Sunday, November 27, 2005

TOBAN KA MIDA CUQAASHA CAYNABA OO BEENIYAY WAR KU SOO BAXAY WARGAYSKA OGAAL

Caynaba (Sooyaal) Toban ka mida Madaxdhaqameedyada Deegaanka Caynaba ee Gobolka Sool, ayaa beeniyay baaq qoraal ah oo uu soo saaray Wargayska Ogaal cadadkiisii 75aad ee soo baxay 24 November 2005, kaas oo lagu sheegay in ay xidhanyihiin dhamaan xafiisyadii dawladda ee degmada iyaga oo xukuumada ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabato.

Cuqaashu baaqan beeninta ah e ay soo saareen waxay ku tilmaaneen in magacyadooda laga been abuurtay islamarkaana aanay ogayn cid qortay iyo meesha lagu qoray midna, balse ay magacyadooda ku arkeen Wargayska Ogaal.

Baaqa cuqaashi oo beenisay warka uu hore u faafiyay Wargayska Ogaal waxa uu u qornaa sidan:- Baaqana waxba kama jiraan, xafiisyo dawladeed oo xidhana majiraan , xafiisyadii dawlada degmadana dhamaan way shaqaynayaan.

Way jirtay mar ay xafiiska Maayarka degmada qufulo ku xidheen xubno qaswadayaal ah oo ka tirsan Golaha Deegaanka, taasna Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa amar ka soo bixisay in si deg deg ah loo furo xafiiskaas waana la furay markiiba in kastoo ciddii xidhay aan wax kiis ah lagu soo oogin.

WARIYE CALOOLAY
HARGEYSA SOMALILAND
SOOYAAL.COM

No comments: