Sunday, November 27, 2005

MASUULIYIIN KA TIRSAN GOLAHA DEGAANKA HARGEYSA OO WASIIRKA DAAKHILIGA KU EEDEEYAY DHUL BOOB IYO NABADGELYO DARRO ABUUR

Hargeysa(Sooyaal)- Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Degaanka Hargeysa, Md. Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo xubin ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, Ismaaciil Cabdi Cige (Ismaaciil Caymis), ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md. Ismaaciil Aadan Cismaan, in uu awood Wasiirnimo ku boobay dhul dan guud ah oo loo qoondeeyay in laga dhiso dugsi wax lagu barto.

Guddoomiye-ku-xigeenka iyo xildhibaanka oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in dhulkaas oo ahaa dan guud ay dowladda hoose ee Hargaysa bixisay si looga dhiso Dugsi waxbarasho, balse, Wasiirka Daakhiligu xoog ku qabsaday, isaga oo aan wax sharci ah u haysan.

Waxa ayaan darro ah Wasiirka Arrimaha Guduhu in uu maanta ku doodo dhul yar oo Iskuul la siiyay, waana wax laga yaq-yaqsoodo kuwii masuuliyadda dalka ugu saraysa hayay in ay maanta ku doodaan meelihii carruurtu wax inoogu baranaysay. Aad iyo aadna waanu uga xunahay arrintaa. Madaxweynahana waxaanu leenahay Madaxweyne wax ka qabo arrintaas oo talaabo ka qaad. Waayo, arrintaasi way dhaaftay heerkayagii mar haddii awood la sheegtay oo wixii aanu sharciga u bixinay awood lagu hor istaagayo, markaa awood aanu kaga hor tagno ma hayno oo waa nalaga awood badan yahay.

Markaa waxaanu leenahay inamada awoodda haysta Madaxweynuhu talaabo ha ka qaado, inuu wax ka qabanayana waanu ku rajo weynahay, in danta guud danta gaarka ah laga horaysiiyo ayaana muhiim ah, ayuu yidhi Md. Uur-cadde.

Guddoomiye-ku-xigeenka oo iftiiminaya sifaha loo bixiyay dhulka Iskuulka la siiyay waxa uu yidhi; Had iyo jeer waxaan maqlaa oo ay yidhaahdaan dadka danta gaarka ah wataa warqadda dhulka Iskuulka lagu siinayo way masaxantahay oo ma sheegayso meesha Iskuulka dhulka laga siinayo, warqadda anigaa qalin mariyay oo saxeexay, markaa sharciga kaa ka duwan ee lagu shaqeeyo ee iyagu ay barteen ha sheegaan, waxaanan leeyahay dhulkaasi waa dan guud.
Md. Uur-cadde waxa kale oo uu ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha in uu fara gelin sharci darro ah ku hayo xildhibaanada Golaha Degaanka oo ay ka shaqaysan kari la’ yihiin oo uu shaqaalihii dawladda hoose u isticmaalayo awood Wasiir oo shaqada uu kaga eryo kuna beddelo, mar kastana uu faraha kula jiro arrimaha dhulka oo ay sharci ahaan ku shaqo leeyihiin Golaha Degaanku.

Gaar ahaan, Wasiirka arrimaha gudaha waxaan leeyahay arrinta aad wadaa waxay abuuraysaa nabadgelyo darro kuumana cuntamayso, Iskuulka ardaydana annagaa dhulka siinay ee adigu dhulka ma bixisid, shaqadaaduna waa inaad nabadgelyada dalka ilaaliso. Markaa waxaanu kaa codsanaynaa inaad nabadgelyada ilaaliso oo aad dhulka Iskuulkaas faraha ka qaado, isaga oo intaa raaciyay; Madaxweynaha waxaan leeyahay Wasiirka Arrimaha Guduhu faraha ha nooga qaado hawlaha dhulka iyo hawlaha shaqaalaha dowladda hoose oo uu fara gelin ku hayo, waayo, Wasiirku ilaa heer ayuu gaadhay uu yidhaahdo hebel beddela. Ummaddana waxaanu u sheegaynaa Iskuulka AL-Baraka in sharci alla sharci loogu diidi karo dhulkaasi aanay jirin oo ay iyagu ugu xaq leeyihiin dhulkaas, annaguna aanu la ogol nahay, cid kale oo ay u daba istaagayaana aanay jirin.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige oo xilliga Iskuulka dhulka la siiyay wakiil uga ahaa Golaha Degaanka Xaafadda Kood-Buur, ayaa waxa uu sheegay in meel madal ah oo ay ka soo qayb galeen waalidiinta xaafaddaasi ay ku wareejiyeen dhulka dugsiga loo qorshooyay in laga dhiso.
Waxaan caddaynayaa dantii guud ee laga saaray Beerta ilma Laba Shaaqle oo dhinaca waqooyi ka xigta Hutel Maansoor, in tobonka Baloodh ee Iskuulka la siiyay ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee laga bixiyay dantaa guud, waxaananu ku wareejinay muddo imika laga joogo dhawr bilood oo Iskuulku Xaflad lahaa, halkaas oo ay joogeen waalidiin badan lagana soo daayay Hargeysa TV, sidaasayna ku ahayd sharci, ayuu yidhi Xildhibaan Ismaaciil.

Xildhibaan Ismaaciil Caymis waxa kale oo uu sheegay in wakhtigii uu wakiilka ahaa xaafadda Kood-Buur uu soo baxay muran ku saabsan dhulka danta guud ee Iskuulka AL-Baraka la siiyay, halkaas oo ay soo hor dhigeen Sideed iyo Toban xildhibaan oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargaysa, isla markaana markii ay xildhibaanadaasi ka doodoon isla af-garteen in Iskuulkaasi meeshaa ku haboon yahay, isla markaana aanay macquul noqonayn in dhul kale loogu beddelo Iskuulka.

Xildhibaan Ismaaciil Caymis isaga oo arrintaa faah-faahinayana waxa uu yidhi; Markii uu soo baxay murankaasi waxa aanu samaynay in Golaha Degaanka dib loo soo hor dhigo, waxaana ogolaaday Sideed iyo Toban xildhibaan, kuwaas oo isku raacay in goobta iskuulka dhulka laga siiyay ay ku haboon tahay loona daayo Iskuulka, meel kalena loo beddeli karin. Waxa kale oo uu intaas ku daray; Waxa jirta in arrinka dhulka Iskuulku uu ilaa Madaxweynaha gaadhay, oo ay gaadhsiiyeen maamulka Iskuulka AL-Baraka iyo waalidiinta ardayda Iskuulka dhigata, kuwaas oo Madaxweynaha u sheegay oo ku yidhi ‘dhulkii nala siiyay waxa nalaga dhigtay Dhagax iyo Jaajuur, cidda ay ka dacwoonayeen ee ay Dhagaxaa iyo Jaajuurkaa uga dacwoonayeena waxay ahayd Wasiirka Daakhiliga, Madaxweynahana arrinkay ugu tageen ma ay ahayn in uu dhul siiyo ee waxay ugu tageen dacwad ah Dhagaxaa iyo Jaajuurkaa nalaga dhigtay dhulkaa Dowladda Hoose hore noo siiyay, maadaama, ninka Dhagaxa ka dhigtay uu yahay masuulka ugu sareeya ee Wasaaradda Daakhiliga, kaas oo ay madaxweynaha ka codsadeen in uu ka qabto Wasiirka oo uu uga qaado dhulka. Balse, aanay Madaxweynaha dhul weydiisanayn.

Guddoomiye-ku-xigeenku Shirkiisa Jaraa’id ka dib waxay saxaafadu su’aalo ku saabsan arrinta dhulka ka weydiisay, waxayna u dhaceen sidan: Maayar-ku-xigeen oo wax laga weydiiyay Wasiirku waxa uu dhulkan ku doonayo iyo in uu waraaqo iyo sharci u haysto ama uu kala hadlay, isaga oo arintaa ka jawaabayana waxa uu yidhi; Annaga Dowlad Hoose ahaan wax waraaqo ah iyo wax sharci ah oo aanu siinay ma jirto.

Mar wax laga weydiiyay hadal hore Maayarka uga soo baxay oo sheegayay in Iskuulka Al-baraha dhulka danta guud ah ee la siiyay aanay wakhtigaa wax dan guud ah oo ka noolaydba aanu jirin dhulkaas oo la kala qaybsaday, dabadeedna warqaddii aad dhulka ugu cayimaysay aad gacantaada kaga masaxday beerta ilma Laba Shaaqle, ka dib mar dambe aad qalin hoosta kaga qortay warqadda meesha dhulka Iskuulka laga siinayo oo ah beerta ilma Laba Shaagle.

Isaga oo arrintaa faahfaahin ka bixinayana waxa uu yidhi; Horta Maayarku isaga oo I hor fadhiya oo hadalkaa yidhaahda ayaa fiicnayd, mar haddii aanu ila joogina hadalkiisa ka jawaabi maayo. Laakiin, waxaan cadaynayaa mar haddii warqadda qalin lagu xariiqo dabadeedna la saxeexo waa sharci, wax aniga igu kalifaya in aan marka dambe sameeyaana ma jiro, warqaddan la sheegayana waxa ku dhacay khalad ilowshiiyo ah, dabadeedna waanaga hoosta kaga qornay, waxaanan inta warqadood ee arrinta dhulkaa ku socotana waaniga idin tusay, mid kastana waxa ku qoran in meesha dhulka laga siinayaa ay tahay beerta ilma Laba Shaagle, ta kale marka aynu intaa soo dhaafno dee annagaaba nool oo la soo taagan annagaa bixinay, wuxuna wuxuu muran galaa marka qofkii bixiyay aanu joogin. Laakiin, anigaa la soo taagan oo leh anigaa dhulkaa bixiyay Iskuulkana siiyay, dhulkan aad leedahay Maayarku wuxuu yidhi dantaa guud waxba kamay noolayn wakhtigaas, waxaan kuu sheegayaa in danta guud ee beertan laga saaray ay ahaayeen 45 baloodh (shan iyo afartan baloodh), labaatan baloodh waxa la siiyay askar ka tirsan Madaxtooyada, toddoba baloodhna waxa la siiyay xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, Sideed iyo Tobanka baloodh ee kale cid la siiyay ma jirto.

Maayar-ku-xigeenka waxa kale oo wax laga weydiiyay in ay dhulka u istaageen maamulka Iskuulka oo ay u cabireen iyo in kale, isaga oo arrintaa faah-faahinayana waxa uu sheegay; Dhulka waxa maamulka Iskuulka loo istaagayaa marka ay lacagta ku shubaan khasnada dowladda hoose, laakiin cid kale lagama dul gelin karo, iyada oo go’aan guddi fulineed la bixiyay ayaanu diidanahay oo imika cid cusub loo sameeyo, taasina ma dhacayso.

Md. Uur-cadde oo wax laga weydiiyay cidda Jaajuurka ku rogtay in uu yahay Xog-hayaha Suuqa Gobonimo, sidaasna ay sheegeen shaqaalihii rogayay, arrintaa isaga oo ka jawaabayana waxa uu yidhi; Aniga cidda ay iiga soo ashkatoodeen maamulka Iskuulka AL-Baraka ee ay sheegeen in uu hor taagan yahay waa Wasiirka Arrimaha Gudaha, intaan ka ogahayna waa intaa, intaan ka hadlayaana waa intaa, haddii nidaamka iyo sharciyada loo hoggaansami waayana nidaam gaar ah oo Ismaaciil leeyahay oo dalkan ka shaqaynayaa ma jiro.

Mar wax laga weydiiyay sharciyada Wasiirka arrimaha Guduhu ku beddelayo shaqaalaha dowladda hoose, isaga oo jawaab ka bixiniya waxa uu yidhi; Sharci darrada uu Wasiirku shaqaalaha dowladda hoose ku beddelayaa waa arrin maanta dalka ka wada jirta oo dhacday, jileec xagayaga ka yimidba ha noqdee.

Md. Uur-cadde oo wax laga weydiiyay dhulkan Iskuulka la siiyay ka sokow in ay meesha ay siyaasadi ku jirto una muuqato arrin Golihiinan Dagaanku ku kala qaybsan yahay ama xukuumadda dhexe aad ku eedeynaysaan, maadaama oo ay jiraan dhul badan oo dan guud ah wax muran ahina aanay ka dhicin, isaga oo arrintaa faah-faahinaya waxa uu yidhi; Horta Golaha Degaanku ma kala jabsana, aniga (Maayar-ku-xigeenka) iyo Maayarkuna wax aanu isku haysano oo dan guud ahi ma jiro, haddii uu warqad soo saaro Maayarku oo uu yidhaahdo waa la beddelayaa dhulkaa, laakiin ilaa hadda waxaanu haynaa qoraaladii annagu aanu samaynay Gole Degaan ahaan oo ka socon la’ Wasiirka Arrimaha Gudaha carqaladna ku haya.

WARIYE MAXAMED AXMED (CALOOLAY)
SOOYAAL.COM HARGEYSA SOMALILAND

No comments: