Monday, November 28, 2005

Iskaashiga Mucaaridka Durtaba la Mahadi

Weli lama dhaarin, mey shirin, mey dooran ragii shukaanta Golaha u qaban lahaa, haddana waxaa si toos ah loo goostay midhihii ka dhashay iskaashiga danta guud ee mataanaha mucaaradku ku bahoobeen. Waxca soo if baxaaya in rayiga dadweynaha markii ugu horeeysay la qiimeeyo, oo dawladda Riyaale xisaabta ku darsato.

Kow. Waxa Madaxweynahu markii ugu horeysay ogalaaday in dadweynahu su’aalo toos ah ku weydiiyaan idaacadda BBCda, inkastoo BBCdu ay shaandhayn lixaad leh ku sameysay su’aalihii loo soo diray, haddana waxa muuqatay in Madaxweynahu dareemay culayska uu kala kulmi doono barlamanka cusub oo mucaaridku hogaamiyo, taas oo ku qasbaysa inuu maamulkiisa ku dabro sharciga dalka, ooyna marna u saamixi doonin inuu dabar goosto sida uu oga bartay barlamankii hore. WAA GUUL MIDHAHEEDA LA GOOSTAY.

Laba. Waxa sidoo kale ka imanaaya Wasiiradii aan dadweynaha waxba u haysan, oo carabkoodu bartay inuu dhawaaq hufan oo dabaxcsan ka soo yeedho. Bal maqal Wasiirkas Gudaha oo si dadban u sheegay inay qalad tahay in la joojiyo shirka aan caadiga ahayn ee hore loogu diiday degaanada, inkastoo uu ficil ahaan waxba ka bedelin. Sidoo kale ayuu Oday Buuni u sheegay sida ay sharciga u waafaqsantay is-bahaysiga labada xisbi.

Seddex. Waxa isna dareenka dadweynaha u dabcay Taliyaha Boliska oo xadhiga ninka argagixida ah ee Indhocadde si hufan u sheegay in weli dambigiisa lagu qabtay weli ka maqan yahay xukunkan. Taas oo uu ku qaboojinaayo guux ka dhashay xukunka ninkaas.
Jaraa’idkuna baahiyey.

Afar. Waxa isna si fiican u qaabilay dadweynaha Madax/Xigeenka oo su’aalo toos ah uga jawaabay isagoo loo mariyey wesitka Hargeysa News Network. Runtii Mudane Axmed si haboon ayuu uga jawaabay, isagoo toos u qirtay qaladka ku jira tirada Wasiirada. Isagoo caddeeyey inay tahay in la dhiso dawlad kooban oo tayo leh. Isla markaasna hoos loogu dhaadhaco maamulka oo la bedelo Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha loona eego aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin.Waa guul kale oo ka dhalatay la-xisaabtanka soo socda.

Shan. Waxa isbedel ku dhacay maamulka laba degmo oo qiimo leh. Waxa Burco loo doortay markii ugu horeysay Duq Magaalo oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, oo waliba dhammaan xildhibaanka golaha deegaanku dhammaan isku raaceen,iyadoon qof keliye diidin. Waxa iyana la doortay Mayarka Gabiile iyo Ku –Xigeenka oo markii Somaliland ugu horeysay loo doortay ruux dumar ah, oo weliba ka tirsan xisbiga Kulmiye. Waxa se arraintan weli hortaagan Wasiirka Gudaha oo isticmaalaaya hab aan sharci ahayn. Waxaa se arrijntu un taal deegaanka Gabiilay oon u dabcin tabaha ka baxsan sharciga ee lagu kala furaayo. Waana arrin dadweynaha Gabiilay ay si toos ah ula socdaan. Warbaahinta Somalilaandna ay wax badan ka qortay, kana tidhi.

Lix. Madaxweynahu waxuu ciyaaray xeelad kasta oo xisbiga UDUB ku hanto hoggaanka Golaha Wakiilada, isagoo awoodda dawladda, iyo tan xisbigaba qaab kasta u isticmaalay. Waxa se ugu yaab badan qoraalo ay websiteyada ku baahiyeen aqoon yahanka UDUB oo damcay inay jaahwareer ku ridaan dadweynaha. Waxa ay yidhaahdaan waa in UDUB sharciyan heshaa hogaanka golaha , waayo waxay tahay xisbiga ugu kuraas badan. Waxay kaloo ay yidhaahdaan mucaaradku doorashadii wey ku dhaceen. Waa yaab, qofka dawladda u codeeyey waxuu doortay UDUB, kan diiday waxuu haystaa inuu u foodo laba xisbi, waana taas tan ka dhigtay in aqlibiyadda Somaliland u codeysay mucaaridka ooy diiday xisbiga dawladda. Isbahaysiga labada xisbi ee KUMIYE iyo UCID, waxay ka turjumaysaa doonista dadweynaha ay ku muujiyeen codkoodii.

