Wednesday, November 30, 2005

Odayaasha Golaha Guurtida Oo Ka Dhex Wada Dhex-dhexaadin Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumadda

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 30 November, 2005
Hargeisa (Somaliland.org) Odayaasha Golaha Guurtida oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), Guddoomiye Xigeenka Sh. Axmed Sh. Nuux, Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa waxay habeenkii xallay ilaa maanta gelinkii danbe wadeen kala dabqaadid iyo dhex dhexaadin ay ka dhex wadaan Labada dhinac Mucaaridka iyo Xukuumadda.

Warar xogogaal ah oo aad loogu kalsoonyahay ayaa Somaliland.org waxay u xaqiijiyeen Madaxweyne Rayaale oo maalinta beritoole ah waddanka Dibadda uga baxaya in Shir Guddoonka Golaha Guurtida iyo odayaasha Guurtidu ay ku cadaadinayaan Madaxweynaha inuu toos u aqbalo Shir Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiiladdu doorteen maalintii shallaytoole ahayd, Waxaa wararkani sheegayaan in Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo odayga Caanka ah Xaaji Cabdi Waraabe ay habeenkii xallaytoole ahayd madaxweynaha ugu tageen Guriga uu degenyahay oo ah xarunta Madaxtooyada, una sheegeen in uu ku qanco natiijadii shallay lagu soo doortay shir guddoonka haddii kale loo arki karo xaalad abuur iyo ammaanka dalka oo qasma.

Dhinaca kale saaka ayaa Guriga Madaxtooyada waxaa Shir Jaraa'id ku qabtay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni wuxuuna ku tilmaamay Shir Guddoonkii shallay la doortay mid sharci darro ah, wuxuuna sheegay in maalinta Sabtida ah la dooran doono Shir Guddoon.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo aan maanta kula kulmay xarunta Xisbiga UCID ayaan wax ka weydiiyey bal siduu u arko Xisbul Xaakimka UDUB iyo Xukuumaddu sidaanay ugu qanacsanayn Doorashadii la doortay Shir Guddoonka uu isagu guddoomiyaha ka yahay, wuxuuna ii sheegay in sharcigu qanacsiin doono wixii sharciga ka baxsana la baal mari doono, maalinta sabtida ahna uu isagu guddoomin doona Golaha.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
SOMALILAND.ORG, HARGEISA.
Somaliland.org@gmail.com

No comments: