
Mr. Xaddi oo walaacaasi ka muuqdo ayaa mar la weydiiyey siduu u arko Amarka ka soo baxay dawladda ethiopia dhawaan ee ay ku amrayso wasaaradaha iyo waxaheeda ganacsi ee kala duwan inay wax kala soo degaan kana dhoofistaan Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu yidhi "Xamuulka u wareegay dhinaca Berbera wuxuu ka dhiganyahay Subag xeedho ku dhacay, balse taasi waxaan filaya inaanay waxba ka bedeli doonin xidhiidhkii aanu la lahayn Ethiopia" waxaa marar badan lagu celiyey su'aal mareeyaha Dekedda Jibouti mr. Abu-bakar Xaddi inuu dhaq dhaqaaqii ganacsi ee dekedda jibouti si weyn isku dhimay, balse waa ka maag maagay.
Dhawaan ayaa waxaa sidani oo kale afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jibouti ku tilmaamay Maraakiibta ethiopia u raran ee ku soo xidhanaya Dekedda Berbera qaar Hub u sida dalka Ethiopia, iyagoo mar marsiyo uga dhiganaayey saamiga dhaqaale ee ka soo wareegay dekedda Jibouti, Maamulka Jibouti wuxuu mar weliba ahaa cadawga 1-aad ee Somaliland leedahay iyagoo mar weliba ka baqda inay Somaliland ku noqoto jibouti laf dhuungashay.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND.ORG, HARGEISA.Somaliland.org@gmail.com
No comments:
Post a Comment