Haddaba waxa Madaxweynahu baajin kari waayey wax ka badan inta sharcigu u ogolaaday inuu dib ugu dhigo, waayo waxuu ogyahay in mucaaridku awood u leeyahay inay maalin ka dib marka soddonlka cisho dhammaato,ay golaha u yeedhi karaan, isna Karamadii lagu sharfay waayi doono. Iyana waa guul u soo hoyatay Somaliland, kana dhalatay korista garaadka siyaasadeed ee mucaaridka iyo tan dadweynahaba...

Waxa is weydiin leh tolow cidina ma u fiirsatay waxa Madaxweynahu u doorto maalinta 29naad. Waxa la ogaala in doorashadii uu ka bedelay 15 bisha kuna riixay 29ka, maantana waa 29ka maalinta uu Golaha isagu yeedhay. Waxa haddaba arrintan ii sheegay nin UDUB ah oo aad u yaqaan dhaqanka Galbeedka Somaliland oo uu ka soo jeedo. Waxuuna ii sheegay in Golaha leysugu yeedhi doono 29ka bishan arrintan waxuu ii sheegay toddobaadkii ugu horeeyey ee bisha, isagoo ii sheegay inay la xidhiidho faalka iyo maalintan oo beesha Madaxweynahu aad u aaminsantay. Waa igu maqaal, waana arrin la yaab leh, una baahan inay ka doodaan raga dhaqanka ku xeel dheeri. Faal nin qoolka Illaahay iyo Rasuulkiisa aaminsani ma cuskado Kolay se waa arrin sharciyan u banana Madaxweynaha.Sida la sheegeeyo arrinta faalka keli kuma aha, ee waxa la rumeysan yahay in maamulka intiisa badani aaminsantay.

Waxa manta diiraddu saarantay xildhibaanada lagu doortay magaca mucaaridka oo dadweynahu ka doonayaan inay sida loogu soo doortay ku dhaqmaan, mucaaraid ku salaysan dimuquraadiyad ay ku xisaabiyaan Golah Fulinta, ku soo dabaalaan sharciga ragga qaarkiis ee isu haysto inay sharciga ka sareeyaan. Waxa looga fadhiyaa inay heshiiska ay isla gaadheen labada xisbi ku dhaqan geliyaan doorashada hogaanka Golaha oo ay labadooda xisbi qabtaan. Waa waajib saran, magac iyo maamuusna u kordhin kara xildhibaanada, faaiido xisbi iyo danta guudna ku jirto. Indheha iyo dhegaha Somalilaand waxay dhowrayaan waxa Golaha ka soo yeedha maalinta salaasada ee 29ka bishan.

Waxa dhacday in mudane ku soo baxay habka magac dhiibka ee Xisbiga UCID, uu diiday go,aanka masiirka ah ee doorashada shir guddoonka. Waxa la yaab leh in ruux ku soo baxay habka dimuquraadigu uu noqdon keligii-tashade. Waxa doorashadu ku dhisantay talo wadaag. Xisbi ma jiri karo, dawlad dimuquraadi ihina ma dhismayso haddii ruux waliba noqdo mid rayigiis uun raaca. Waxa ruuxa u banana inuu rayigiisa iib geeyo si xor ah, balse uu qadariyo oo uu ku socdo go’aanka aqlabiyada. Mudanaha waxa la gudboon inuu ku soo laabto xaydaanka xisbiga oo uu u codeeyuo sida aqlabiyada culus ee labada xisbi isu raaceen, ahna tan dadweynaha Somalilaand u codeeyey. Waa mid u furan oon ka xidhmayn, ilaa inta codayntu dhacayso. Waxa dhammaan inala gudboon inaynu ilaalino talada aqlabiyadda oo ah mabda’a aasaasiga ah ee ay ku dhisantay dimuquuraadiyada distoorkeenu ku taagan yahay.

GUUSHA UGU WEYNE WAXAY HANOQAADAYSAA KOLKA MUCAARIDKU HOGAANKA GOLAHA SI DHAB AH UGU FADHIISTO. WAANA MID KU DHISAN RABITAANKA DADWEYNAHA U CODEEYEY KULMIYE IYO UCID OO AH BOQOLKIIBA LIXDAN SHACBIGA CODEEYEY. RUMEYNTA HIMMILADAASI WAA MID U TAAL XILDHIBAANADA MUCAARIDKA OO ILLAAHAY TALO SAARTA..

Ahmed Arwo
Cardiff,U.K.

Ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: