Tuesday, November 29, 2005

Golaha Cusub Ee Baarlamaanka Oo Doortay Shir Guddoon Cusub: C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi, Cabdicasiis Samaale, Baashe Maxamuud Faarax


Golaha Cusub Ee Baarlamaanka Oo Doortay Shir Guddoon Cusub: C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi, Cabdicasiis Samaale, Baashe Maxamuud FaaraxSomaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 November, 2005

Hargeisa (Somaliland.org) Kal fadhigii 1-aad ee Golaha wakiiladda oo maanta ka qabsoomay Hoolka Golaha Guurtida ee Magaalada Hargeysa ayaa waxay 48 xildhibaan ee Labada Xisbi KULMIYE iyo UCID ku doorteen Guddoomiye iyo labadiisa Guddoomiye ku xigeen, kal fadhigani oo 33-ka xildhibaan iyo xubin ka tirsanayd Xisbiga UCID oo hore looga saaray xisbigaasi ka dareereen ka dib qas iyo buuq badan oo golaha dhexdiisa maanta ka aloosmay ayaa waxay 48-ka xildhibaan oo sharciyan buuxiyey Kooramka Kal-fadhiga 1-aad waxay u doorteen Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda:

Guddoomiyaha Cusubee Golaha wakiiladdaCabdiraxmaan Cirro
1. Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Xisbiga UCID, lagana soo doortay Gobolka Saaxiil.

2. Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda Cabdi-Casiis Maxamed Samaale Xisbiga KULMIYE, lagana soo doortay Gobolka Hargeysa.

3. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamuud Faarax Xisbiga KULMIYE, lagana soo doortay Gobolka SOOL

Qas, Buuq, iyo gacan ka hadal weyn oo ka dhex aloosmay fadhigani maanta ayaa waxaa waxay doorashadani Shir Guddoonku Saaka farxad iyo rayn rayn weyn ka dhex bilawday Bulshada reer Hargeysa oo iyagu Dabaal deg weyn iyo fantasiyo ka samaynaayey waddooyinka isku xidha caasimadda, Waxaanay tani waji gabax weyn ku noqotay Xisbul Xaakimka iyo UDUB.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
SOMALILAND.ORG, HARGEISA.

No comments: