqaalka Tv-ga Halkan RIIX

http://www.tvsomalilandeurope.net



Tvsleurope

No comments: