Thursday, November 24, 2005

Tacsi: Geeridii Xassan Adan Wadaadid

"And there are men who say: "Our Lord! Give us good in this world and good in the Hereafter, and defend us from the torment of the Fire!"
INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Aniga oo ku hadlaya magacayga, ka qoyskayga, dhammaanxubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee UK,waxaan tacsi u dirayaa dhammaan xaaska iyo dhamaamnxubnaha qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha unaxariistee Mujahid Xasan Aadan Wadadiid, oo ka midahaa aasasayashii ururka suurtagaliyey jiritaankaSomaliland ee SNM.

Muj. Xasan waxaan ka mid ahaa raggii aasaasay ururkiiSNM 1981, waxaanu ka noqoday Gudoomiye-ku-xigeenXasan markasta waxa ka dhex muuqdo halgankii SNM,mucaarid iyo muxaafidba. Waxuu ahaa nin cibaado badan,oo wajigiisa ay ka muuqato Alle-ka-cabsi badan.

Waxala gudboon SNM iyo dawlad iyo shacbiba in laguxurmeeyo taariikhada uu ku lahaa halgankii lagula soonoqday qarannimadda Jamuuriyadda Somaliland.Xasan waxuu ahaa nin xilal badan ka soo qabtaydawladdii Somaliya. Waxuu ahaa safiirkii Somaliya ufadhiyey Boqortooyada Sacuudiga.

Waxaan tacsi u dirayaa madaxdii iyo mujaahidiintiiururka SNM, ehelkiisa kale,qaraabadiisa,xigtadiisa,asxaabtiisa iyo shacabka reer Somaliland meel kasta ayjoogaanba.Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis,iyo inuu ka waraabiyo jannadii fardowsa, inakana samiriyo imaan inaga siiyo.

AamiinMaxamed Yonis Awale

Guudoomiyaha Xisbiga Kulmiye(UK)

No comments: