Friday, November 25, 2005

Faallo: Isku-Aadinta Furitaanka Baarlamaanka Cusubiyo Dibed-u-Bixidda Madaxweyne Riyaale

Sida caadiga ah marka madaxweyne u baxayo caafimaadama booqasho dibedda muddo ka hor waxaa sii baahisasaxaafadda dalka oo la socodsiisa ummadda. MadaxweyneRiyaale waxaa la soo weriyay in 29ka bisha November uuisugu yeedhayo Baarlamaanka Cusub, 30ka bishanacaafimaad ugu baxayo dalka Jarmalka.Waxaa la ogyahay in madaxweyne Riyaale iyo dhawrkawasiir ee fidmoobay aanay ahayn kuwo u hoggaansandastuurka dalka iyo nidaamka dimoqaraadiga ah balseummaddu iyo Axsaabta Mucaaradku si qasab ah ugadaba-jiidayaan.
Waxaa madaxweynaha iyo kooxdaas dalkala boobta dastuurkana la dumisa lama filaan ku noqotayIs-bahaysiga Axsaabta Mucaaradka ee Kulmiye iyo Ucid si loo xakameeyo xukuumadda dabarka goosatay eehalista ku haysa nabadgelyada guud, dawladnimada, iyonidaamka dimoqaradiga ah.

Kooxdaas oo boob hanti qaran iyo xukun maroorsi ubaratay ma samirto mana waantoodo. Sidaas daraadeed,waxaa suurtogal ah inay khalkhal siyaasadeed dalka kaabuuraan si ay uga hortagayaan inaan BaarlamaankaCusubi u hawlgelin sida ummaddu rabto oo ah in latoosiyo qallooca weyn ee galay hoggaanka siyaasaddadalka.

Furitaanka Baarlamaanka Cusub iyo deg deg ugu bixiddadibedda ee maxadaweyne Riyaale waxay leedahaydareenkeeda. Kadib markii madaxweyne Riyaale iyoxukuumadiisu ku guuldarraysteen inay fadhataystaan amakala furfuraan is-bahaysiga mucaaradka, waxaasuurtogal ah inuu sii maleegay shirqool siyaasadeed oouu ummadda iskaga horkeenayo inta uu dibedda kumaqanyahay laguna horjoogsanyo doorashada GuddoonkaBaarlamaanka Cusub laguna carqaladaynayo hawlgalkaBaarlamaanka sidii ay horeba u horjoogsadeen kulankiiBaarlamaankii hore oo inta Daartii Baarlamaanka ciidaniyo hub lagu xeeray loo diiday inay xubnuhu galaan inuuyo fasax sharcidarro ah ku kala diro sidaasnaloogu tuntay dastuurkii dalka ummadda oo daawanaysa.

Waxaa la yaab leh duul inta ay boobeen hantidiiummadda daaro cadcad oo booli qaran ahna ka dhisteenHargeysa dabadeedna intaas wada qas la rabo indawladanimada lagu burburiyo, ummaddana la iskagahorkeeno si loo dhaawaco qaranimada oo garana la` inwaraabe daalay dirirtiisa loo tago.

Qaskan siyaasadeed oo laga yaabo inuu madaxweyneRiyaale ku amray inay fuliyaan dhawrka wasiir ee kafidmoobay ummadda ayaa waxaa laga yaabaa in haddiixaaladdu ku xumaato xukuumaddiisa uu markaas u baxsadodibedda. Si kastaba xaaladdu ha ahaate, waxaadhammaan ummadda iyo Axsaabta Mucaraadka ah eeSomaliland la gudboon inay feejignaan gaara yeeshaanayaamaha Baarlamaanka cusubi dooraanayo guddoonkiisauna diyaargaroobayo hawlgalkiisa.

Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

No comments: