Thursday, November 24, 2005

TACSI GEERADA XASAN AADAN WADADIID

"It is He Who gives Life and Death; and when He decides upon an affair, He says to it, "Be", and it is".
INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Cardiff iyo magaca reer Xasan Carwo iyo xaaskayga Amal Omar Arteh , waxaan tacsi u dirayaa dhammaan xaaska iyo ubadka uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Mujahid Xasan Aadan Wadadiid, oo ka mid ahaa aasasayashii ururka suurtagaliyey jiritaanka Somaliland ee SNM.

Muj. Xasan waxaan ka mid ahaa rag dhowr ah oo uu ka mid ahaa Muj. Axmed Jimcaale Alle ha u naxariistee oo habeenkii ka horeeyey doorashadii maamulka SNM 1981 ugu tegay guri uu jiifay isagoo xanuun hargab ihi hayo, deedna aanu la soo qaadnay murashhnimada Guddoomiye, isaguna si asluub leh uga cudur daartay, isagoo leh waxa loo baahan yahay nin aan is magacaabin oo dadku u garto, waayo ma aha mar lagu hardamo tartan madaxnimo.Waa xusuus ii gaar ah, waana mid raad weyn ku yeelatay dhismihii SNM.

Xasan marna kama uu gaabin inuu ka dhex muuqdo halgankii SNM, mucaarid iyo muxaafidba. Waxuu ahaa nin cibaado badan, oo wajigiisa ay ka muuqato Alle cabsi badan iyo raad sujuud badan. Waxa la gudboon SNM iyo dawlad iyo shacbiba in lagu xurmeeyo taariikhada uu lahaa oo loo aaso si qarannimo ah.

Xasan waxuu ahaa nin xilal badan ka soo qabtay dawladdii Somaliya. Waxuu ahaa safiirkii Sacuudiga fadhiyey ee soo hooyey guusha lagu siiyey Soomaalida Ciqaamad xor ahayd xiligii boqor Faisal. Ilaa markaasna waxuu noqday nin xidhiidh weyn la yeesha madaxda Sacuudiga, oo uu hawlo badan uga qabtay Soomaalida dawlad iyo qurbojoogba.

Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka mid dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.

Waxaan tacsi u dirayaa ururka SNM, ehelkiisa kale,qaraabadiisa,xigtadiisa, asxaabtiisa meel kasta oy joogaanba, si gaar ahna reer Wadadiid iyo reer Cumar Ileeye iyo dhammaan shacbiga
shacbiga Somaliland. Waxaan dhammaan leeyahay Samir iyo Iimaan.Aamiin.

Axmed Carwo

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee
Cardiff, Wales

No comments: